Madaxweyne Shariif oo Qarka u Saaran Inuu Kala Diro Xukuumadda C/weli Gaas Iyo Xaalad Qir Iyo Qir ah oo Ka Taagan Villa Somalia
Muqdisho (RBC) Xaalad adag oo ismari waa ah ayaa ka dhex taagan madaxweyne Shariif iyo raysul wasaare C/weli Gaas kadib markii maanta madaxweynuhu ku sigtay inuu xilka ka qaado raysul wasaaraha uuna kala diro xukuumadda waqtigeedu dhamaanayo ee uu hogaamiyo C/weli Gaas.
Madaxweyne Shariif oo beryahanba tuhun ka qabay heshiiskii ka soo baxay shan ka mid ah kooxda saxiixayaasha oo ku shiray magaalada Nairobi oo uu isaguna ka soo carooday ayaa si weyn u diiday kulan shalay ay yeesheen golaha wasiirada xukuumadda KMG ah kaasoo si buuxda loogu taageeray qodobadii ka soo baxay shirkii saxiixayaasha arintaasoo uu maanta isaguna dhiniciisa ka diiday raysul wasaare Gaas. [Akhri heshiiska saxiixayaasha]
Ilo wareed ku sugan madaxtooyada ayaa caawa u sheegay Raxanreeb in madaxweynuhu galabta isu diyaariyey inuu ku dhawaaqo kala dirista xukuumadda iyo raysul wasaaraha kadibna uu ku magacaabo raysul wasaare cusub iyo dhowr wasiir oo dalka sii wada mudo 12 maalmood ah illaa inta doorashada laga gaarayo.
Raysul wasaare Gaas iyo golihiisa wasiirada oo iyaguna dhankooda ka warhelay warkaasi galabta ayaa u diyaar garoobay inay si kulul uga jawaabaan haddii Sheekh Shariif ku dhawaaqo kala ceyrinta xukuumadda, waxaana xafiiska raysul wasaaraha looga yeeray wariyaasha si ay shir jaraa’id oo markii dambe baaqday u soo tabiyaan.
UN iyo AU oo u kala dabqaadeysa
Iyadoo xaalada illaa hadda ay kala taagnaan mareyso ayaa waxaa maqribkii xarunta madaxtooyada kulan deg deg ah ku yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay Augustine Mahiga iyo Ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika Wafulu Wmunyinyi oo arinta soo fara geliyey kana codsaday in Sheekh Shariif uusan ku deg degin kala dirista xukuumadda raysul wasaare Gaas taasoo waqtigeeda uu ku eg yahay 20-ka Agoosto isla markaana ay haddii ay dhacdo caqabad ku noqon karto hawlaha loogu diyaargaroobayo doorashada.
Ilo wareedyada u waramay Raxanreeb waxay sheegeen in markii dambe la baajiyey kulan madaxweynuhu rabay inuu saxaafadda ugu yeero si uu arinta kala dirista xukuumadda u shaaciyo. Waxaase weli taagan muranka oo aan dhinac u dhicin inkastoo dhexdhexaadiyaasha ajnabiga ah ay arinta ku dhex jiraan.
IS ur ursi ka taagan xafiisyada dawlada
Tan iyo markii uu Sheekh Shariif ka soo baxay shirkii usbuucii hore lixda saxiixayaasha ku yeesheen Nairobi, waxaa aad u sii xumaanayey xiriirka u dhexeeya raysul wasaaraha iyo madaxweynaha kaasoo xitaa gaaray heer aysan isugu imaan kulamada aan ka aheyn kii maanta uu Madaxweynaha ku Saxiixayey qorshaha ammaanka iyo xalisnta Qaranka NSSP.
Maalintii shalay ayaa raysul wasare Gaas xaflad uu gaarkiisa ugu qabsaday hotelka City Plaza, taasoo socotay mudo 12 saacadood ah. Raysul wasaaruhu wuxuu xafladaasi kaga dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne xafladaasoo uusan tegin madaxweynaha iyo wasiirada madaxweynaha taageersan, halka ay goobjoog ahaayeen saaxiibada gaarka ah ee raysul wasaare Gaas.
