Muqdisho oo Dadkii Ugu Badnaa Ay u Dabaaldegayaan Maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga
Muqdisho (RBC) Iyadoo ay maanta oo Axad ah tahay maalintii koowaad ee munaasabadda Ciidul Fidriga oo ka mid ah maalmaha farxada ee dadka Muslimiinta ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxay maanta qaabileysaa dadkii ugu badnaa ee u dabaaldega munaasabada Ciida.
Waxaa si weyn mashquul u ah waddooyinka oo dumar, carruur iyo dad waaweyn oo si qurux badan u lebisan ay ku lugeynayaan, waxaana mashquul iyo ciriiri uu ka jiraa baabuurta dadweynaha ee BL-ka loo yaqaano oo qiimaha lagu raaco uu xitaa maanta kor u kacay.
Degmooyinka waqooyiga Muqdisho oo sanad ka hor asan caadi ahaan ula ciidin qeybaha kale ee magaalada ayaa iyaguna maabnta laga dareemayaa farxada ciida. Waxaana saaka markii ugu hioreysay la arkayey dadweyne baabuurta u raacaya xaafadaha Suuqa Xoolaha, Ceymiska iyo Gubta.
Ciidan waxay noqoneysaa midii ugu horeysay oo rasmi ah si wadajir ah ay u ciidaan dadka reer Muqdisho ee ku kala nool 16-ka degmo ee caasimada waxayna dabcan taasi ku timid kadib markii sanad ka hor magaalada ay isaga bexeen ciidamadii ururka Al-Shabaab taasoo soo afjartay dagaal fool-ka- fool ahaa oo habeen iyo maalin magaalada ka dhici jiray.
Waxyaabaha sida gaarka ah xusida u mudan ayaa ah in sanadkan Ciida ay timid xilli magaalada ay dad badan oo ka kala yimid daafaha adduunka ay magaalada isugu soo laabteen oo ay ku sugan yihiin caasimada Muqdisho, waxayna arintan sii kordhisay ciriiriuga ka jiray suuqyada iyo goobaha laga cunteeyo ee ku yaalla faras magaalaha caasimada.
Dhanka kale magaalada Muqdisho illaa lixdii bilood ee u dambeeyay waxay ku jirtay dib u dhis aad u ballaaran oo bilicda magaalada iyo dhismooyinka oo ay wax badan iska bedeleen, iyo tartanka doorashada madaxtinimada ee dhowaan lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho oo sababay in musharixiin badan ay yimaadaan magaalada waxayna tani lafteeda kaalin ka qaadatay quruxda ciida ee sanadkan si ka duwan sanadihii horey u soo maray dadka reer Muqdisho.
Magaalooyinka Afgooye, Balcad iyo deegaanada ku teedsan ayaa iyaguna sanadkan la ciidaya dadweynaha Muqdisho kadib markii dhowr bilood ka hor laga saaray ururka Al-Shabaab.
RBC Radio











[...] More here: Muqdisho oo Dadkii Ugu Badnaa Ay u Dabaaldegayaan Maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga [...]
Maashaa,allaah. Allow nimcada aad nasiisay noo siyaadi. Alxamdu lilaah. Nabadda ayaa keentay farxadaas ee hala ilaalsado soomaliyey.