Madaxweyne Shariif oo Ka Horjeestay Go’aankii Golaha Wasiiradda Ku Diideen Magacaabista Degmooyinka Cusub (Warbixin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Mogadishu (RBC) Madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumada uu hoggaamiyo ra’iisal wasaare Cabdi Wali Cali Gaas aysan ka hadli karin go’aamada uu qaato, gaar ahaan magacaabistii degmooyinka ee uu dhowaan sameeyay.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay kadib safaruu ku tagay wadanka Sacuudiga ayaa sheegay golaha wasiirada xukuumadda KMG ah aysan shaqo ku  lahayn wareegto uu dhawaan soo saaray oo uu degmooyin ku magacaabay, tallaabadaasoo golaha wasiiraddu ay sharci-darro ku tilmaameen [Akhri war saxaafadeedkii Golaha wasiirada].

“ Mar haddii ra’iisul wasaaraha uu ka mid noqday musharixiinta u taagan tartanka madaxtinimada Soomaaliya, xukuumaddiisu qaraar kama soo saari karto waxyaabaha hadda socda” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo saxaafadda la hadlay.

Wuxuu madaxweynuhu intaa ku daray in xukuumadda Raysul wasaare C/weli Gaas hogaamiyo aysan hadda lahayn wax saameyn ah isla markaana aysan faragelin karin go’aan uu isaga soo saaray.

“Shaqo kuma laha weligeedna shqqo kuma yeelan inay xukuumadi ka hadasho go’aan aan soo saaray” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Sheekh Shariif wuxuu cuskaday in ka hor magacaabistii degmooyinka cusub ee uu sameeyay ay jirtay qiimeyn ay sameysay wasaaradda arimaha gudaha, sida uu sheegayna ay uu ku qancay arintaasi.

“Wasaaradda arimaha gudaha ayaa qiimeyn sameysa waa soo gudbiyaan haddii markaasi lagu qanco wixii ay soo gudbiyeen inay sax yihiin waa la magacaabaa, haddii meelaha qaar su’aalo loo baahdana waa la weydiiyaa kaddibna waa la magacaabaa, Golaha wasiiradu  wax shaqo ah oo ay ku leeyihiin malaha” ayuu sii raaciyey Sheekh Shariif oo laftiisa ah musharax u tartamaya xilka madaxtinimada.

Walaaca xildhibaanada Aala Sheekh

Madaxweyne Shariif wuxuu walaac ka muujiyey hadalheyn saacadihii u dambeeyay soo baxday oo ahayd in xubno aad isaga ugu dho oo ka mid ah kooxda Aala Sheekh ay waayeen boosaskii xildhibaanimada kadib markii siyaasiyiin kae ay lacago dul dhigeen boosaskooda, wuxuuse Sheekh Shariif sheegay in xaalada la qiimeyn doono.

“Nin intaasoo sano xildhibaan ah haddii hadda la yoraahdo xildhibaanimadiiwaaweysay inuu afkiisa waxkasta ka sheego waa suurtagal, marka yaan loo qaadan in wax walba sida la sheegay u dhici doonaan” ayuu yiri madaxweyne Shariif.

Hadalka madaxweynaha ayaa jawaab u ah war saxaafadeedkii golaha wasiirada ku buriyeen magacaabistii dhowr degmo oo cusub oo uu madaxweynuhu soo saaray bishii u dambeysay taasoo golaha wasiirada kulan ay yeesheen ku tilmaameen waxba kama jiraan.  Waxaana isweerarka dhanka hawada ee ay isu dirayaan madaxweynaha iyo raysul wasaaraha iyo xukuumadiisa uu sii kululeeynayaa dagaalka qabow ee beryahanba u dhexeeya kooxda Aala Sheekh ee madaxweynaha taabacan iyo xulufada Raysul wasaare Gaas, halka arintan uu dibadda ka fiirsanayo Shariif Xasan Sheekh oo laftiisa musharax madaxweyne ah.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

10 Responses for “Madaxweyne Shariif oo Ka Horjeestay Go’aankii Golaha Wasiiradda Ku Diideen Magacaabista Degmooyinka Cusub (Warbixin)”

  1. [...] Read more here: Madaxweyne Shariif oo Ka Horjeestay Go’aankii Golaha Wasiiradda Ku Diideen Magacaabista Degmooyink… [...]