Dhankiisa Sheekh Shariif wuxuu isaguna maalintii Isniinta oo ku beegneyd 6-da Agoosto xaflad bannaanbax ahayd oo lagu maamuusayey bixitaankii Al-Shabaab ee sanad ka hor looguna dabaakdegayey musharaxnimada Madaxweynaha waxay ka dhacday garoonka Istaduim Konis ee magaalada Muqdisho taasoo taageerayaasha raysul wasaaraha aysan lugtooda geynin.
Is ur ursiga iyo kala fogaanshaha ayaa waxaa Sheekh Shariif uga darnaaday kadib markii shalay raysul wasaare Gaas uu si cad u sheegay in heshiiskii Nairobi ee ay saxixeen shanta nin ee saxiixayaasha ahaa yahay mid ay xukuumaddu taageereyso isla markaana la dhaqangelinayo.
Xubno ku dhow madaxtooyada waxay Raxanreeb u sheegeen in madaxweynuhu uu khalad u arko wax uusan isagu ogeyn in raysul wasaaruhu horgeeyo xukuumadda kadibna saxaafadda laga shaaciyo in la meelmariyey taasoo sida madaxweynuhu qabo ah sharci darro. Laakiin Xafiiska raysul wasaare Gaas oo maanta wariyaashu booqdeen dareen kaasi ka duwan ayaa ka jira oo waxay saaxiibada raysul wasaaruhu kalsooni buuxda ku qabaan in madaxweynuhu uusan wax talaabo ah qaadi karin waayo ayey leeyihiin “heshiiskii Kampala eee 2011 ayaa qaba in aan wax talaabo ah la qaadin mudada sanadka ee hadda dawladu ku jirto”.
Dhanka kale labada dhinac ayaa bilaabay in midba kan kale ka saaro liiska xildhibaanada uu soo qortay, tusaale ahaan madaxweynaha wuxuu saacadihii u dambeeyay liiska xildhibaanada ka reebay ugu yaraan saddex xubnood oo ku jiray taageerayaasha raysul wasaaraha iyo Shariif Xasan kuwaasoo uu ku bedelay xubno isaga taabacsan, halka dhanka kale ay olole ugu jiraan sidii ay u soo ceshan lahaayeen raga laga riixday boosaskooda.
Ma cadda sida xaajadan ku dambeyn doonto hase yeeshee waxaa uun muuqaneysa sida saacadba saacadda ka dambeysa ay u sii kala fogaanayaan madaxda DKMG ah ee waqtigoodu dhamaanayo kuwaasoo dhamaantood ah musharixiin xilka madaxweyninimo isku heysta.
La soco faahfaahin iyo falanqeyn dheeraad ah
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











kan yaree ina Gas iyo mahiga iyo faroole,been bay isu sheegeen,xamar waa lagu kala adagyahay beena maha
waligood may heshiin hadana hana daayaan
gabadh anaga oo doorano baa ku waan noo dhaama.
to/ Admin hatirn Comments ee iska ilali inaad ku dhaqanto waa laga fiicanyahey qof fikirkiisa inaad ku mashqusho somalia waa la qabanya hadeysan heshiin 2012 somalia waa fine
kkkkkkkkkkk, Aa ku baroomihaa, asaan dhulka kugu jiida ma laga hayaa Sheekh Shariif wali?
Haduusan intaas wali dhahin heer kulkiisu meel sare wali ma gaarin.
Dhiigkar haduusan kugu dhacin Shariifoow, Xaawo gaabeey bushkeedi muufo kamaba cunin!!
