Madaxweynihii hore ee Somaliland oo soo dhaweeyey go’aanka uu ku-xigeenkiisi iskaga casilay Xisbiga UDUB


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa(RBC): Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo waqtigan ah Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ayaa soo dhaweeyey go’aanka uu isku casilay Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbigaasi Axmed Yuusuf Yaasiin oo sidoo kale Madaxweyne ku-xigeen u ahaa oo maanta shaaciyey inuu xilkiisii UDUB iska casilay.

Daahir Rayaale waxa uu sheegay in go’aanka is-casilaadda ku-xigeenkiisu tahay tallaabo fiican oo uu qaaday, isla markaana waxa kale oo uu ka warramay shirka golaha dhexe ee UDUB oo uu cayimay xilliga la qabanayo iyo meesha lagu qabanayo.

“Waxaan u arkaa inuu go’aan fiican qaatay, maaddaama oo Raggii uu kaxeeyay oo dhami Xisbiga ka tageen. Guurtidana isna wuu ku jiraa aniguna waan ku jiraa oo Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeenba way galayaan markay xilka ka degaan.” Sidaa ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha UDUB Daahir Rayaale waxa uu sheegay in shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga UDUB 27-ka bishan aynu ku jirno ee August ka qabsoomi doonto Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, sidaa awgeedna waxa uu xubnaha golaha dhexe ee Xisbigaas ku war-geliyay inay 25-ka bishan yimaaddaan xarunta dhexe ee Xisbiga UDUB ee magaalada Caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyaha UDUB Daahir Rayaale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inuu rejo fiican ka qabo in Xisbiga UDUB kaalinta koowaad ama labaad ka geli doono tartanka doorashada dawladaha hoose oo loo muddeeyey qabsoomiddooda 28-ka Bisha November ee sanadkan 2012.

“Xisbigan oo ahaa aabihii iyo hooyadii dimuqraadiyada ka hirgeliyay dalkan, waxaan leeyahay dhammaan shacbiga Somaliland inay muujiyaan taageeraddii ay u hayeen xisbiga UDUB. Waxaana shirkaasi ka dib todoba maalmood gudahood aanu dhamaystiri doonaa murashaxiinta xisbiga ee degmooyinka dalka oo dhan,”ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin.

Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa ku sheegay inuu iska casilay xilkii uu Xisbigaa ka hayay, isla markaana aanu Xisbi kale geli doonin ee uu ka mid noqonayo Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, maaddaama oo uu dhigayo Dastuurka Somaliland in qof kasta oo Madaxweyne ama Madaxweyne ku-xigeen ka noqda Somaliland marka uu xilka ka dego inuu si buuxda u yahay xubin-sharafeed ka tirsan Mudanayaasha Guurtida.

 

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Share

Leave a Reply