Midowga Africa Oo Muqdisho Keenay Ciidamo Si Gaar Ah U Suga Ammaanka Doorashooyinka
Muqdisho [Radio RBC] Saraakiisha Midowga Africa ayaa shaaciyay in ay Muqdisho keeneen ciidamo si gaar ah, u suga ammaanka gaar ahaan marka ay dhaceyso doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha oo maalmo yari ay ka dhiman yihiin.
Ergayga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Boubacar Diarra oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in ay ka go’an tahay siddii ay u caawin lahaayeen dadka Soomaaliyeed si ay u helaan nabad.
Wuxu kaloo ku sheegay danjire Diarra warka qoraalka in Muqdisho maalmahan ay immaanayeen ciidamo si gaar ah u tabbobaran, kuwaasoo loogu tala galay in ay ka qeybgalaan ammaanka doorashada dalka ka dhaceysa,
Ciidamadan oo Boolis ah ayaa ka immaanaya dalalka Uganda, Srilione iyo Djabuti, sida uu sheegay afhayeenka ciidanka AMISOM Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud.
Midowga Africa in ay ka go’an tahay siddii loo heli lahaa jawi ku saleysan wada hadal qaran iyo dib u heshiisiin, oo dhabana u xaarta Soomaaliya oo nabad noqota sida lagu sheegay war-mutiyeedka.
Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqeyn madaxda DKMG ah in ay midoobaan oo danta Soomaaliya ay ahmiyadda ugu horeeysa ka dhigaan.
RBC Radio
——————————
Xafiiska Wararka Muqdisho










