Maxaad Ka Taqaanaa Musharixiinta u Taagan Jagada Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya? (Faahfaahin & Wararkii ugu Dambeeyay)
Muqdisho (RBC) Doorashada afhayeenka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa saaka lagu wadaa inay ka bilaabato xarunta Gen Kaahiye [Ex Iskool Boolisiya] oo ku taalla degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay saaka ku kulansan yihiin xildhibaanada cusub, korjoogtada caalamiga, musharixiin iyo suxufiyiin.
Doorashada afhayeenka waxaa ku tartamaya illaa shan musharax, waxaana marka ay doorashada dhacdo ku xigi doona doorashada gudoomiye ku xigeenka koowaad iyo gudoomiye ku xigeenka labaad oo ay ku tarmayaan in ka badan 1o musharax.
Haddaba Shabakada Raxanreeb Waxay halkan ku soo bandhigeysaa xogta iyo magacyada musharixiinta shanta ah ee u taagan qabashada xilka gudoomiyaha baarlamaanka ee illaa hadda ku soo haray tartanka.
1) Prof Maxamed Cismaan Jawaari: Waa sharci yaqaan mudo dheer ka shaqeynayey dastuurka, wuxuuna ahaa gudoomiyihii guddiga dastuurka inkastoo hawsha diyaarinta dastuurka lagu farageliyey, sida isagaba uu sheegay.
Prof Jawaari wuxuu xil wasiir ku xigeen ka soo qabtay dawladii militariga ee Soomaaliya sanadihii 1980maadkii. Mudo dheer wuxuu deganaa dalka Norway oo uu haddana ka heysto dhalashada wadankaasi.
Dadka yaqaana waxay sheegaan in Prof Jawaari uu yahay nin adag oo leh mowqif meel loogu hagaago leh, waxaa intaa dheer in wadamada daneeya arimaha Soomaaliya iyo ururada siyaasadda ee caalamiga ahba ay aad u yaqaanaan Prof Jawaari kuwaasoo ay isbarteen berigii uu madaxda ka ahaa guddiga dastuurka ee madaxa bannaan.
Doorashadiisa waxay halis dhow iyo mid dheerba ku tahay mustaqbalka siyaasadda Shariif Xasan Sheekh Aadan, taasoo haddii xilka afhayeenka baarlamaanka uu ku guuleysto Prof Jawaari meesha ka saari doonta hamiga Shariif Xasan waana taas sababta Shariif Xasan uu geed dhow iyo mid dheerba u korayo si uu daaqada uga saaro Prof Jawaari inkastoo dad badan u arkaan ninka ugu fursada dhow illaa hadda.
2) Prof Cali Khaliif Galeyr: Waxaa loo yaqaanaa aas aasihii Khaatumo State. Cali wuxuu sanadkii 2000 Raysul wasaare ka noqday dawladii lagu soo dhisay Jabuuti taasoo uu iska casilay markii ay wada shaqeyn waayeen isaga madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan. Waa macalin Jaamacadeed oo wax ka dhiga jaamacado dibadda ku yaalla, hawlo ganacsi oo waaweyn wuxuu ku leeyahay Imaaraadka Carabta.
Mudadii saddexda sano ee la soo dhaafay wuxuu ahaa nin aad u daneeya arimaha siyaasadda ee dalka waana taas sababta uu isaga iyo rag ay ehel yihiin ugu tafa xeyteen dhismaha maamulka Khaatumo State oo uu ku guuleystay inuu ku galo gorgortanka siyaasadeed.
Isa sharixida Cali Khaliif Galeyr waxay dhibaato ku tahay musharixiinta ka soo jeeda beelaha Daarood ee u ordaya madaxtinimada kuwaasoo aan jecleysan in Cali tartanka xilligan uu soo galo. Haddiise uu ku guuleysto waxaa loo arkaa inay isbedeli doonto nidaamka awood qeybsiga beelaha ee ku saleysan 4.5.
3) Xasan Abshir Faarax: Waa xildhibaan waqti dheer ku jiray baarlamaanka KMG Soomaaliya, dhowr jeer ayuu xilal wasaaradeed ka soo qabtay DKMG iyo maamulka Puntland. Wuxuu sanadkii 2000 ahaa shir gudoonkii Shirkii Carta oo ay diideen rag u badnaa qabqablayaasha dagaalka kuwaasoo Xasan ASbshir uu ku tilmaamay “kuwo laga tirada badan yahay” .
Sanadkii 2003 ka hor shirkii Eldoret ee Soomaalida loo qabtay Waxaa Xasan loo magacaabay raysul wasaarihii xukuumaddii KMG ahayd ee Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan.
Xasan Abshir, wuxuu soo qabtay Duqa magaalada Muqdisho dawladii dhexe ee Soomaaliya, sidaa darteed dhanka siyaasadda iyo maamulka waxaa loo arkaa nin waayo arag ku ah.
