Mahiga Oo Ka Hadlay Xaaladda Soomaaliya Ay Mareyso
Muqdisho [Radio RBC] Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Augustine Mahiga ayaa maanta Jimco ah, war qoraal ah oo uu saaray, waxa uu kaga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan muddada yer ee ka harsan xiliga KMG ah oo ku eg 20-August oo muddo tiban maalmood ay ka harsan yihiin.
Wuxuu kaloo sheegay in Soomaali ay u baahan tahay hoggaan wanaagsan oo leh aqoon, kartiĀ iyo aragti, taas u keeni karta in Soomaaliya cagaheeda ay isku taagto.
Mahiga, ayaa hoosta ka xariiqay in la maraayo xilli aad xasaasi ah, oo la doonayo in dalka ku yaala geeska Africa, uu ka baxo hannanka KMG ah isla markaa shacabka Soomaali ay u baahan yihiin aqoonyahanno aragti dheer u leh dadka iyo dalka, taas u horseeda karta horumar iyo nabad lagu waaro.
Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sidoo muujiyay in ay jireen caqabado badan oo soo maray dalka, taas horseeday in walaac laga muujiyo waxa socda, balse wadashaqeyn iyo dedaallo dheeraad ah oo la sameeyay laga gudbay.
Waxa uu tilmaamay in uu xafiiskiisa UNPOS waqti badan u huray sidii khilaafaadka jira ee horseedi lahaa wax kasta in ay curyaamaan xal loogu heli lahaa.
Danjire Mahiga ayaa ugu dambeyn ugu baaqay, dhincayada siyaasadda, odayaasha dhaqanka, aqoonyahannada iyo ururrada bulshada in ka qeyb qaataan sidii ay Soomaliya mar kale u hanan lahayn dowrkii ay ku lahayd dunidda.
Hadalka Mahiga ayaa ku soo aaday, xili xasaasi ah oo dalka uu maraayo, loona diyaargaroobayo doorashada madaxweynaha oo wax ka yer labo toddobaad ay ka harsan yihiin
RBC Radio
=================
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] See original article: Mahiga Oo Ka Hadlay Xaaladda Soomaaliya Ay Mareyso [...]
wabsetekan waxa uu qoro aad baan ula yaaba waa web ku shaqeeya dano qabiil ama faraha kula jira arimo siyaasadaysan waxaan ugu baaqaya in ay faraha kala baxaan arimaha qabiilka una istaagaan arimaha dibudhiska dalka sidaas ayaan idin rajaynayaa
waryaa mowliid? ma waxaad rabtaa sheeko beena iyo quruufaad hadii ninka sanka wayn iyo afrikaanka dalka haya amnigiisa ay arkaan kala beecsiga iyo wax isdabamarinta laga qaylinayo oo meelkasta laga ogyahay maxaad kula yaabtay wabkan anigu waxaan qabaa intaa uu sheegayba waa shuur oo waa dhab mowliid xagaad joogtaa miyaadan somaliya ama mudisho waxa kasocda lasocon mise waxaad hooskatuur leedihiin raxan reeb waxaa dawlada hada shaqaysa ay farha kulajiraan oo ay milaayiin lacaga kubixinayaan baarlamaankii larabay in lagudoorto? diintiisa maadigiisa wadaniyadiisa kartidiisa dhaqankiisa iyo in uu yahay shaqsi metelikara baarlamaan somaliyed oo xalaala iyo inuusan ahayn dambiile galay dunuub waxaa aan umalaynayaa in aad wax kale ka urinayso wabkan oo aanan ku aqoon been iyo wax aad ufoolxun oo aysooqoraan inkastoo somali badideedu ay marayso waayo iyo waaqabiilkee oo intuba ah mudi iyo jahli xuduuda nadhaafiyey ee bal hubi wararkan ayqoreen raxan reeb RAALINA IGA AHOOW HADAAN KUGU GEFO WALAAL wabilaahi tawfiiq
webkaan xafiska cabdi weli gaas ayay wax kasooqoraan , oo fadhigoodu yahay ,, waxn leyahay faraha kalabaxa danaha qabiil, , magaran anigu halkay wax kuwadaan?!!
darwiish qaad baad u baahan tahaye ma kuu qaadaa aamis.