Maxamed Xasan Maxamed oo Orday 1,500-Meter, Galayna Kaalinta 13-aad
Muqdisho (RBC Radio) Ciyaar kamid ah ciyaaraha orodka ee Olonikada aduunka ee ka socda magaalada London ayaa waxaa ka qayb galay Orodyahanka Soomaaliya u metelaayey tartankaasi Maxamed Xassan Maxamed.
Maxamed ayaa orday 1,500-Meter. Asagoona si weyn u muujiyay orad dheer oo dadka Soomaaaliyeed oo dhan meel waliba ay joogaan ay si aad ah ugu farxeen
Maxamed Xassan Maxamed oo si wanaagsan u orday ayaa galay kaalintii 13-aad, waxaana ka dambeeyey hal ciyaartoy oo isagu galay kaalinta 14-aad, marka loo eego ciyaartoy gaaraysa ilaa iyo 14, ciyaaryahan oo ay wada ordayeen xidigaan.
Maxamed marka loo eego ciyaartoyda garoonka kula jirtay oo ahaa kuwo mudo dheer ku soo dhexjiray ciyaarahaan oo horay guulo badan u soo gaaray ciyaaryahankaan Soomaaliyeed wuxuu keenay guul lagu farxo.
Samsam Maxamed Faarax oo iyadana ah gabar metelaysa Soomaaliya ayaa shalay gashay kaalinta 7-aad kadib markii ay ka qaybgashay tartanka 400-Meter.
Ciyaartoydaan ayaa waxaa laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaana ay tababar ku qaadanayeen xaalado aad u adag, maadaama wadanka Soomaaliya uu dagaalo iyo colaado isaga jiray mudo dheer.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











Kaalinta 13aad??????????? waa na ceebeeyay
Bravo Mohamed iyo Smsam
Loosers and shame
A/c
Guul Maxamed Soomaali ! Ninka Asagoon khibrad laheyn, waligiis garoon noocaan ah iyo tartan baaxadaas la’eg ka qeybgalin, hadana maareeyay inuusan noqon ruuxa ugu dambeeya, aadbuu u dadaalay. Waliba Asagoon tababar fiican qaadan oo ay hadana wali baaruudii xamar u sii urayso, dhagihiisana xabaddii iyo murankii xamar yaallay ka sii dhawaaqayaan.
Intaas waxaa usii dheer argagaxa ay daqiiqadaha hore marxaladu leedahay iyo qaloodka. Markaad hareerahaaga ku aragtid mid aad moodid inuu indha la’yahay yaryaraantooda, mid sankiisu le’egyahay xabadiiba bakeeriga qarweynaha ah, kuwo murmuruxsan oo aad moodo Qalajis duureed/mulac, ama aad moodid faranfar qorrax jooga, waxaad is leedahay, “Yaa rabbi! War xagee baas oon maanta taaganahay!”.
Guul bro, *******++********+++**********+************++++**********************+*****
Jj
mansha allaah walaahi rag waarag rag yareeysi malahn waa dadaashay walaal waxaana ku lleeyahay guulayso adigoo waligaa garoon calamiha ka ordin hadadba rag dowlado leh oo tababar dhamays tiran haysta aad dhaaftay calankaygiina gaysay goobtii umadu isugu timid guul bro
Guul muhamed and zamzam wanku faraxsanahy guul iyo guuldaro dadalkad mujisen guul guul adaban idintageranay dhaman umada somaliyed
Waa u hambal yeey nayaa Samsam & Max ‘d waa dadaa sheen waana ku mahad San tihiin, Gudiga Olympic Soomaliyeed see ku dhacday in Xamar lagu hayo ilaa laga gaarayey xiligii uu dhicahaa tartanka, Waxaan ogsoo nahay in World Olympic federation uu Soomaaliya ugu talo galay budget soow maaheyn in lageeyo meelaha lagu tababarto oo Caanka ka ah Dunida sida Kenya , Tanzania ama Jamica , Dadkaan aay latar tamayaan waa laga soo shaqee yay iyagana waa dadaa leen, Viva Puntland & Soomaalia
JJ/Haad,
Waa iga qoslisay saaxiib tilmaamaha aad dadka jabirus at:) waa runtaa dhalinyarada Somalia magaceeda ku ordaysaa waa dadaaleen inay masraxa joogaan baana ah wax lagu farxo. Kaliya waxaan dhihi lahaa saxaafadu wixii dhacay ha Ka run sheegaan oo yaysan dadka been ku maaweelin ama aqoontooda ha kororaadaan haday aqoon la’aan ugu wacantahay maxaa yeelay meel walba shalay waxaa lagu soo qoray Zamzam oo gashay kaalinta 7aad marka xaqiiqdu ay tahay inay orodadii hore ee qualificationka dadkii ay la tartamaysay ay noqotay kaalinta 7aad laakiin marka la qiimeeyo gabdhihii 400 oo mitir orday oo dhan waxay ahayd qofka ugu danbeeya iyadoo ay ciyaartoyda kale Zamzam iyo gabar reer Jaboutiya ay ordeen wax Ka yar Hal daqiiqo waliba gabadha reer Jabouti waxay oroday hal daqiiqo iyo shan second oo Zamzam aad bay uga horaysay dhanka wiilashana wali ma fiirin natiijaddii ciyaartoyda oo dhan laakiin waxaan u malayn inay saas oo kale dhici doonto laakiin Mohamed waa dadaalay haddiiba uusan noqon qofka ugu danbeeya groupkiisa.
Mahadsanidiin
I feel sorry for both runners , Zamzam was the last person on race not number 7 as some claim .
Zamzam had to much confident and she talked to much , wanba yabay mar an lakulma london few days ago. mesha shishada lagu cabo.
Tan kale dadkan xamar kayimadan dad xishonayo ma’aha.
san ayeey ku heystan.
Wuu naga fujiyay walaahi marba marka kadambeysa ayuu reyni insha alaah guul wanaagsan bro