Madaxweyne Shariif Oo Wareegto Ka Soo Baxday Xafiiska Dagmo Ugu Aqoonsaday Ceel Baraf
Muqdisho [Radio RBC] Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo nuqul ka mid ah ay heshay RBC Radio ayaa si buuxda loogu aqoonsaday dagmo daganla Ceel Baraf oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Digreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa waxa ay u qorneed sida tan.
Madaxweynaha J.S
Markuu Arkay: Qodobka 39-aad farqadda 1-aad Xarafka “a” iyo farqadda 2-aad ee isla qodobkan ee axdiga FKMG Ah.
Markuu Arkay: xeerka Lr 6 ee 12 Feberaayo 1980.
Markuu Arkay: Warqadda Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka Lr WAG& AQ/468/12 ee July 20-2012 kuna saabsan soo jeedin magacaabid Degmo.
Wuxuu soo saray Xeerkan Soo Socda.
Qodobka 1-aad
Waxaa la ogolaaday in Ceel Baraf oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe loo aqoonsado Degmo laga Bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 22 July 2012.
Qodobka 2-aad
Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saaray faafinta rasmiga ah ee dowladda.
Degreetada ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
RBC Radio
==================
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] Read More: Madaxweyne Shariif Oo Wareegto Ka Soo Baxday Xafiiska Dagmo Ugu Aqoonsaday Ceel Baraf [...]