Maxkamad Mareykanka Ku Taallo Oo Nin Soomaali Ah Xukun Ku Riday
Virginia [Radio RBC] Maxkamad ku taalo dalka Mareykanka ayaa 12-sano oo xarig ah ku xukuntay Maxamed Saaili Shibin, oo ahaa nin waan-waan ka dhexwaday kooxaha burcad-badeeda Soomaalida iyo dadkii ehalada u ahaa afar qof oo Mareykanka ah, laakin markii dambe lagu dilay isku day la doonayay in lagu soo badbaadiyo.
Sidoo kale Maxamed oo 50-sano jir ah, ayaa lagu eedeeyay in uu door ku lahaa markab ganacsi oo laga lee yahay Germalka oo laga afduubtay xeebaha Soomaaliya.
Ninkan ayaa laga soo qabtay dalka Somaaliya, kadidb markii hey’adda FBI iyo saraakiil Milatari Mareykanka ah.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda Virginia ayaa sheegay in xukunka ku dhacay Shibin uu ahaa mid sahlan, oo xukun qafiif ah uu ku dhacay.
Ma ahan markii ugu horeysay ee xukun ay rido maxkamadda Virginia, horey ayaa tiro Soomaali ah oo lagu eedeeyay falal burcad-badeednimo ah lagu xukumay xukuno kala duwan.
RBC Radio
—————————–
Xafiiska Wararka Nairobi











[...] Read the original post: Maxkamad Mareykanka Ku Taallo Oo Nin Soomaali Ah Xukun Ku Riday [...]
WAR SHHIVIYOOW ALE HAKUUSAHLO XAAKUGESHAY GAAL IYO TUUG A NAANIIN ISBASAASA
Belada somalya kadagi la,dahay buu u egyahay weji qayr qabaa kan kama muuqdo waa dadka wax kadilaala balada somaliya kasocota adi iyo inta kula midaba ilaahey wadanka haka qabto si dhibyar AAMIIIN.
ah ah waa waa boqortooyadii oo gacan gashy waan ka xumahay waa xaaja rag waxaa ku dhacay xukun fudud alla haw sahlo laakin nimanka sakuurka puntland sheegta wxa fiican ma samyn waa waa kh ald wayn oo galeen dadka madaxda u ah waana lagula xisaabtmayaa qaani ma qurunto insha llaah dadkii wxaa sameeyay xisaabtooda waa imanaysaa in sah allaah gaal marykan ah hadaa nin gacanta ugu galisay isagoo wadankiisii jooga ady ka shalayn
wxay u dhigantaa 5 sano iyo xoogaa marka loo eego habka mxaabiista loola dhaqmo xabsiyda aduunka waana wakhti yar habeen iyo maalin ayay ayaa loo xisaabinayaa ama maxkamada sare ayaa xukun ka khafiifsan ku ridaysa allaahay haw fududeeyo shibiin maskax ayaa saaran waa loo baahan yahy maaha dadka faaruqa ah oo macna yarida aduunka la jooga wadankiisa ayuu cuni jiray si xarago leh ayuu u socon jiray runtii waa xukun fudud waana u dhamaanaysaa insh allaah