Muqdisho: Hub ka Dhigistii ugu Horeysay oo AMISOM Ka Bilawday Muqdisho Iyo Maleeshiyaad La Toogtay
Muqdisho (RBC) Ciidamada AMISOM ee hawlgalka u jooga Muqdisho ayaa hawlgalkii ugu horeeyay ee hub ka dhigis ah ka bilaabay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye halkaasoo beryahan cabasho amaandarri dadweynaha ka soo yeeraysay.
In ka badan 20 maleeshiyaadka dawlada taabacsan ee sita tuutaha oo isugu jiray kuwo isbaaro u dhiganayay baabuurta shacabka iyo kuwo hareeraha laamiga taagnaa ayay ciidamada AMISOM markii ugu horeysay hawlgal hub kadhigis ah ku bilaabeen maanta, iyagoo guud ahaan ka soo ururiyey hubkii ay heysteen.
Hawlgalkaasi oo dhacay galabnimadii ayaa waxay ciidamada AMISOM ku toogteen labo ka mid ah maleeshiyaadka tuutaha gashan agagaarka deegaanka Xaawo Cabdi kadib markii ay diideen inay hubka dhigaan waxayna taasi sababtay in AMISOM ay markiiba toogtaan labadaasi nin.
Taliska AMISOM ee magaalada Muqdisho ayaa Raxanreeb u xaqiijiyey in hawlgalkaasi ay sameeyeen kadib markii amar ay ka heleen taliska ciidamada Soomaaliya iyo madaxtooyada, wixii hub ah ee ay soo ururiyeena ay ku wareejiyeen abaanduulaha ciidamada dawlada Soomaaliya.
Ciidamada AMISOM waxay kaloo kala ceyriyeen maleeshiyaad isbaaro u tiilay Ekis Kontorool Afgooye iyo deegaanka Xaawo Cabdi halkaasoo lacag BAAD ah ay kaga qaadan jireen gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.
Shacabka iyo gaadiidleyda isticmaasha wadada isku xirta Muqdisho ayaa soo dhoweeyay hawlgalkan oo noqday kii ugu horeeyay ee noociisa ee ka dhan ah kooxaha hubeysan ee tuutaha sita ee dhibaatada ku haya shacabka Muqdisho.
Waxaa la arkayey baabuurta dadweynaha oo si xoriyad ku jirto wadada u maraya iyagoo daba socda baabuurta qafilan ee AMISOM.
Cabashooyinka amaandariida ee dhaca, dilka iyo kufsiga haweenka ayaa ku sii kordhaya wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo DKMG ah saddex bilood ka hor ay la wareegtay. Waxaana wadadasi ay noqotay meel bahalo galeen ah iyadoo toddobaadkii la soo dhaafay oo kaliya ugu yaraan saddex ruux oo uu ku jir injineer caan ah lagu dilay wadadaasi mooryaantu degtay.
Ma jiro wax war ah oo taliska ciidamada iyo saraakiisha dawlada ka soo baxay oo ku saabsan hub ka dhigista ay AMISOM ka bilaabeen magaalada Muqdisho.