CEYDA IYO AFXUMADA JOOGTADA AH JOOJI HANA KU XADGUDBIN AFKAAR DHIIBASHADA
HADAAD INTAAS SUUBISID OO AAD MASKAX FAYOOW LA TIMAADID WAXBA KAA XIRMI MAYAAN
Kkkkkk ninwalbo hawaasho meshan shaah lagama cabin gaasna meshii farmajuu mari rabaa gaalo gaalo noo ma dhaanto ee ilaah ha isku diro
Shariifka waxaan walwal ka badane,kalsooni darana ka sii weyn,caradii shirka uu ka soo carooday far baa ku mudan waa baroorta orgiga ka weyn.waxa lanoo sheegay iyo wixii nairobi ka dhacay lama wada sheegin,waxayse iigu muuqataa inay ogyihiin game ka meesha uu ku dhamaanayo anagana riwaayada raadiyaha lanoo dhigaayo,somaliyeey homework u qaata nina waa enjoy garaynayaa kan kalena wuxuu taagan yahay laba daran mid dooro,waase Alle mahadi sida caalamka inay u noolaano xiisada doorashada iyo lagdinta siyaasada aynu ka sheekaysano maasha Alah waa guul somaliyeey noo soo hoyatay,afur iyo habeen wanaagsan.
Hakuna matata midka wata xamar ciidamo Africana jooga cidna loogama adka ninkii aqoon iyo siyaasad layimada baa xoog badan marka khiyaali ha isku qancin
Waxaad ka garaneysaa in Sharifka Axmed mesha waxba u oolin carrada iyo xanaaqa ka muuqda sida nin loo sheegay in laga guuleysanayo. Dadka isaga la tartamayana maba ka qasnaa waxay u egyihin kuwa guushoda ku kalsoon. Allayahow kuwa noo kheyr roon hoggaanka noogu dhiib. Amiin
kkk waa layaab. sida ku xusan dhaman dadka somaliyeed waa dad walaalo ah kadiib markii laga reebo dadka wdanka ka talinaya in u ku laabto bur bur iyo qas. manta wxd mooda in dhaman dadkii wadaniyiinta ahaa lawada aasay,Reer galbeedkana wxy noo diyaariyeen qorshe ah somalida marka ay waqtiga dowlada shariif dhamaato aan iskugu yeerno si aan u dhahno doorasho ayaa galeysaan ( cudurkoodana wa qabiil ) aan ayaga la kaashano si ay somalida aan u gumeysano wadankana qeyraadka aan kala baxno.caalamkana in lagu tusiyo in kharash badan aan ku bixinay in aan soomali isku keeno. 20 Aust wxd sugtan wa somali oo qorigii iyo qabil ku labatay.wxn sugnaa wadanka doorashada loo sameyy in hada la hyssto oo ciidamo ajnabi ay dhooban yihiin iyo police tiro badan oo la keenay.adeerayalow is xakumi myne ha nala xakumo. ilmaha dhalandoona ayaa somalia gumeysiga ka saarayaa insh,laah kuwan hada jooga nasiibkooda aragnaye iyo siyaasiyaashooda ba.Allow nabad iyo gumeysi la.aan Amin Amin
Sharciga somaliyaba ma dhigaayo Madaxweyne in uu xukuumad kala diro, barlamaan ayaa kala diri karo xukuumad baarlamaan-na ma dhisna.
wiilka la baxay HAKUNA MATAT, sxb xamar laguma kala adkaane reerki deegaan ahaanta uga soo jeeday ayaa somalidi martida ugu aheyd oo caasumada uga dhigtay ku xasuuqay waxaas-na kala adkaan ma ahan ee waa “mukalaal minankeeda joogto mici libaax ayay leedahay”.
waa =========== oo hargeyso caasumada somalia looga dhigay bari hadii la is diriro waa cadahay cida adkaaneyso deegaanka ayaa adkaanaayo koytadana way iska tageysaa. marka hadaad beesha xamar dadka ku xasuuqday ka soo jeedid wax lagu faano ma ahan shacabki soomaliyeed oo magaalo madaxda idinkaga dhigay muqdisho in aad leyseen. hadii aadan ka soo jeedin beeshaas waxa jiro la soco. byeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee
kkkkkkkk.c1wali m.gaas waa abaal laawe,waana walaalki dile,farmaajo ayaa meesha keenay oo hawada siyaasadda soo geshay,asagiina waa kii cunay,hadana wuxuu u soo dhigtay madaxweynihii qaranka,waa la filayey waana la arki doonaa sida uu u lumi doono.
