Madaxwyne Kibaki Oo U Gooddiyay Kooxaha Qas-wadeyaasha Soomaaliya
Naiorbi [Radio RBC] Dowladda Kenya ayaa maanta u digtay kooxo ay ugu yeertay qas-wadayaal doonaya in ay carqaladeeyaan hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya.
War-qoraal oo ka soo baxay madaxtooyada Kenya Harambi oo ku saxiixnaa madaxweynaha dalkaas Mwai Kibaki ayaa lagu sheegay in tallaabo laga qaadi doono shaqsiyaad iyo kooxo ku sugan gudaha dalka iyo dibeddiisa.
Madaxweyne Kibaki ayaa ku hanjabay inay cunaqabateyn ku soo rogi doonaan qas-wadeyaashal uu sheegay inay carqaladeynayaan howlaha lagu doonayo in looga baxo KMG ah ee ku eg bisha August ee sannadkan..
“Waxaan digniin cad u direynaa dhammaan kuwa ujeeddadoodu tahay carqaladeynta, wiiqidda ama wax ka badalidda roadmap-ka, Kenya uma dulqaadan doonto falalkaas,” ayuu madaxweynaha ku sheegay warka ka soo baxay xafiiska u qaabilsan warbaahinta.
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray kuwa lagu helo falalka noocaas oo kale lala xisaabtami doono ,isla markaana dowladda Kenya aysan ka baaqsan doonin in ay go’doomiso.
Madaxweyne Kibaki ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida in ay ka dhabeeyaan qorshaha looga baxaayo KMG ah, maadama uu maraayo meelo gabagabo.
Wuxuu ugu baaqay dhinacyada isku haya siyaasada in ay aqbalaan natiijada doorashooyink Baarlamaanka, iyo mida madaxweynaha.
Ugu dambeyn waxa uu Madaxweyne Kibaki uu sheegay in dowladda Kenya ay la garab taagan tahay qorshaha looga baxaayo KMG ee roadmap-ka .
Wuxuu hoosta ka xariiqay ammaanka Kenya iyo kan gobolka Bariga Afrika uu ku xiran yahay xasillooni iyo nabad waarta oo ay Soomaaliya hesho.
Kenya ayaa ciidan ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo dagaallo kula jira Al-Shabaab, waxana madaxweynaha uu doonayaa in qoxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Kenya, dib loogu soo raro gudaha Soomaaliya
RBC Radio
Xafiiiska Wararka Nairobi













thanks for that mr kibaki.