Madaxweyne Siilaanyo oo qalinka ku duugay dhaqan-galka go’aan Guddiga doorashooyinku soo saaray
Hargeysa(RBC):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soo saaray Xeer uu ku dhaqan-geliyey waqti ay Guddiga doorashooyinku u cayimeen inay ku qabsoomayso doorashada dawladaha hoose ee Somaliland.
Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo ka duulaya go’aan ay Guddiga doorashooyinku toddobaadkan ku cayimeen xilliga la qabanayo doorashada golayaasha deegaanka oo ay ku sheegeen inay qabsoomayso 28-ka bisha 11-aad ee sannadkan 2012-ka, oo ku beegan maalin Arbaca ah. Waxaanu Madaxweynaha Somaliland maanta qalinka ku duugay, isla markaana Xeer Madaxweyne oo numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1263/082012 ku dhaqan-geliyey xeerka cayimidda wakhtiga doorashada golayaasha deegaanka.
Qoraalka warkan oo uu war-saxaafadeed ku soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi-Cukuse, waxaanu warku intaa ku daray in Madaxweynuhu dhaqangelinta waqtiga doorashada loo qabtay u cuskaday qodobbo ka tirsan Xeerarka u dejisan Maamul ahaan iyo Xeerarka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka ee Somaliland.
Sidaa daraaddeed-na Madaxweyunuhu markuu ku qancay xilliga ay Guddiga doorashooyinku u qabteen doorashada dawladaha hoose, waxa uu dhaqan-geliyey. “Madaxweynuhu markuu arkay: Qodobka 8-aad ee Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanada iyo Madaxtooyada Xeer Lr: 20/2001,
Markuu helay: Go’aanka ay Guddiga Doorashooyinku ku cayimeen in Doorashada Golayaasha Deegaanku qabsoonto Maalinta Arbacada ee 28-ka bisha November 2012 oo ku beegan 14-ka Bisha Muxaram taariikhda Hijriga. Wuxuu Soo Saaray: Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka cayimaadda wakhtiga doorashada golayaasha deegaanka oo la qaban doono maalinta Arbacada 28-ka November 2012.” Sidaa ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka aqalkaasi.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.











Good Job Siilaanyo and Somaliland, Somalida kalena waa inay ku dayataa dimiqraadiyada iyo habka doorashooyinka Somaliland Looga galo, hadii kale sidaas ayaynu weligeen isu haysan dooonaa
I am very proud that we Somalilanders proved to the world that democracy is not ordained to
west only, therefore the southern kins, should have picked on the change that was in the air
long time ago, but they had only envy to consider in their part, which by the now they are forced
to share their lands with Ethiopia, Seiraleon, Brundi, Kenya, Uganda, etc…
Not only can south learn from us, Puntland is doing the same three party system and
is keen to pick of what we did right.
You can’t be mooryaans for ever!!!
Yes somaliland did well, but don’t exaggerate it. They are only little better than somali south. That is all.