Magaaladda Boosaaso oo Maanta Si Weyn Looga Ciiday [Sawirro]
Boosaaso [RBC Radio] Magaalo Xeebeeda Ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa maanta si farxad iyo bashbash looga Ciiday Ciidul-fidriga,iyadoona boqolaal Shacab ah ay Isugu soo baxeen fagaarayaasha magaalada kuwaas oo Isugu Marxabeynaya CIID MUBAARAK
CIID MUBAARAK KULU CAAM WA ANTUM BILKHEYR.
Salaada Ciidul-fidriga oo lagu tkuday Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Boosaaso haddana dadka qaar ayaa waxa ay ku tkadeen Masaajida magaalada,waxaana Shacabka kula tukaday Salaada qaar kamid ah Culuma’udiinka ugu muga weyn Puntland,Maamulka degmada Boosaaso iyo kan gobolka.
Culimada iyo Madaxda degmada iyo kan gobolka Bari oo Salaada Ciidul-fidriga la hadlay Boqolaalkii dadweyne ee usoo tukusho tagay Garoonka Kubadda Cagta ayaa hambalyada Ciida u diray Ummada Islaamka gaar ahaana kuwa Soomaaliyeed ee ku kala sugan daafaha Caalamka.
Shiikh Yuusuf Heeryo oo kamid ah Culimada ugu waa weyn geyiga afka-Soomaaliga looga hadlo ayaa Ummada Soomaaliyeed ugu baaqay in laga doonayo in ay ka toobad keenaan kuna cibra-qaataan Colaadii iyo dulmigii ay soo mareen isla uu qof walba ka toobad keeno.
Wuxuu tibaaxay Shiikh Heeryo in Ummada Islaamka iyo kuwa Soomaaliyeed dhibaatada maanta haysata ay tahay iyadoo laga tagay Kitaabka iyo Sunnada N.N.K.H,wuxuuna ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed in ay Ciidul-fidrigan loo gargaaro kuwa dhibaateysan si EEBE Ummadeena ugu wada naxariisto.
…”"Dhexdeena waxa laga doonayaa khaastan dadka Soomaaliyeed wey soo qaateen waxay ku cibra qaataan Colaad iyo dulmi bey soo mareen marka maanta in la toobad keeno lagana noqdo hareeraha waxa ka dhacaya maanra guri kasta oo Islaamka ah fitnaa ka taagan waxa weeye kitaabka iyo sunada Nebiga oon ka leexanay,camalkii saalaxa ahaa oo yaraaday qof walba wuxuu doonayaa naftiisu inuu dhergo oo keligii noolaado,walaalkiina bakhtiyo Intaas la iskuma helo Insha allaah Ciidan EEBE wax weyn buu nasiinayaa…”"ayuu yiri.
Duqa degmada Boosaaso Xassan Cabdalla Xasan oo ka hadlaayey dareenkiisa Ciidul-fidriga ayaa sheegay in maanta guud ahaan Ummada Islaamka khaastan kuwa Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay kuwada farxaan iyadoona meesha aan laga saareyn in la Caawiyo kuwa dhibaatadu haysato ee aan awoodin in ay Ciidaan.
Xassan Cabdalle Xasan ayaa Shacabka magaalada Boosaaso ka codsaday in loo gurmado dadka masaakiinta ah ee ku dhibaateysan gudaha magaalada isla markaana loo qabto wixii loo awoodo,wuxuu intaas ku daray in laga maarmaan ay tahay in wax laystaro gacmahana la is wada qabsado.
