Mombassa: Weerar Khasaare Geystay oo Lagu Qaaday Booliska Kenya Iyo Xiisad ka Dhalatay Dilkii Sheekh Rogo oo Weli Taagan (Warbixin)
Mombassa (RBC) Ugu yaraan sarkaal ka tirsan booliska Kenya ayaa ku geeriyooday saddex kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah kadib markii maanta weerar bambaano loo adeegsaday lagu qaaday baabuur ay saarnaayeen askar ka mid ah booliska Kenya oo ku sugnaa magaalada Mombassa.
Wararka ayaa sheegaya in weerarkan lala beegsaday ciidamada booliska xilli ay marayeen meel u dhow kaniisada “Pentecostal Church” oo ku taalla magaalada Mombassa, iyadoo aan la qabanin dadkii ka dambeeyay weerarka.
Magaalada Mombassa waxaa ku sugan madaxweynaha Kenya Moi Kibaki oo ka qeybgalaya bandhig dhanka beeraha oo magaaladaasi lagu sameynayo toddobaadkan.
Amaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana meel kasta la dhigayciidamo boolis ah inkastoo weerarkan uu maanta dhacay. Waxaana weerarka maanta uu sabasocda ranshado gadood ah oo looga soo horjeedo dilka wadaad caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Sheekh Aboud Rogo Mohammed oo maalintii Taladaadii rag hubeysan ku fileen gurigiisa.
Waa Aboud Rogo Mohammed?
Sheekh Aboud Rogo Mohammed waxaa uu ahaa nin ka tirsanaa xarunta Muslim Youth Center oo Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ku eedeeyeen inay la safan tahay ururka Al-Shabaab ee wadanka Soomaaliya. Sheekh Aboud Rogo Mohammed laftiisa ayaa horey loogu daray liis ay sameysay dawlada Mareykanka kaasoo ku eedeeyay wadaadka inuu taageero dhaqaale siiyey ururka Al-Shabaab isla markaana dhalinyaro u soo qoray.
Maalintii Talaadada ee 28-ka Agoosto ayaa Sheekha lagu dilay bannaanka gurigiisa iyadoo ay arkayeen xubno qoyskiisa ka mid ah waxaana baxsaday dadkii dilkaasi geystay. Dilka wadaadka waxaa ka horeeyay dhowr jeer oo weeraro lagu qaaday kaniisado ku yaalla magaalada Mombassa.
Rabshado waaweyn ayaa ka dhashay dilka wadaadkan oo lagu eedeeyay dawlada Kenya iyadoo dadku ay sheegeen inay dawlada si hoose u khaarajisay wadaadkan Muslimka, hase yeesheeafhayeen u hadlay dawlada Kenya Charles Owino ayaa beeniyey arintaasi wuxuuna afhayeenka dilka Sheekh Aboud Rogo Mohammed dusha u saaray ururka Al-Shabaab oo sida uu sheegay raba inay iskaga horkeenaan dadweynaha iyo dawlada.
Ururka Al-Shabaab oo dhankooda war saxaafadeed ka soo saaray dilka Aboud Rogo Mohammed waxay sheegeen inay dishay Kenya ayna u aargudi doonto.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi











