Meydka Meles Zenawi Oo La Keenay Dalkiisa


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Addis Ababa (RBC) Tobbonaan kun oo qof ayaa ku sugnaa garoonka diyaaradaha Addis Ababa, kuwaasoo sugaayay in ay arkaan meydka ra’iisal wasaarihii hore Ethiopia Meles Zenawi oo meydkiisa laga soo qaaday isbitaal ku yaalo Brussels oo ku dhintay da’da 57-sano jir.

Waxa loo sameeyay xus baroor diiq ah, oo ay ka qeybgaleen ciidamada military-ga, siyaasiyiin,hoggaamiyaal gobalka ka socda iyo diplomaasiyiin.

Ku-xigeenka ra’iisal wasaaraha Hailemariam Desalegn, oo ah 47-jir ah, oo sidoo kale ah wasiirka arrimaha dibedda tan 2010, ayaa si ku-meel gaar ah , sida uu sheegay afhayeenka dowladda Bereket Simon .

Meles ayaa geeriyooday habeenkii Isniinta ee soo galeysay Talaadada, kaddib markii uu xannuun in muda ah uu hayay.

Xaaskiisa Azeb Mesfin, oo xiran dhar madow ah, ayaa la socotay diyaarada ka timid Brussels.

Dowladda ayaa ku dhawaaqday maalmo baroor diiq, callanka ayaa hoos loo dhigay.waxana meydkiisa la dhigay qasriga madaxtooyadda ilaa laga aasayo, sida laga sheegay TV-ga dowladda.

Lama shaacin xiliga la aasi doono ra’iisal wasaarihii hore Ethiopia, Bereket ayaa sheegay in wax kasta ay siddoodii ay tahay , oo dalka uu xasilan yahay.

Meles, waxa uu ahaa ruux si weyn awood ugu leh gobalka geeska Africa, waxa uu horey u ahaa hoggaamiye mucaarad in ka badan 20-sano ayuu xilikaas hayay.

Meles ayaan lagu arkin fagaarayaasha lagu kulmo muddo ka badan bil kaddib markii uu haleelay xanuun aan la shaacin wuxuu yahay.

Waxa uu hoggaaminaayay jabhaddii EPRDF waxana uu xukunka dalkaasi qabsatay 1991-kii.

Waxa uu dagaal la galay dalka ay dariska yihiin Eritrea, dagaalkaas oo ka dhacay soohdinta labada dal sannadkii 1998 ilaa 2000, waxaana ku dhintay in ka badan 70 kun oo qof.

Waxa uu ciidamo u soo diray Soomaaliya sannadkii 2006-dii markaas oo ay meesha ka saareyn midowgii maxkamadaha islaamiga.

Taarikhdiisa oo kooban

Ra’iisal wasaare Meles ayaa ku dhashay magaalada Adwa 1955, wuxuu wax ka bartay jaamacadda Addis Ababa muddo labo sanno ah ka hor inuu aanu ku biirin jabhadda TPLF.

Markii uu xukunka qabtay 1991-dii, wuxuu soo noqday madaxweynaha Ethiopia muddo afar sanno ah ka hor intii aanu qaban jagada ra’iisul wasaaraha dalkaas sannadkii 1995.

Beesha caalamka ayaa ka tacsiyeeyay geeridiisa, Madaxweynaha golaha midowga Yurub Jose Manuel Barroso ayaa ku biiray tacsada ka immaaneysa hoggaamiyaasha adduunka.

Ra’iisal wasaaraha dalka Britian David Cameron ayaa yiri Meles waxa uu tusaale u ahaa gobalka, waxana uu qeyb ka qaatay in uu ka bixiyo abaarta malaayin qof.Dhowr hoggaamiyaal African ah ayaa sidoo kale ku biiray tacsiada.

Intii uu awooda hayay Meles Ethiopia waxa ay u muuqaatay dhaqaalaha in ay aad ugu kabceysay sannadihii ugu dambeeyay, waxana ay ugu mahadcelinayaan maalgaliyaasha India, Turkey iyo China.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Leave a Reply