…”" Maanta waa maalin weyn waana maalin loo baahanyahay in la wada farxo,waxaa la rabaa qof waliba gurigiisa kan ku dhegan inuu ogyahay waxa uu ku suganyahay,waxaa loo baahanyahay dadka Masaakiinta ah ee magaalada Jooga noocey yihiinba hadey yihiin Barakacayaal hadey yihiin Masaakiin deegaanka ah waxaa loo baahanyahay in loo gurmado oo gacmaha jeebka la geliyo, in dadka la quudiyo,in wax laystaro,waxa weeye dad badan baa baahan ama ha noqdeen kuwa Xoriyada laga qaaday oo xiran ama ha noqdeen kuwa banaanka jooga oo fakhri iyo gaajo qaba,waxaan soo Jeedinayaa oo ka codsanayaa muslimiinta magaalada Boosaaso ku sugan dhamaantood inay dadkas u gurmadaan gaar ahaana bariga magaalada dad baa ku dhibaateysan…”"ayuu yiri Xassan Cabdalle Xassan.
Guddoomiye Kuxigeenka gobolka Bari ahna kusimaha Guddoomiyaha Mudane Yuusuf Muumin Bide oo isna hadalo kooban jeediyey ayaa tilmaamay in maanta ay siib wanaag tahay maalin ay Isku soo beegmeen sida uu yiri iyadoo la dhisaayo Jamhuuriyad Federaal ah oo Ummad Soomaaliyeed wada leedahay taasina ay ku timid buu yiri Dawladda Puntland iyo
Shacabkeeda oo si wadajir ah uga wada qeybqaatay dhisitaankeeda.
Md. Yuusuf Muumin Bidde ayaa u sheegay Shacabka kunool gobolka Bari in uu Salaan ku aadan farxada Ciidul-fidriga uga sido Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Faroole isla markaana waxa uu EEBE uga baryey in Sanadkan Kiisa kale Ku gaarsiiyo farxad iyo Barwaaqo Ummada Islaamka ah iyo kuwa Soomaaliyeed.
Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo Khubadaha Madaxda iyo Culuma’udiinka soo gunaanaday ayaa Ummada Islaamka khaasatan kuwa Soomaaliyeed ku booriyey in ay kawada shaqeeyaan Wadajirka iyo Midnimada isla mar ahaantaana looga wada baahanyahay in ay noqdaan kuwa isu wada naxariista.
…”"” Waa in Midnimada iyo wadajirka lagawada shaqeeyo , dadka Islaamka ah waxaa looga baahanyahay in ay noqdaan dad isu naxariista oo midooba,gacmahana is qabsada waad ogtihiin Soomaaliya iyo dad badan oo Muslimiin ah waxay ku jiraan,waxa lagu jiraa Saban aakhir, waxaas oo dhan Ummadu waxay kaga badbaadi kartaa in EEBE loo noqdo,waxay kaga
badbaadi kartaa in Islaanimadooda Xaqiijiyaan,waxaan leeyahay dadka reer Puntland aad iyo aad baad u fiicantihiin…”"ayuu yiri.
Dhanka Carwada laga Dukaamaysto ee AL-Macruuf oo haatan ah Bandhig Carweedka ugu weyn Puntland dhanka Dalxiiska oo maanta aan booqasho ku tagnay ayaa waxaa Isugu yimid Boqolaal dadweyne ah kuwaas usoo daawasho tagey Xayaawaanada sida Goronyada, Daanyeerada,fardaha Carruurta yaryar ay ku ciyaarayeen iyagoo wajiyadooda laga dheehan karay farxad iyo bash-bash biro ay ku Xiran yihiin “”Wiifowyo”" iyo Gawaari yaryar
Magaalada Boosaaso oo Ciidul-fidrigan ka duwaneyd kuwii hore sida dhanka Amaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed khaasatan kuwa reer Puntland oo si iskumid ah u wada Ciiday iyadoon wax Shaki ah ku jirin,waxaa xusid mudan Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada oon muddo dhowr Sanno ah lagu tukan in si farxad leh loogu wada tukaday Madax iyo Shacab
taasina lagu amaanayo in dadaalkeeda ay leeyihiin Ciidamada amniga degmada iyo kan gobolka Bari oo ilaa Xalay u heelanaan adkaynta nabadgelyada isla markaana baarayey dadka soo galayey gudaha Garoonka.












[...] Follow this link: Magaaladda Boosaaso oo Maanta Si Weyn Looga Ciiday [Sawirro] [...]