  2. libaan says:

    allaha ku qabto adiga iyo waxii ku taageera umadii waa halaagtay sidii laguu doortay umadii dil ayaa lagu dhameeyay awaal marin allaha ayaan kaaga baryaaa insha allah waa heleysaaa taas

    teeda kale waxaaba tahay madaxweeyne awood u sheeganaaya wasiirada waxey soo saareen sideedaba madaxweeyne loogumatala galin in uu sooo fara gishado waxyaabaha u yaala wasiirada , ayagaa ka doodaaya arintas weyna diidayaan , hadii aad xoog wadaatid taas gooni waaye awalba waxaa aheed hogaami koox ooo al shabab la soo shaqeystay , gacan ku dhiigle ah war tag somali uma tihid madaxweyne taariikhdii waa ku ciyaartay . ileen cilmiga ayaa kugu yar , wax soo baro waxyoow sudaanka aad moodo

  3. Said says:

    Ceebey tacaal Sheekh Shariif Wasaarada Gudaha sow kama mid ah Golaha Wasiirada oo PM uu xukumo. Sidee buu keenay inuu marna yiraahdo Wasaarad baa qiimeysay, marna Xukuumadaai saameyn malaha.

  4. Waxan codsanaya in la weydiyo madaxweyna degmooyinku magacabayo waxaa u so gudbiyay wasarada arimaha gudaha marki aan firiyay waan ku dhawaqay in ay u qalman degmooyin deeganadas hada 0 w uxu yiri raisul wasaraha haduu isku sharaxo madaxweynaha golaha wasiirada Active ma ahan mana diidi karan marka wasarada arimaha gudaha miyesan ku jirin golaha wasirada war miyusan wax kala garaneyn ninka macalinka dugsiga ahan jiray intu siyasada ku jiray anigo aan waxba øgexn ayaaba inta gartay loool

  5. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin. @ Said iyo Mohamed Khalif, jawaabta su’aashiina waxey tahay, Wasiirka Arimaha Gudaha, waa nin daacad ah oo Madaxweynaha si daacad ah ula shaqeeynaya, laakiin nimanka kale ee Wasiirada ah, waxeey hoos fadhiistaan qabiiliista qaainul wadanka prime ministerka ku magacaaban, oo kaliya raba intuu Xamar iyo Dowlada dhexe mas’uuliyad u qaaday, misana raba in uu caqliga xaaraanta ah ee Faroole ee ah, in eeysan Dowlad Somaliyeed oo dhibaatada dadka iyo dalka ka saarta in eeysan ka dhalan Mogadisho.

    Mida kale, nina isku magacaabay Liiban, mindhaa isku ilaah ma nihin, hadiiba adiga oo xaaraami qabiili ah aad magaca ilaaheey ka dhawaajineeysid misana aad daba dhigeeysid nijaaso iyo xaaraan ku dhisan qabyaalad. Ilaahaagu waa qabiilkaaga ayaan u maleynayaa. Somali waxaa u dan ah Madaxweeyne Shiiq Shariif, waa hadii la rabo in aan cagaheena ku istaagno mudada afarta sano ee soo socota. Hadii kale, hada dhibka iyo saxariirta oo Somali oo dhan ku jiraan (haba kala darnaadaane) meesheeda ayeey ka sii socon, ilaa la waayo wax naf, iyo sharaf leh oo Somali ah.

  6. Yaabane says:

    Tani waxay markhaati ka tahay in Sheikh Shariif uusan wax nadaam dowladeed ah fahamsanayn.
    sida @Liiban, @Said iyo @Mohmaed sheegeenba, Wasiirka arimaha gudaha miyuusan dowladda ka mid ahayn? mise wuxuu noqday xoghaynta Sheikh Shariif??

    Waqtigan lagu jiro oo Muqdisho amaankeedu sii xumaanayo oo maalin walba dad lagu laynayo, wasiirka shaqadiisu ugu muhiimsantahay waa wasiirka arimaha gudaha iyo amniga, … bal ka warama ninka howshaasi u taalo, wuxuu boorsada u sidaa Sheikh Shariif… aaway shaqadiisii?

    waxaa taas ka daran,Sheikh Shariif wasiirada qayb ka mid ah ayuu kaxaystay oo aan wax wada shaqayn ahba la lahayn Raisul wasaaraha.. ninka dowladdii hada jirtay saas u kala jabinaya oo mas’uul xumada intaas la’eg ka muuqato ayaa raba in uu 4 sano oo kale wadanka hogaamiyo, oo 5 Raisul wasaare isku badalo marka uu mid mid ula dagaalamo.

  7. Fartun says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    aqoon la’aan wa iftiin la’aan
    ceebeey tacaal inaan aqoon lahayn siyaasadna wax ka aqoon ayee wareeysteen kadibna gacantiisa ayuu isku dilay macalim dugsi dhigijiray ayaa madaxweyne sheegtay
    waziirada power malahan iyo wasaarada arimaha gudaha ayaa soo diyaarisay degmooyinkan halkee u kala wadaa layaab malahan ninkaan wa iska maalim dugsi

  8. [...] Sheekh Shariif ayaa ku doodaya in diidmada golaha xukuumadda iyo raysul wasaaruhuba aysan micno ku fadhin, maadaama raysul wasaaraha laftiisu uu yahay musharax u taagan jagada madaxweynaha sidaasi darteedna xukuumadda “ay saameyn beeshay” [not effective], sida uu madaxweynuhu ku sheegay shir jaraa’id oo uu Villa Soomaaliya ku qabtay shalay markii uu ka soo laabtay dalka Sacuudiga. [Akhri shirka jaraa'id]. [...]

