Madaxweyne Shariif Oo Neefta Ka Soo Fuqday Ka Dib Amar uu Bixiyay Agostiin Mahiiga


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Shariif ayaa neestu ka soo fuqday ka dib markii laga odolaaday in qaar ka mid ah xubnihii asaga ku dhow dhowaa ee horay loo diiday in ay ka soo mid noqdaan baarlamaanka cusub la ogolaaday in lagu soo celiyo.

 

Waxaa la sheegay in ergaga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Agostiin Mahiiga uu amar ku bixiyay in baarlamaanka lagu soo celiyo dadkii horay loogu diiday.

 

Xalay ayaa waxaa la tilmaay in ay kulan wada qaateen Mahiiga iyo waliba gudiga farsamada, isla markaana Mahiiga uu amray in la soo celiyo xubnihii ay horay u diideen gudigaan.

 

Arintaan ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii shalaya ay kulan wada qaateen madaxweynaha dowlada Soomaaliya iyo waliba danjirayaasha beesha caalamka kaasi oo kadhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

 

Waxaa la sheegay in kulankaasi intiisa badan looga hadlay xubnaha loo diiday in ay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub, waxaana ugu danbayntii leesku raacay in arintaasi wax laga qabto.

 

Sidoo kale ilaa iyo 100 waxaa la sheegay oo ka socday beelaha hawiye in ay kulan gaar ah ay la qaateen Ergaga gaarka ah ee arimaha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay, ayna isla garteen in arintaan wax laga qabto.

 

Arintaan ayaa waxay neefka ka soo fujisay Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, sababtoo ah xubnaha lasoo celiyay oo ay horay u diideen gudiga fursamada ay u badnaayeen xulufada madaxweynaha.

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Share

9 Responses for “Madaxweyne Shariif Oo Neefta Ka Soo Fuqday Ka Dib Amar uu Bixiyay Agostiin Mahiiga”

  1. khadija says:

    maansha allah waa guul soomali u so hoyatey dadka daacada ah ee ay dibada dhigeen gudiga tuugada u shaqeysa.

  2. Mohammed says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

    ILEEN WADANKA WAA LEYSLA WADA XUKUMAA OO WAA LAKALA SAREEYAA . OGOW QOFKII

    MAANTA WAXAAD DOONEYSO AMARKIISA LAGUUGU QABANAYO ADIGANA BIRI MARKUU

    WUXUU RABO AAD SAMEEN WEYDO INUU AMARKIISA KUGU FAANAYO KUGUNA BAHDILAYO.

  3. zack-london says:

    khadija…………inaad acuudu bilaysatid bay aheed……… guusha aad shegayso………..guusha aad shegayso………waa qabiil jeceel ayey kaa tahey…………Mooryantii, iyo kuwa kale ka daran ayaad rabtaa in laa soo celiyo

  4. axmed cade says:

    wa wax lagu farxo mar hadii as soo muqato midnimada umada somaliyed gudiga xun oo u shaqeeyo qabiilayste yasha iyo dadka dowlad diidka ah awood umalahan iney umada isku diraan o ay colaad hor leh ay huriyaan

  5. sool-Man says:

    Masha Allah , in dadka loo kalo iixdo ma fiicna..rag wadaado culuma ah ayaa liiska laga saaray, halka sharif sakiin oo tuug qaranka dhacay ah pass to parliament la siiyay

  6. maxamed says:

    aniga waxay ilatahay hadii loyelo madxweynaha waqtigisi dhamaday waxa uradinayo in wadanka somaliya waxa lashegayo oo dhahaya dawlad xalal ah aya laga dhisaya,in aay tahay mid ben ah oo aan waxa kajirin,nin hanjabaya oo qabiil ku dodaya ya aminaya ama xulifo dined wax ku radinaya side besha calamku tixgalin usinaysa,so noqon meyso qfo kasta ama koxkasta in aay moshin layimadan oo lohir galiyo,imisa qof oo wax tirsanaysa ayaa manta wadanka joogta,awey baqii qaramida midobay oo shegayey koxdii wax carqaladysa rod mupka tilobo ayaa laga qadaya,hadanu nahay dadka wax idheya arintas isha ayanu ku hayna.

  7. ,luul says:

    khadijo adiga hawiye ma ku tilmameysaa waa daacad nacas fooqal nacas ayaa tahay
    na aaamus jahil ayaa tahay ala shekh wax la dhaho mesha lama keeni doono shariifna wuu dhacay marka is marji intaaan ku jeedo , soamali ayaa aku qaraabaneysaa magaceeda . oo hadad hawiye iska dhahado maxa kaa lumayaa mise magacaaasi waa magac xun sida , si toos u dheh waa guul hawiye qurmoone u soo hoyatay maxaa ugu dhuumaneysa magaca soomali magaciina ha gubtee waadba gumateeeen ilen waad inkaarantahiin cuqubaadii soomalida aad ka gasheen baa idinku dhagan ,tuuugo tuuga dhashay kasoo bilow madaxweeynaha jaahilka ah oo afka English xitan aan kaseynin uf wax soo baro

  8. mohamed salad jeriq says:

    Shariif waa madaxweeyne illaah yaqaana qaladna uusanka suuro galeeyn aqoon yahan bhd sita oo aan alla cabsidiisa aay ku yartahay ama aan diin haaysan ama diintiisu aanay afka dhaaf sii sanneeyn waxaa dhaama mid yaqaana hal suurad kuna dhaqmaya shariifna waa shiiq illaaheey cilmi siiyay dadka soomaaliyeedna aay u siman yihiin xoolaha dadkana aan dhicin kana faa’iideysto qasnadaha alle ee buuxa wuuna guuleysan inshaa allaah.

  9. mohamed salad jeri says:

    Shariif isaga ayaa ka shaqeeyay illaahna waa la garab galay mar haduu dhibkii qaatay oo aan wada ognahay maanta sharaf ayuu naga mudan yahay waliba in aan u aragno sidii 13 kii syl waliba aan ka codsano waxa dhiman in uu noo dhameestiro una duceeyno shariif ma ahan nine qabiil ee waa nin qaran oo jeceyl dalkiisa iyo dadkiisa soomaaliyeey dantaada garo

Leave a Reply