RBC Radio











hawshani waa hawsha ugu muhiimsan ee somaliya laga qaban karo – Disarm the population
Waa sax sidaan horey u sheegay markii xamar booliska magac u yaal laga dhigay oo saldhigyadii lagala wareegay marka weli faanoole fari kama qodna hub kadhis Buracadaas lagu sameeye ee hal Nin soomaali ah oo qori sita iLaa laga waayo
waa shabaqii loo dhigay ciidanka doolada oona la rabay marmarsiyo sidii hub kadhigis loogu sameen lahaa Tuugadaas in shacabka soomaaliyeed la tuso ciidanka dowlada in ay yihiin cadawgeeda oo kufsi dhac dhil ku haya shacabkeeda Shacabka isku dhiibo uu aamino Amison sooma ahan? BAL IISoO JAwAABA QOFKASTA RA’ YIGIISA
mar hora la rabey daddkan boobka iyo dhiiga
islamka baneystey ku toogto meshoda
kii isbaaro dhigtaba ha la dilo si umadaan
22 sano dhibka lagu haayay u helaan xoriyad
Hadaan helney dowlad sax ah dhamaan waa hub ka dhigismaahee la keeno qalabka hubka sheega hadii xataa la isku dayo in la aaso si loo badbaadiyo qaranimada iyo maatida oo wadanku u yeesho dowlad sax ah oo safaaradihii caalamka wadanka uga furan lahaayeen
WALIGAY AMISOM GAFUURWEYNEYAAL UMA BOGIN WAXAY SAMEEYAAN MAANTA KAHOR ALEYLEHE KUSII WADA TUUGADA ALE KAFURATAY OO MUSLINKII MAATADA AHAA XAKAARIYAY
Waa sax mooryaanta madaxa halaga wado toogto, waa kowaa waxa oo wadanko kadigi waayay, waa mooryaan xaraan baratay.
Yaska sxb waxaa ku leeyahay soomaali ayadaa cadow isku ah kuwaan tuugt ah oo dadka dhacaayo waxaa kaaga sokeeyo ugandese ku badbaadinaayo teeda kale dadka waxba lama tusinaayo ee waa dhab ayadoo amisom iyo shisheeye dalka joogin ayaa is dhaceenay, isdileenay oo aan laheen hogaamiye kooxeedyo ee walaalow soomaali ayada ha heshiisohana is nabad geliso amisom ayadaa iska baxeeso
Hanbalyo amison cidkasto dida in ay hubka digan dhila wayku mahadsanyihin shaqada ayqabten amison guul ayan idinrajynya
ilaahay waxaan kabaryey inilaah dhaafiyo umadan baabaday iimaan laawe yaasha iyo qarxiye yaasha laaya habeen iyo maalin aqoon yahan oday caaqila iyo inta wadaniyad iyo caqiido somaliyed leh waxaan kaloo ilaahay waydiistey in iyana nimankan tuutaha qaranka kucunaya caruurtooda hooyadood walaalohood iyo dhamaan shacabkooda karaamadiisa baabinaya ee shacabkoodii gaalo madaow kahoosgalay in iyana ilaah dhaafiyo umadan baabaday ee xaqdarada iyo tuugta ilaahay kusaliday gaaladuna mar kan ookale muslin kusheeg beena waa dhaamaan masiibo haleeshay dalkana wuxuun baa noolaan lahaa hadii mar uun laxaaqo mooryaan yuhuudiga?
asc dhamaaan bal fiiri dadka masaakiinda yaa uroooon ma mooryaan mise amuson waxaa uroon amuson kadhika hubka dukada
taas baan beena aheyn
majiridoonto waxkale oo lagu marmarsiyoodo Amisom hdii ay unoqotey xamar USA ma’ahan in ay kudacdac sadaan askar soomaliyeed
haddii la raba dawladnimo ciidamadaa afrikaanka walaalaheena halala shaqeeyo oo mooryaanta meeshay taaganyihiin halagu toogto oo hubka halaga qaado.si nabaddii soomaaliya usoonoqoto…ramadaan kariim
Xamar balaaya ku nool…….Wax kasta waan uga samray ha iisoo celiyaan qura Taaladii Sayidka ee Astaanta qaran eheey….Jubaland , Puntland, Taleex ama Jigjiga baan la’aadi……
Hadaadan isu talin waa laguu talinaa. Way nagu mac dahax macanka hala arko.
Nasiibkaas maleenahay in hubka laga dhigo dhamaan soomaalida Waa wax aan muddo dheer sugaynay oo aan u baahnayn Siday wax u wadaanse ma wanaagsana dalkoo idil waa inayn 2 maalinkaga safeeyaan hadii kale raga ay ka midka yihiin Indha Cadde, Cismmaan Caato, Muuse suudiwaa qarsanayaan waa in isku mar laga qaadaa reer Bari oo dhan ku dar galgaduud