Mo Faarax Oo Loo Dhalay Labo Gabdhood Oo Mataano Ah
London [ Radio RBC] Oradyahanka caanka ah ee reer Britain Maxamed Faarax asal ahaanna ka soo jeeda Soomaaliya ayaa aabbe noqday kaddib markii xaaskiisa Tania ay u dashay labo gabdhood oo mataano ah.
Mo Faarax ayaa ku guuleestay labo billadood oo dahab ciyaarihii Olombikada Adduunka ee dhawaan lagu qabtay magaalada London ee dalka UK, kaddib markii uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ku guuleesta tartanka oradka ee 10,000 ee mitir iyo mid kale kale ee 5,000 ee mitir.
Mo Faarax oo u warramayay TV-ga Ciyaaraha Sky News ayaa sheegay in xaaskiisa, ay dhashay laba gabdhood oo qurux badan, isagoo intaa sii raaciyay “Reer Sky News waxaan idiin hayaa war wanaagsan oo aan idin la qeybsado.
Wuxuu sheegay markii uu ku guuleestay labada bilood ee dahanka in uu u hibeynayo labadiisa gabdhood ee dhalan doona.
Mo Faarax ayaa waxa uu adeer u ahaa gabar yar oo la yiraahdo Rihanna, oo xaaskiisa hore nin kale oo ay kala tageyn u dhashay.
Talafishanka Sky oo weydiiyay in inuu xaaskiisa isbitaalka ku booqan doono iyo in kale maadama ay u dhashay labo gabdhood
Waxa uu yir , Mo Faarax oo hadda jooga magaalada Birmingham oo uu kaga qeybgalayo cayaaraha Aviva Grand Prix,”Maya, Maya, Maya, sababta waxa ay weeye berri ayaan ciyaar leeyahay sow ma ahan.”
Maxamed Faarax oo 29, jir ah waxa uu jabiyay rikoorkii u yaalay cayaaraha Britain, oo ah dalka uu hadda u ciraayo. Markii labo jeer uu hal tartan heer fiican ka gaaray
Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxa uu yimid dalka Britain isaga oo siddeed jira ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi










