Madaxweyne Siilaanyo oo Shacabka Somaliland u muujiyey in Caafimaadkiisu aad u fiican yahay
Hargeysa(RBC):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta shacabka u muujiyey inuu caafimaad qabo oo xanuun wakhtigan ku mudan ama uu u jiifaa jirin, ka dib markii toddobaadkan qaar ka mid ah Wargeysyada madaxa-bannaan ee ka soo baxa magaalada Hargeysa baahiyeen in Madaxweyne Siilaanyo xanuun culusi hayo, isla markaana loo qaadi doono Dhakhat dibedeed.
Hase-yeeshee, Madaxweyne Axmed-Siilaanyo maanta ayuu shacabka Somaliland u muujiyey inaanu wax xanuun ah oo uu u jiifaa jirin ee uu caafimaad-qabo, ka dib markii uu Kormeer kedis ah, ku gala-bixiyey xarunta dawladda hoose ee magaalada Hargeysa, isaga oo Xafiis xafiis u galay qaybaha dawladda hoose, warbixinno kala geddisanna ka dhagaystay Masuuliyiinta waaxyaha golaha deegaanka Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyaan Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), Madaxa Baratakoolka Madaxtooyada, Masuuliyiin kale oo Xukuumadda ka tirsan iyo tiro aan badnayn oo ilaaladiisa ka tirsan, ayaa abbaaro 8;00-dii subaxnimo ee saaka kormeer ku tagay xarunta dawladda Hoose ee magaalada Hargeysa oo ku taalla Tiyaatarkii hore ee Hargeysa dhiniciisa oo ka tirsan degmada Gacan-Libaax ee Caasimadda maamulka Somaliland.
Warbixinno kala duwan ayay Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta la socday ka dhagaysteen Ku-xigeenka Duqa magaalada Hargeysa, ahna Guddoomiye ku-xigeenka golaha Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, iyo qaar ka tirsan Agaasimayaasha Waaxaha kala duwan ee dawladda hoose ee Hargeysa, kuwaas oo ka warramay hawlaha ay dawladda hoose qabato, waax waliba waxay u xil-saaran tahay, horumarka ay sameeyeen iyo caqabadaha ka horyimi ama hortaagan.
Kormeerkan Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa ku soo beegmay laba cisho ka dib markii Wargeyska madaxa-bannaan ee lagu magacaabo Hubaal qoray war uu ku sheegayo in Madaxweynuhu aad u xanuunsanayo, isla markaana safar deg-deg ah loogu qaadi doono dalka Ingiriiska, si loogu soo daweeyo Isbitaal waddanka Ingiriiska ku yaalla.
Si kastaba ha ahaatee, waxay dad badani ku macneeyeen kormeerkan Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo maanta sameeyey inuu yahay mid uu bulshada ugu caddaynayo in caafimaadkiisa xilligani aad u fiican yahay, wax xanuun ah oo haya ama uu u jiifaana jirin, kaasoo uu u muuqda mid uu ku muujinayey in warka Wargeyskaasi ka qoray yahay mid been-abuur ah oo aan waxba ka jirin.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.











Kkkkkkkkkkkkkk waar siilyaanyo filinkan waa kii laga duubay sanadkii 2011 intaan la gelin. Iminka istaaguu ku xaaraa oo Xirsi Gaab nin la yidhaa ayaa tuunji la daba socda iska daa inuu lugeeyee xitaa islaantiisa Aamina Waris ayaa ka cabatay in ilaa 2 sano aan wax la taabsiin waxaa lagu xantaa in Xaabsade gurigiisa habeynkii lageeyo subaxiina uu Faysal Cali Waraabe soo kaxeeyo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk viva siilyaanyo waa socday maanta
khatumaawi
bilramadan baad waxa qoraysa nacdal dusha kaga dhacday ila xaranyow kanax oonafta waa naniye uaray oon ciilnay hadalkiisu waxba tarimayo waligiinba khaniisiiin ba tihiin dumarka bahalkooda ka shekeya ileen xalal laydinkuma dhalinoo wax gurigiina lagu hadal hayo ee ayaad ka ahdashan hooyada iyo walasha camalkeedad wada calama ka iiftay
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Rooda Ramadanta wax lama caayo ayaad leedahay hadana adiga wax caaya. xagee laguu racaa dee. haduu Siillanyo bakhtiyo dee dadkoo dhan baa wada dhimanaya. is not a big deal..
Ilaahow cimrigiisa dheeree, oo cadowgiisa jabi. Ma markii siyaasadii uu idinka badiyay baydun habaar iyo cay la dul fuusheen, walee Siilaanyo waa geesi aan gaban, ka naxoow nafta waa.
Dalmar