wali la isma gaadhin,hadii la doorto cid aan ahyn Sheekh shariif,alshabaab oo xoog wayn oon cidna muquunin karin ayaa xamar imanaysa dhiig badana waa daadanayaa.si taa looga badbaado ,sheekh shariif ha loo doorto madaxwayne shariif xassana raysalwasaare .waa hadii la rabo in la badbaadiyo dhiiga dadka shicibka ah .
xamar xoog baad ku haysataan iyo baad aad dadka guryohooda ku degan tihiin in xamarna dadka kama xigtaan hdii lagu kala xoog badan yahayna qaata xamar kaliya haday wax inii tarayso
anigu cayaartaan iska daawanaa markaan afuraan qaxwo qaraar u cabaayaa
biyo hoostood ayaa la.iska arkay waqtigii ayaa soo dhawaaday teeda kale shariif isma lahayn c/wali ayaa is sharaxaya
maxawayne iyo r/wasarihisi iyo sakiin oo gudoomiya ah waa wada murashax waa wax laga yaq yaqsoodo kuligood waa tuuge tuura
xataa rag dhimarka la,aanjiray ayaa kujira oo dawo qaata
@ mr hakuna matata sxb xamar amisoom baa jogta ee ma garaha amisoom baad dadka ka xigtaa
to; karkaar, marykan oo quwadii kowwaad ee aduunka ah iyo amxaar maddow oo libaaxii africa sheegatay ayaan jilbaha dhulka loogu dhiftay dadkii saas yeelayna wali way joon .mugadishu shriif axmed kawayn, ee haku kad soomin,hortaa ayaa lagu daalaye…somalinibo hadaad latimaadid iyo walaal tinimo wellcome ,,maalintii qabiil iyo ciic lagugu arko, hanfigii iyo kulaylihii ayaa ku yaqaan lama kala xigo iyo africaan baa jooga .ayaad kuriyootaye..
EERI EERI DUF KUBAXAHA GAAS
S/dabadeed waxaad moodaa shariif sh ahmed inuu lataliyaal xun leeyahay wax walboo lagu heshiiyo meel bay ka furmayaan anigu maanta ka hor shariif waa raacsanaa lakiin hada waan isbedelay maxaa ninkaan markuu nala hadlayo wuxuu aqrinaayo waa been dadka kale ayaa ka daacadsan master president anigu codkayga waa la noqday laguma aamini karo waxaa soo harey muqdisho waa caasimadii laguma kala awood badna african union ayaa soomaali kala wareegtey waa doorashada
Adeer labaduba xukunka aan kala wareegno oo mid cadaalada wato waa Farmajo aan garab siino waa hadey Somali rabto in ay homar iyo nabad gaardho
Kuwan gumaysibay no horsedayan waxan arka in mesha waxdowlad layirahdo kasosocon midakale labadii laqadamo ku hishiiyey lilahibay isgudhacan sharif mayku intu cayriyey farmajo ku badalay gaas ayu khiyano subiyey marka wa wax an sugynay in ay isku dhacan lkn way sodahdan dhihikara ilahy xaqa fahansi waxkaloo an dhahno garanmayo
hakuna matata saxiib waad hurudaa sheekadaad kasheekaynayso waa bay ahayd laakiin maanta muqdishana maanta cid dhihi kartaa anigaa ugu owood wayn ma jirto sxiib iska iloow sheekadaas ugaandays ayaa ugu owood badan maanta waxa muqdisho joogaa markaa xaalku waakaas
sidii roon alaa og massuuliyiinta shaqadoodii dhamaatay taariikhda ugu danbaysa ayaan sugaynaa ceeb iyo amaanba
Kkkkkkkkk 12 bari iyo dowlad cusub, dowladdaas waxay noqon doontaa tan ugu waxqabashada badan maadaama wixii ay 8-da sano ku qaban waayeen ay 12 casho ku qaban karaan…..
WAXAAN MAQLI JIREY DAMEERAHA TAN UGU FOOL XUN BAA UGU DAMBAABURO(harraati) KULUL, KKKKK ARMUU WADANKU nin XANAAQEY DARTII U BURBURAAA?
