Mo Faarax Oo Ku Guuleestay 5.000 Ee Mitir


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

London [RBC Radio] Ciyaaryahanka caanka ah ee dalka Britain, Mo Faarax, ayaa markale xaley ku guuleestay tartanka 5,oo ee mitir ciyaaraha olombikada adduunka ee ka socda magaalada London ee dalka Ingriiska.

Waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee dalka ingiriiska oo labo jeer bilad dahab ku guuleestay, tartanka oradka ee ragga, kaddib markii toddobaad hore uu ku guuleestay ciyaaraha 10,000, ee mitir.

Maxamed Faarax oo 29-jir ah, ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya, waxa markii uu ku guuleestay, la hadlay saxaafadda, waxana uu sheegay in uu aad ugu mahad celinaayo dadka taageersan gaar ahaan Soomaaliya meel waliba oo ay joogaan.

” Sharaftan waxa aan la qeybsanayaa Soomaaliya oo dhan, wax kasta haddii la isku dayo waa la sameen karaa, markale ayaan lee yahay biladan dahabka waxa is kaleh Soomaaliya, sida aan horey ugu hibeeyay biladii hore” ayuu yiri Mo Faarax.

Guushiisa, waxa si weyn looga soo dhaweeyay dalka uu u ordo ee UK, gaar ahaan Soomaaliya, waxana magaalooyinka waaweyn ee geeska Africa, looga dabaal dagay, guusha uu soo hoyay Mo Faarax.

Magaalooyinka Gabiley,Togdheer,Laasacaanood, Hargeysa, Garoowe, Muqdisho yo Nairobi, ayaa dadka Soomaalida ay si weyn u soo dhaweeyeen, guusha Mo Faarax uu xaley ka soo hoyay 5,000 ee mitir.

Mo Faarax ayaa muujiyay in dadka Soomaalida ay guulo ka soo hoyi karaan ciyaaraha olombikada adduunka,

Soomaaliya waxa sannadkan uga qeybgalay ciyaaraha olombikada adduunka 2012-ka ee London wiil iyo garbar, kuwaasoo ku haray qeybaha koobaad ee tartanka, in kastoo ay dadaaleen.

Si kastaba, ciyaaraha olombikada adduunka ayaa la soo gabagabeyn doono toddobaadkan, waxana loo qaban doonaa xaflad weyn oo ay ka soo qeybgali doonaan marti sharaf badan

RBC Radio
—————————–
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

1 Response for “Mo Faarax Oo Ku Guuleestay 5.000 Ee Mitir”

  1. [...] Taken from: Mo Faarax Oo Ku Guuleestay 5.000 Ee Mitir [...]

Leave a Reply