Mahiga: Ha La Soo Dhameestiro Xubnaha Baarlamaanka Harsan
Muqdisho [ Radio RBC] Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga walaac ka muujiyay in howlaha socda ay dib u dhacaan, gaar ahaa soo dhameestirka xildhibaannadda baarlamaanka cusub.
Waxa uu ka digay in dib u dhacaan xilliga loo balamay in wax kasta ku dhammadaan.
Waxa ugu baaqay guddiga Farsamada iyo odayaasha dhaqanka in ay soo dhameestiraan xildhibaannada ka harsan tirade loo baahan yahay oo ah 275-mudane
Danjire Maiga ayaa ugu baaqay in labadaas dhinac ay wada shaqeeyaan si cadaalada ah oo hufnaan ay ku jirto”sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray.
Wuxuu yiri ugu dambeyn maalinta Tallaadada oo ah 28-ka ayaa loo baahan yahay in la doorto afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa.
Augustine P. Mahiga, ayaa sidoo kale sheegay in dhaarintii la dhaariyay toddobaadkii hore xubnaha baarlamaanka cusub in waqti dheer ah la sugaayay si loo soo afjaro xilliga ku-meel gaarka ee dalka Soomaaliya.
“ Isniintii hore , 20 August, waxa ay baarlamaanka Soomaaliya sameeyeen taarikh kuwaasoo la dhaariyay ,” ayuu yiri Mr. Mahiga, oo sidoo kale madaxa siyaasadda xafiiska QM Soomaaliya ee (UNPOS).
“Waxa hadda jira caqabado yer kuwaasoo muujinaya in ay looga baxo ku-meel gaark.. Waxa waajib ku ah dhammaan in ay taageeraan siddii loo hubin lahaa in la dhameestiro xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya si loo shaqeey.” Ayuu yiri Mahiga
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi











[...] Read more here: Mahiga: Ha La Soo Dhameestiro Xubnaha Baarlamaanka Harsan [...]
dhibatada ugu somalida waxa kuwaada waa ninkaan iyo mr faroole wa inlayska qabtaa labadaba nabada marabaan qas bay ku wadaaan umada somaliyeed
Madaxwaynaha xiligiisu uu dhamaaday ma aha inuu diido go’aanada ay gaareen guddigii uu aqbalay ee xulista ee dhexdhexaadka ah. Ragga la diiday waa dad dhiig soomaaliyeed daadshay waligood ay isbaaro u tiilay, ah danbiilayaal. Imisa naf oo somali ah ayaa u go’ay sababtooda!! Ma waxaan ugu abaalgudaynaa inay sharciga inoo dajiyaan oo aan ku sharafno xaldhibaanimo?! Ilaahay halaga xishoodo dadkaasna dhagar qabayaal weeyee inaga ilaasha si uusan ilaah noogu caroon.