Mareykanka Oo Cambaareeyay Wariyaal Lagu Dilay Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (Radio) Dowladda Mareykanka ayaa si weyn u cambaareysay  dilal shaley magaalada Muqdisho loogu geystay labo wariye.

Safiirka u fadhiya Mareykanka magaalada Nairobi, James Swan ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dilalka joogtada ee lagu hayo wariyaasha ka howlgala Soomaaliya.

War-saxaafadeed uu ka soo saaray danjire Swan  xafiiskiisa Nairobi ayuu ku sheegay dowladda Maraykanka in ay wax ka qaban doonto dhaqanka ka jira Soomaaliya ee isla xisaabtan la’aanta dilalka lagu hayo suxufiyiinta Soomaalida.

Danjire Swan  ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii shalay magaalada Muqdisho loogu geystay Yuusuf Cali Cusmaan “Yuusuf Farey”  oo ka tirsanaa ma’uuliyiinta  wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, oo kooxo hubeysan ay ku toogteyn degmada dharkenley ee Muqdisho.

Mr. Swan ayaa tacsi u diray qoyska, axsaabda iyo dadkii ay wada shaqeyn jireen Yuusuf Farey.

Danjiraha ayaa ugu baaqay dowladda KMG ah ee Soomaaliya inay baaritaan buuxdo ku sameyso dilalkii u dambeeyay ee loo geystay suxufiyiin iyo shaqsiyaad ka shaqeyn jiray warbaahinta Soomaaliya.

Wuxuuna ugu dambeeyn ku nuux-nuuxsaday in dowlada Mareykanka ay sii wadi doonto baaqa ah in caddaaladda la hor keeno kooxaha dambeeya dilalka suxufiyiinta Soomaaliya xitaa marka laga gudbo xilliga KMG ah oo ku eg 20-ka August.

Si kastaba, dilalkii ugu dambeeyay ee shaley loogu geestay Muqdisho labo wariye, waxa sidoo kale cambaareeyay midowga Africa iyo QM.

In ka badan 10-suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya, gaar ahaan caasimada Muqdisho, mana jirto cid loo soo qabtay dilalkaas.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

Leave a Reply