Magaalada Boosaaso oo Laga Dareemayo Diyaar garowga Ciidul-Fidriga iyo Barakacayaasha oo Baaq Diray [Sawirro]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Photobucket
Boosaaso[RBC Radio] Iyadoo maalinta berrito ah haddii EEBE idmo la filaayo in guud ahaan Ummadda Muslimiinta gaar ahaana kuwa Soomaaliyeed ay si farxad u wada Ciidi doonaan ayaa Suuqyada magaalada Boosaaso waxa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq balaaran oo dhanka
Photobucket
diyaargarowga.

Shabakadda Raxanreeb.com Xafiiskeeda magaalada Boosaaso ayaa maanta u kuurgalay dhaqdhaqaaqa ka socda Suuqyada waa weyn ee magaalada iyadoona dadweynuhu ay ka hadleen dareenkooda maalinta Ciidul-fidriga.

Photobucket

Dadka qaar oo la hadlay RBC Radio ayaa sheegaya in Ciidaan ay si weyn ugu diyaar garoobeen isla markaana ay ku farxsan yihiin in ay farxada la wadaagaan guud Muslimiinta meel kasta oo ay kunoolyihiin.

Photobucket

Sidoo kale waxa ay cabasho ka muujiyeen qiimaha lagu Iibiyo dharka iyo kabaha iyagoona tilmaamay in kor loo qaaday qiimahoodu isla markaana waxa ay ka codsadeen ganacsatada in ay ugu naxariistaan fadliga Ciidul-fidriga awadeed.

Photobucket

Dhanka kale ganacsatada ayaa iyana u sababeeyey qiima kororka dharka iyo kabaha ku yimid ay tahay doonyihiin la filaayey in ay agabka lagu Ciido keenaan oo ka baqay kooxaha Burcadbadeeda balse ay u qiima dhimeen macaamiishooda.

Photobucket

Xiriiriyaha Guud ee Barakacayaasha magaalada Boosaaso Cali Barre Ismaaciil ayaa ka codsaday Ummada Soomaaliyeed dal iyo dibadba in ay ka farxiyaan Walaalahooda dhibaateysan ee aan haysan wax ay ku Ciidaan isla markaana waxa uu hambalyada farxada Ciida u diray guud ahaan dadka Barakacayaasha ah ee caalamka ku dhaqan gaar ahaana kuwa
Photobucket
Photobucket
Photobucket

Soomaaliyeed.

______________________________

RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Share

2 Responses for “Magaalada Boosaaso oo Laga Dareemayo Diyaar garowga Ciidul-Fidriga iyo Barakacayaasha oo Baaq Diray [Sawirro]”

  1. [...] More: Magaalada Boosaaso oo Laga Dareemayo Diyaar garowga Ciidul-Fidriga iyo Barakacayaasha oo Baaq Diray … [...]

  2. Waayo-arag soomaaliyeed says:

    Maasha allaah

Leave a Reply