Tartanka Xasan Abshir wuxuu si la mid ah Cali Khaliif dhibaato ku yahay musharixiinta beelaha Daarood oo aan rabin in kursiga baarlamaanka in nin iyaga ka soo jeeda uu soo galo u tartankiisa. Dhowr maalmood ka hor wuxuu Xasan Abshir sheegay inuu u sharaxan yahay afhayeenka baarlamaanka hase yeeshee Axadii la soo dhaafay ayuu ka tanaasulay sida uu sheegay ka dib markii rab beeshiisa ay kula tartameen xilka madaxweynaha, waxaase dhici karta in wax isbedelaan.
4) Cabdi Xaashi C/laahi: Waa xildhibaan ka mid ahaa baarlamaanka KMG. Sidoo kale waa Agaasimihii tiyaatarka qaranka sanadihii 1980 illaa 1990. Wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii wax ku soo baratay Midowga Soofiyeeti xilligii Kacaanka.
Bishii May 2010, doorashadii baarlamaanka ee ka dhacday Muqdisho wuxuu Cabdi Xaashi kula loolamay Shariif Xasan isagoo ahaa musharaxa kaliya ee wareega labaad la soo gaaray inkastoo Shariif Xasan uu ka guuleystay. Waxaa lagu xusuustaa hadal cajiib ahaa oo digniin iyo dhaliil isugu jiray oo uu u jeediyey baarlamaanka berigaas doortay Shariif Xasan isagoo yiri “nasiib daro ayaa maanta idinku dhacday!”.
5) Jeylaani Nuur Iikar: Waa siyaasi ka soo jeeda qowmiyada reer Banaadiriga, wuxuuna ka mid ahaa xildhibaanada. Hadda wuxuu ahaa wasiirka Hawlaha Guud ee Xukuumadda KMG (ee C/weli Gaas) waxaana lagu tiriyaa nin dhexdhexaad ah oo ay isfahmeen C/weli Gaas iyo Sheekh Shariif labadaba.
Isa sharaxaada Jeylaani waa tii ugu horeysay oo nooceeda ah waayo beesha Shanaad ee uu ka soo jeedo horey uguma tartami jirin kursiga afhayeenka baarlamaanka.
YAA KA BAXAY TARTANKA?
Illaa hadda waxaa tartanka kursiga afhayeenka baarlamaanka ka baxay Prof C/risaaq Cismaan Juriile iyo C/laahi Goodax Barre (Wasiirkii Qorsheynta DKMG). Labada ninba waxaa la sheegayaa in cadaadis lagu saaray inay ka baxaan tartanka waayo beelaha ay ka soo jeedaan ma rabaan in kursigan afhayeenka waqtiga iska lumiyaan.
Prof Juriile waxaa taageerada uu ka heystay xildhibaano badan reer Puntland kuwaasoo haddana codkooda siinaya musharixiin kale oo aan beelahooda ahayn. Halka C/laahi Goodax ay qasbeen beelaha Hawiye oo raa kursiga madaxweynaha.
Doorashada afhayeenka iyo musharixiinta
Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha, hogaanka qabiilada iyo xitaa dadweynaha Soomaalida ayey micne weyn ugu fadhidaa doorashada maanta dhacaysa, maadaama kursiga afhayeenka uu yahay midka KALA BAXA ee lagu kala ogaan doono cida madaxtinimada ku soo bixi karto, Waayo saddexda beelood ee ku loolameysa saddexda kursi ee waaweyn ayaa mid ka mid ah maanta qaadaneysaa kursiga afhayeenka.
Sida qorshuhu yahay doorashada afhayeenka iyo labada ku xigeen waxay dhacaysaa maanta gelinka dambe., waxaana lagu wadaa in marka doorashadan dhamaato loo diyaargaroobo doorashada madaxweynaha oo dhacaysa 5/09/2012.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho ___________________________________________________________________________________________
Wargelin: Falanqeeyaasha Idman waxay Raxanreeb ku wargelineysaa inay afkaartooda iyo faallooyinka ay hayaan ama isleeyihiin waa muhim, inay noogu soo diri karaan; Raxanreeb@gmail.com ama Admin@raxanreeb.com.











Warku waa cadyahay gudoomiyuhu waa jawaahiri because sida muuqata 170 vote buu heystaa marka waxaynu sugnaaba waa tan madaxweynaha Insha alah
Guul Prof Galeyr wadani Soomaaliyeed
WAXAA HELI DOONA INSHA-ALLAH PROF CALI KHALIIF GALEYR WAXAANA MEESHAAS KU BAKHTIYI DOONA FAROOLE AF-DOORSHAAN IYO C/WELI SHEYDAAN,,,, MAR DHOW KENYA AYEY ISKA DHIIBI DOONAAN ILEEN AABAHOOD MELES SENAAWI WAA KA BAKHIYEY…KKK
Raxanreeb magaalkan eex ayaa ka muuqata waxana jeclaa inkastoo in yar mooye dowladii. Marxuum m,d,bare loo wada shaqeeyo jawaaheri uun baad dheegteen dhacii iyo boobkii cali khaliif xoolahii umada sii dhacay waad qariseen ilaahse uma xilqaren oo website yada somaliyeed waa lagu wada qoray
illahow mid kheyr qaba oo danta guud kashaqeeya kadhiga ciduu rabo hakasojeedee mid somali dani ugu jirto allow kadhig