  9. Ciidan says:

    Wasiirka Arimaha Gudaha miyuusan ka mid ahayn Golaha Wasiirada?

  10. Murqaweyne says:

    Dadka Dawladan Ayaanka daran hogaaminaya oo dhan way khaldanyihiin. Gaas wuxuu ku khaldamay in uu ogolaado in wasiirrada uu magacaabayay loo yeeriyo. Wuxuu awood u lahaa inuu sidii Farmaajo keensado rag cilmi leh ayna isku kalsoonyihiin uuna diido jaahiliinta ay Sakiin iyo Afguduud wataan sida wasiir ku sheega Amniga Cabdisamad Macalin oo aan wax cilmi ah iyo caqli midna laheyn.

    Wuxuu kaloo ku khaldanyahay in uu is sharraxo asagoo Raysal Wasaare ah. Ninka is sharraxayaa waa inuu yahay nin aan ku qanacsaneyn Dawlada jirta oo doonaya isbadal iyo nidaam ka gadisan kan hada jira. Hadii aad qeyb ka tahay isla nidaamka jira macneheedu waa in aad ku qanacsantahay, sidaas daraadeed isma sharrixi kartid. Hadii aad nidaamka jira dhaliilsantahay is casil marka hore kadibna waad isi soo sharrixi kartaa.

    Dhanka kale Shariifna wuu khaldanyahay. Wuxuu yiri Xukuumadu waa Hawlgab. Xukuumadu waxay inactive/hawlgab noqon kartaa 1, in Raysal Wasaaruhu is casilo. 2, In Baarlamaanku kalsoonida kala noqdo. Nasiib darro labaas midna ma dhicin. R. Wasarihii wali wuu soo taaganyahay. Baarlmaankiina waa horaa laga kaaftoomay oo hada maba jiro. Dawladoo idil hada waa sidii “Dayax-gacmeed inta hawada loo ganay kadibna xaruntii laga hagayay la burburiyay”. Dawladoo idil waxay hada surantahay oo ka lalmanaysaa Hawo Cidlo ah. Sidaas daraadeed hadaaq kasta oo uu Shariif keeno waa Inactive/Hawlgab. Xitaa Raysal Wasaaraha tallaabo sharci ah kama qaadi karo.

    Khaladaadka kale oo uu Shariif leeyahay waxaa kamid ah, Inuu u dhaqmo sidii Cunug yar oo Creditcard haysta oo maalin xaraash jiro suuqa kusoo aaday. Bil gudeheed wuxuu magacaabay ilaa 50 degmo walina wuu sii wadaa. Meelaha uu degmooyinka u magacaabayo inta badan waa meelaha ay qoyskiisu kasoo jeedaan waxayna u badanyihiin duur lama degaan ah. Waxaasi wax shaqsi masuul ah sameeyo ma ahan wayna ku saxantahay in ay Xukuumadu kahortimaado.

    Isla sidaasoo kale, Shariif wuxuu mudo gaaban ku magacaabay ilaa 150 Generalo u badan oo ay inta badan asaga isku jifo yihiin. Waxaasi ma masuulnimaa? Miyaysan Xukuumadu ku saxsaneyn inay ka hortimaado? Khaladaadka uu Madaxweynuhu ku dhabidhisanayo waxaa kamid ah in uu si qabyaaladi ku jirto ugu takrifalayo Deeqaha iyo dadaalada ay Dawladaha ajnabigu wadaan sida Turkiga. Xaafada Keydsaney oo Muqdisho ku taalla waxaa laga dhisayaa ilaa afar kun (4000) oo guri. Dhulkaan dadkii lahaa lagalama tashan wax mashruucaan ka warqaba ama wax laga weydiiyayna ma jiraan. Dadaalka wadamada Shisheeye wadaan sababta xaafado khaas ah oo Xamar ku yaalla loogu koobayna Shariif kama jawaabi karo. Waxay aheyd in dalka dhan gobolladiisa la gaarsiiyo qalab dhismeedka iyo dadaalada kale ee ay Dawladaha Ajnabiga ahi magaca Dalka ku bixinayaan. Wax kastoo lagu soo qaaday magaca Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed Shariif wuxuu gacanta u galiyay Tarsan oo isaguna ku koobay degmooyin khaas ah.

    Isku soo wada duuboo, Dawlada hada jirta ma ahan mid wanaagsan ee waa mid isku darsatay Jaahilnimo, Qabyaalad, Musuaasuq iyo Fawdo. Waa mid ay dadka Soomaaliyeed ka dharagsanyihiin waxa ay tahay. Waa mid shaqsi kasta oo Soomaali ahi doonayo in Eebe mar un dhinac u dhaafiyo oo aysan xitaa kasoo noqon hal wasiir.

    Wc wr

Leave a Reply