Muqdisho: Saddex Ruux oo Madaxtooyada Ka Tirsanaa oo Loo Xiray Dilkii Khamiistii Loo Geystay Dibadbaxayaal Taageerayay Farmaajo
Muqdisho (RBC) Sida Raxanreeb ay u sheegeen ilo wareed ku dhow taliska booliska DKMG Soomaaliya waxay baaris ku socotaa saddex ruux oo kamid ahaa ilaalada madaxtooyada Villa Soomaaliya oo loo heysto inay toogteen labo ruux oo ka qeybgalayay dibadbax maalintii Khamiistii ahayd ka dhacay fagaaraha Sayidka ee degmada Wardhiigley ee Muqdisho.
Dadka la xiray ayaa isugu jira labo askari iyo nin darawal ka ahaa baabuurkii rasaasta ku furay dadkii u bannaanbaxayey taageerida raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo hadda ah musharax u taagan xilka madaxtinimada dalka. Baabuurka oo noociisu ahaa TOYOTA SURF ayaa la xsqiijiyey inay wateen rag ka soo baxay madaxtooyada isla markaana watay sawirka madaxweyne Shariif oo isaga laftiisa musharax ah.
Sarkaal ka tirsan waaxda barista ee CID-da oo ka gaabsaday magaciisa ayaa Raxanreeb u sheegay in saddexda ruux ay hadda ku hayaan saldhiga barista CID-da ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa baaritaan.
Sida uu sheegay sarkaalkan soo qabashada saddexda eedeysane waxaa gacan ka geystay ciidamada AMISOM iyadoo ay ku marqaati keceen saraakiil ka tirsan booliska DKMG ah oo xilliga dilku dhacayey maalinimadii Khamiista ee 09/08/2012 ku sugnaa fagaaraha taallada Sayidka.
Illaa hadda madaxtooyada Villa Soomaaliya kama hadlin xariga saddexda ruux oo la sheegayo inay ahaayeen dad madaxtooyada ka tirsanaa gaar ahaan qeybaha amaanka. Waxaana arintan ay ku soo beegantay iyadoo maalintii Jimcaha ee 10/08/2012 saraakiisha AMISOM ee ku sugan Muqdisho kulan la yeesheen raysul wasaarihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo oo ay ka wada hadleen barista lagu wado qaabkii uu u dhacay weerarkii lagu qaaday taageerayaasha u soo dibadbaxay taageerada musharxnimada Farmaajo.
Dhanka kale wasaaradda arimaha gudaha DKMG ah ayaa sheegtay toddobaadkan in ay waxbadan ka qabaneyso sidii loo sugi lahaa amaanka musharixiinta iyadoo wasaaradu sheegtay in hubka laga mamnuuci doono caasimada xilliga doorashada.
RBC Radio











mar horee loo baahnaa in ragaas dhagar qabayaashaa la qabto
Ha la aqoonsado dambiilayaasha hadhow baa la dili doonaa marka Cadaalad rasmi ah timaadee. Xitaa hadii Cadaalad nidaamsan la waayo magacyadooda iyo sawirradooda ha la shaaciyo si shacabku oga aargoosto dambiyada ay ka galeen iyo dilka ay muwaadiniinta daacada ah u geysteen.
Kuwaas cidkastoo jaanis ku heshaahi ha qaarajiso silicna ha u dileen. Nacalad ha ku dhacdo Shariif awgiis bay saqiirro u laayeen.
dalabkii hogaamiya shacbida badan FARMAAJO AMISOM waa aqbashay hadiiba ay soo qabatay mujrimiintii gacan kudhiigla yaalka ahaa ee dadka taageerayaasha ah laayay waa news fiican
talaabadaas waxay cadaynaysaa AMISOM in ixtiraamayso rabitaanka shacabka tixgalinaysana shaqsiga ay rabaan in ay xor uyihiin in ay taageeri karaan GUUUUUUUUUUUUUL IYO MIDNIMO
Tani waa guul umada soomaaliyeed usoo hoyatay cadaalada hala marsiiyo si aan loogu dhiiran maatada in la iska laayo guul farmaajo guul tayo party
Farmaajo waa nin raga, cadkeesi waa gostay mar hadoo madaxtooyadi xir xiray…farmaajo for president.
