Males Zenawi “ Hogaamiye Jabhadeed Ilaa Hogaan Dawladnimo”.


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Tv-ga Dalka Ethiopia ayaa Maalintimadii Talaadada ahayd oo ay Taariikhdu ku beegnayd 21 Agoosto 2012-ka, ayaa shaaciyay Geerida Ra’iisal wasaare Melas Zenawi oo 57 sano jiray, Kadib markii Cudur kusoo booday isaga oo kasoo Kabanaya Xanuun uu horay u qabay, Waxaana loola cararay Isbitaal ku yaala Dalka dibadiisa. Hadaba waa kuma Males Zanawi?.

Dhalashadiisii $ Waxbarashadiisii

Males ayaa ku dhashay Bishii May sanadii 1955-tii Degmo yar oo la yiraahdo Ado oo ku taala Gobolka Tegreegu ay dageen, Aabihiis ayaa isna Degmadaas kasoo jeeda, halka Hooyadiis ay iyadu kasoo jeeda Degmada Adi Kawala oo ku taala dalka Eretria.

Markii uu dhashay Melas ayaa waxaa loo bixiyay magaca ah Lieges, Laakiinse magacaas ayaa laga bedelay waxaana loogu magacdaray Nin Siyaasi ahaa oo Rajiibkii Shuuciyada ku dhisnaa ee Dalkaasi Maamuli jiray uu Toogtay Sanadii 1975-tii, Ninkaasi oo kasoo Jeeday Isla Qabiilka Tigreega.

Ra’iisal Wasaarihii hore Ee Ethiopia Males Zenawi ayaa Waxbarashadii Tugsiga sare ku dhamaystay Iskoolka General Wenjit Ee magaalada Addis Ababa, Intaa kadib waxa uu ku biiray Jaamacada Addis Ababa ( oo Xilligaasi la dhihi jiray Jaamacada Mingisto Hayla Maryam), Laba Sano markii uu Jaamacadaas dhiganayay ayuu iskaga tagay Waxbarashdii, Waxaana intaasi kadib uu ku biiray Jabhaadii Xoraynta Shacabka Tigreega.

Males Zenawi ayaa Shahaadada Masterta ka diyaariyay Jaamacad ku taala Dalka Ingiriiska sanadkii 1995-tii, isaga oo ka bartay Maamulka iyo Maaraynta, Bishii July 2002-dii ayuu Males Zenawi ka qaatay Shahaada Digtooraah Jaamacada Hinam ee ku taala Dalka Koonfurta Kuuriya, Males ayaa sidoo kale Darajada Masterta waxa uu ka qaatay Kuliyada Culuumta iyo Dhaqaalaha Jaamacad ku taala dalka Holland sanadii 2004-tii.

Noloshiisii Falaaganimo & Dawladnimo

Males Zenawi ayaa intii uu ahaa Xubin ka tirsan Jabhadii Xoraynta Shacabka Tigeega waxa uu sidoo kale Asaasay Dalad Hanti wadaag, Jabhada Xoraynta Tigree ayaana kamid ahayd Jabhada badan oo Dagaal kula jiray Rajiibka Hayla Maryam.

Intaa kadib Males ayaa ku Guulaystay in uu Gundhig u sameeyo Dhamaan Jabhadaha kale ee dagaalka kula jira Maamulkii markaas talada hayay, Si Xooga iyo Dhaqaalaha ku baxaya Dagaal muda qaata oo lala lago Ciidamadii Mingisto loo helo.

Markii Mingisto Markii uu dalka Ethiopia ka cararay Bishii May sanadii 1991-dii, ayaa Males oo wata Ciidamadii Jabhadii Kacdoonka iyo Dimuqraadiyada, waxa ay soo galeen Caasimada Dalkaasi ee Addis Ababa, Waxaana ay halkaasi kaga dhawaaqeen Dawlad Kumeel Gaar ah, Waxaana halkaasi kusoo Idlaaday Dagaalkii sokeeye ee dalkaasi mudada ka jiray.

Intii uu Xilka hayay Males Zenawi waxaa dalka Ethiopia ka go’day dawlada Eretria Sanadii 1993-dii, Intaa kadib, Sanadku markuu ahaa 1995-tii Waxaa lagu dhawaaqay In dalka Ethiopia hada wixii ka danbeeya uu dalku yeelan doono Nidaamka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Federaalka.

Mudo yar kadib, markii ay Eretria ka go’day dalka Ethiopia sanadku markuu ahaa 1998-dii waxaa dagaal lagu hoobtay oo laba Sano socday uu dhexmaray labada Dawladood ee Eretria iyo Ethiopia, dagaalkaas oo dadkii ku dhintay lagu sheegay 80,000 oo qof.

