Muqdisho: Awoodii Xukuumadda KMG ah oo Gebi Ahaan Ay La Wareegeen Agaasimayaasha Wasaaradaha


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Iyadoo waqtiga xukuumadda KMG ah ee hadda ka talisa Muqdisho uu dhamaanayo loona diyaargaroobayo doorasho  madaxda kumeelgaarka ay ku jiraan tartankeeda ayaa waxaa xalay shir deg deg ah isugu yimid dhamaan agaasimayaasha guud ee 18-ka wasaaradood ee ay ka kooban tahay xukuumadda KMG ah.

Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si rasmi ah looga dhawaaqay in awoodii xukuumadda ee fulinta ay la wareegeen agaasimayaasha guud kadib markii sida la xaqiijiyey wasiiradii dawlada iyo madaxdii sare ay dhamaantood isu bedeleen musharixiin u ordeysa madaxtinimo iyo qaar u ordaya baarlamaanka.

Agaasimayaasha guud ee 18-ka wasaaradood ayaa isku raacay in mudada 14-ka maalmood ee ka harsan xukuumadda hadda jirta ay iyaga saaran tahay masuuliyadda xukuumadda ee dhanka fulinta, waxaana agaasime kasta lagu wargeliyey inuu qaato waajibkii wasiirka wasaarada uu joogo.

Waxaa kulanka si gaar ah looga hadlay arimaha amaanka, dhaqaalaha iyo nidaamka oo si weyn loogu celceliyey in ladhowro maadaamna ay doorasho dhacayso ayna dhici karaan falal amaandari ama in hantida dawlada la xado taasina loo baahan yahay in laga hortago.

Gabagabadii kulanka ayaa si wadajir ah waxay 18-ka agaasime guud ee wasaaradaha dawlada ay sheegeenin wixii hawl ah ee wasaaradaha ka socday iyaga looga dambeeyo iyagoo shaqaalaha wasaaradaha joogana u ballanqaaday in shaqada ay sii socon doonto ayna heli doonaan xuquuqdooda shaqo.  Waxay sidoo kale agaasimayaasha soo jeediyeen in la kordhiyo wada shaqeynta wasaaradaha.

Kulankan ayaa ku soo beegmay xilli ay mushahar la’aan yihiin dhamaan shaqaalaha dawlada mudo saddex bilood ah, isla markaana shaqaalaha qaarkood ay shaqooyinka isaga tageen maadaama ay og yihiin inaysan heli doonin wax lacag ah mar addii madaxdii ay olole ku jiraan.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

5 Responses for “Muqdisho: Awoodii Xukuumadda KMG ah oo Gebi Ahaan Ay La Wareegeen Agaasimayaasha Wasaaradaha”

  1. cawaale says:

    saaqid nimo hor le ahaa shaqaalihii mushaar looma hao waxaad aragtaan oolacag ahna dad iyaga doortay ku iibsanayaan,taasiw axay moojinaysaa in aanay waxba kajirin waxa dawlada lagu sheegayo,

  2. Axmed yare says:

    Xoosh jibril Kuma jiro kuwa xilka laga wareejiyay, asaga xilkii raisul wasaraha Iyo madaxawaynaha Iyo gudomiyaha barlamanka ayuu isku hayaa waa nin culus.kkkkkkkkkk

  3. kkkk WAZIIRADA wixii ay BOOBAYEEN 4SANO, idinku waa inaad 14 CISHO ku BOOBSIISAAN, waa meel lakala hororsanaayo

  4. Puntlander says:

    Raxanreeb web dhaama ma hayno wararka macquulka ah, waxaan idin ka codsaneynaa bal oo aan aad u xiiseynaynaa inaad warbixin nooga soo diyaarisaan bal waxa ka dhexeeya Faroole iyo Jurile , waayo maalmahan oo dhan waxay isla fadhiyaan garoowe hada shirkii kenya waa isla joogeen. marka jurile ma masuul puntland ah baa mise dowlada federaalka ah.

    bal arinkaas il gaar ah ku haya

  5. runsheeg says:

    DHAGAXTUUR OO BOOB KU HAYA HANTIDA DOWLADA

Leave a Reply