Horay ayaan u alla beryay kuwaan inuu Ilaah na dhaafiyo dadna waa dhamaadeen waxayy shaqana ka dhigteen inay shhax nnag cayaaraan Booliska Aminsooma markay howl gasho ayaa qorshee dhagar qabayaashaa la qabandoonaa
Magaalo aan si qorsheysan dadkeena loogu dileyyn ma jirto .Dhiigeenu wuuxuu daadsanyahay eelwalba Niinkaan ayaa kka shhaqayndoono in dhiiigaas daadanayo la joojiy. Hadii ay doorashada ku soo baxaan laba shariifm C/Weli, iyo kuwa kele god baa la isku shubbayaa magaca soomaalidanaa ma jiridoono
TO SOOL MAN
HADALKA HA QALOOCIN FARMAAJANA UMADA HA KA HORKEENIN FARMAAJO TABAR UU KU XIRO MADAXTOOYO MA LAHA… LAAKIIN WAXAA SOO XIRTAY CID SOOMAALIYA EE OGOOW…
ADIGANA SOOL OO AH SOMALILAND BAA TAHAY MAXAA NAGA RABTAA SOOMAALIYA WAABA KA GO’DAYE… OO SOOL WAA DOWLAD AAN DERIS NAHAY…..
ILAAHAY HAKASOOQABQATO UMADA MUSLINKA AH GACAN KUDHIIGLE IIMAANLA OO KUMAMAY DHIIGA UMADA SOOMAALIYEED EE MUSLINKA AH ILAAHOOW KASHIF OO FASHIL IIMAAANLAAWEYAASHA MACANGEGAA WAXAANA ILAAHAY MAHADIIYA INLAHELO SHAQSIYAADKA BAHALOOBAY EE XASUUQA IYO DHIIGA BARTAY XALAY OO KELIYA IMISAA LAGUDILAY BAASTOOLADO WAXAY YIRAAHDEEN ANAKAA ILAALINAYNA MISHARAXIINTA EE YAANAY ISWAARDIYEEN WAA SHUFTO BEENAALEYAALA KUWADAWLADA ISKUSHEEGAYA LAFTOODU WAXAY FARMAAJO KUHAYSTAAN SEE INTAAS OO SOOMAALIYA KUUUGU SOOBAXDAA DABDEED WAA INLAXASUUQAA DADKII MUWAADIINTA AHAA EE TAAGEERAYEY MUSHARAXAA SOOMAALIYEED IIMAANKA ILAAH HA IDINKU SOOCELIYO AAMIIN
MAXAA FARMAAJO TAAGEERAYAASHIISA LOO LAAYEY MA HA HADLINABAA MISE WAA ADNA SOOQOYSO WAA FAASHIL MUGRINIMO OO LAGA GELAYO UMADASOOMAALIYEED IYO MUSHARAXA SOOMAALIYEED EE DAACADA AH OO LAMARABO NIN DAACADA WAANA MUUQATAA ILAAHAYBAASE LOOTUUGAY IN ILAAH FASHILO MURIMIINTA LAAYEY SHACAB MUSLINA OO DHIBAATO DAASHATAY ALAAHU AKBAR ALAAHU AKBAR ILAAHY MAHADII
maansha allah hala toogto kiwii denbigaas araxan darada ah galay sheekh shariif waxaad u sheegtaa ciidamada ku ilaaliya iyo kuwa ku taageera inaad shalay aysan rajadaada ahayn madaxweyne noqo oo aadan weligaa kuriyoon balse aad qadar eebe ku gaartey hadana hadaad weydo shalayba maan heysan geli maankaaga dadka in loo laayana iska ilaali xusuuso halkaad shaley taaley iyo maanta meesha aad fadhido ku samir hadaad weydo oo kitaabkaadii aad horey u heysatey dib boorka uga jaf.
To Qaran-Jecel ama Cali-jebiyi ,saxb imisa magac baad wadataa? Soolna waxay taheyba was soomaali.. reer farole baad tahay sababto ah naceeb xon baad u qabta sool, uu hadaladi faroole bad ku hadlaysa… Guul Farmaajo.