Dadka Dalka Ethiopia ayaa doorashooyin u dareeray bishii May ee sanadii 2005-tii, Doorashadaas oo loo arkayay in ay tahay mid Dimuqraadiyad Dhab ah ku salaysan, Doorashadaas ayaa Axsaabta Mucaaradku waxa ay ku heleen Taageero aad u badan, Laakiinse wax yar kadib markii lagu dhawaaqay Natiijadii Doorashada ayaa magaalada Caasimada ah ee Addis Ababa waxaa ka dilaacay Mudaaharaadyo Rabshada wata oo looga soo horjeedo Natiijadii kasoo baxday Doorasho ay u arkayeen in Mucaaradku ay u guulaysteen, Waxaana Rabshadahaas ku dhintay 19 shacab ah iyo 6 ka tirsan Ciidamada Amaanka dalkaasi.

Bishii December ee Sanadii 2006-dii ayuu Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Ethiopia Ciidamo u diray dalka Soomaaliya si uu meesha uga saaro Xoogagii Maxkamadaha Islaamiga, Dad badan ayaana u arka, In Duulaankaas uu Males ku qaaday Soomaaliya uu Taageero kaga raadinayay Dawlada Maraykanka, Ciidamada Ethiopia ayaana dalka Soomaaliya isaga baxay Sanadkii 2009-kii.

Bishii December ee sanadkii 2009-kii ayuu Ra’iisal Wasaarihii hore ee Geeriyooday uu Qaarada Africa u metelay Shirkii Cimilada Aduunka looga hadlayay ee ka dhacay magaalada Copenhagen ee dalka Sweden, Arintaas oo sii xoojisay Kaalintiisii Hogaamiyinimo, Inkastoo Mucaaradkiisu ay ku dhaliileen in uu yahay Keligii taliye.

Dalka Ethiopia ayaa waxaa markale ka dhacday Doorasho Guud Sanadii 2010-ka, Waxaana Xisibiga uu hogaamin jiray Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalkaasi ay ku guulaysteen 547 oo ay ka heleen Aqalka Baarlamaanka, iyadoo uu mar Afraad Xilka Ra’iisal Wasaaranimada ku guulaystay Males Zenawi, Doorashadaas ayaa goob joogayaal ka socday Midawga Yurub iyo Marayku waxa ay ku sheegeen inaanay ahayn mid waafaqsan Xeerarka u degsan Doorasho ku dhacda si Hufan, Arintas oo Mucaaradka dalkaasi ay ku codsadeen in doorashada lagu celiyo.

Bishii June ee Sanadkan ayaa waxaa soo Shaac baxday in Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia uu la xanuusanayo Xanuun Khatar ah, Kadib markii laga dhex waayay Madaxdii ka qaybgelaysay Shirkii Midawga Africa ee ka dhacay Magaalada Addis Ababa, Ugu danbayntii Tv-ga dalkaasi ayaa 21-kii Agoosto 2012-ka shaaca si rasmi ah uga qaaday, In Ra’iisal Wasaarihii dalkaasi soo Maamulayay 20-kii sano ee lasoo Dhaafay Males Zenawi uu u geeriyooday Xanuun halis ah oo kusoo booday.

Males Zanawi ayaa qabay Xaaskiisa oo lagu magcaabo Azeb Musfin, Waana Aabe leh Sadex Caruur ah, Xaaskiisa ayaa hada Madax u ah Gudiga Arimaha Bulshada Ee Baarlmaanka dalkaasi.

Waxaa soo Tarjumay:-
Mohomed Said Yusuf (Mohomed Yamani).
Contact Email:- Yamani143@gmail.com
Xuquuqda Warbixinta: www.Aljazeera.net

Share

Tags:

6 Responses for “Males Zenawi “ Hogaamiye Jabhadeed Ilaa Hogaan Dawladnimo”.”

  1. yoonis says:

    naarta dhadhami ahlu naar kabiir malez

  2. bursaalax says:

    ninkaan in aad soo tarjuntayba ma aheyn waqti lumay kaa lumay dheh waxa uu ahaaba caawa naarbaa boos buu leeyahay

  3. [...] View article: Males Zenawi “ Hogaamiye Jabhadeed Ilaa Hogaan Dawladnimo”. [...]

  4. bir,aan jabin says:

    Ninkan masixiga ah dadka u tacsiyaynaya .ayan aad ugaxumahay. Walalka xita hadu ilahay qiriwaayo .laba wado ayad kalamaraysan.mida kale Malez somalida. Dhibato iyo dheefba wuu gaarsiiyey. Koley wa gaal bakhtiyey. Oo cadow islaamka u ahaa.

  5. Taariikh says:

    Zenawi iyo Caydiid isku sanad (1991) bay caasimadaha dalkooda qabsadeen —- Midna wuu dhisay — Midna wuu diirtay —-

Leave a Reply