Prime Minister Gaas is a traitor, driven by his clanish agenda, and more loyal to his cousins and kin back in bintiland than the interest of the Somali Nation. Qaladkana waxaa iska leh 100 percent Madaxweeyne Shiiq Shariif markii uu ninkaan qabyaaldiista ah ee Gaas uu ku badashay Prime Minster Farmaajo iyo dad badan oo kaga haboonaa shaqadaan. Calaakuli xaal, waxaan rajeynayaa in uu ku fashilmo is sharaxidiisa Madaweeeynenimo, walibana uu shaqadiisa hada uu haayana ku waayo, oo one way ticket back to the USA loo soo jaro, insha’allah
somaaliyey xususta mr,farmaajo maanta waxaa la jooga waqtigii loo baahnaa taagyeeradii ad uhayseen in raiisalwasaariihiinii hore mr,farmaajo si uu u hanto madaxweynenimada somaaliya.waa iga xasusin.wayo ninkii adunka oo dhami layaabey sidaad utaagyeerteen weeye.
Waxaa la yaab leh FADHI KUDIRIRKII COMMENTSKA,in ay heleen waxay qoraan oo iyagaaba wax doorta waxna diida,anna waxaan idin leeyahay waxay ila tahay in ragga loogu soo kala dayrshay waxay noqonayaan Nairobi markay tageen shariifna wixiisu waa madax dhul ladhac oo waa loo soo dayrshay reer Allasheekh,iyo hogaamiye kooxeed oo dhan ileen isba waa ku jiraaye oo waa asagii aaday Casmara!!!!!!!!!!marka 50ka musharax xaalkoodu waa nin dooran dooro,waxaaba laga yaabaa in mid aanba la filayn in uu ku soo baxo,kkkkkkkkk.
kursigana waxaa u sharaxan ninkii loo soo xulay waana nin dooran dooro inta kalena waa shimbirayahoow heesa,waana in la cusbeeyo oo dhadhan loo yeelo,shariif waar xoolihii aad ummadda ka dhacday yay ku dhaafin, saaxiibayaal shirku waa xiran yahay.
Dadka xamar ku faanaya humriga aad caayaysaan lama gumaysto oo waxaa ka taliya dadkii u dhashay,idinkase waxaa idiin taliya madfaca Amison iyo wiil ajaanib ah ee ma waxaad ku faantay ma walaalkaa oo shalay kula dhisay caasumadda aad ku faanayso baan ka eryay,waa kugu kali tookha cidlada ah,ee bal isfiiri maxaa gacan kugu jira,ee aan ahayn jab iyo naasa beel,boholo galeen in ay noqoto caasumaddii Ummadda somaliyeed ee quruxda badnayd,markii la idinkaga tagay,Ragba ku Raggeed,waa la idinka filaayay taas iyo tu ka sii daran,kkkkkkkkkk,
Miyaad guuuuul qaadayood gaabisoow laddaan,!!!!!!!!!!.
Adaa gacalkaa nocoo gees walbaba u jabay.
Habeen iyo layl adaa hoobiyuhu ku cunin.
Anigu kaa guuray oo kaaga tagay dhulkaa
Goofafkii aabahay baan ku fiidsadaa,
Hadduu humri yahay iyo hadduu oomanayska dhigo
Dhulkoon qodo baygu filan iyo beeyadoon kurtaa
Dahabka,badroolka,durdurada xareedda ah,
Dheemankiyo, luulka, dhulku kala wanaagsane, maxaa hoodo ii buuxda
Xoolaha mawaashki maxaa meherad ii buuxda
Intaasoo barwaaqa ah ayaa EEBBE ii beeray
Mahad EEBBE weeyoo shukrigu way banaan yahaye
Alxamdulillaahi EEBBOOW adaa iga sadroon maantay.
Ramadaaaaaaaaaaaaaan Kariiiiiiiiiiiiiim.
waan wada ognahay inuu gaas reenayo doorashada ee maan hadalka badan iska deeno??, sh shariif xil dambe ee uu soomali u qabto waxaa ugu sokeeya ” wasiirka qabanqaabada iidaha iyo zako soo aruurinta” waa haduu diinta labaray oo uu waayahan ilaaway uu dib u noqdo.