Muqdisho: Wafdi Mareykan ah oo Saaka Imaanaya Iyo Askarta Amisom oo Iyagoo Lugeynaya Lagu Arkay Degmooyinka Qaarkood


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Wafdi ka socda dawlada Mareykanka ayaa lagu wadaa in saaka ay ka soo degaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyadoo maanta ay tahay maalin munaasabadda Ciida lagu guda jiro.

Ilo wareedyo u waramay Raxanreeb ayaa xaqiijiyey in wafdiga Mareykanka ay ka kooban yihiin saraakiil ka tirsan waaxda arimaha dibadda ee Mareykanka iyo safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi.

Lama oga ujeedada socdaalka waxa ay ku saleysan tahay laakiin saraakiil Soomaali ah ayaa noo sheegay in wafdiga ay garoonka diyaaradaha kula ballansan yihiin madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Raysul Wasaare C/weli Gaas iyo Shariif Sheekh Aadan oo ah musharixiinta dhanka dawlada ee u tartamaya madaxtinimada dalka.

Illaa hadd lama hayo faahfaahin buuxda oo la xiriirta sababta saddexda masuul loogu yeeray iyo sababta kulanka loogu qaban waayey madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ah xarunta dawlada, laakiin waxaa la filayaa in saraakiisha Mareykanka ay saxaafadda u warbixiyaan marka uu dhamaado kulankooda ay la yeelanayaan saddexda masuul ee ugu sareysa DKMG Soomaaliya.

Dhanka kale, saaka waaberigii ayaa ciidamo lugeynaya oo ka mid ah militariga Amisom waxaa lagu arkay degmooyinka Wadajir, Dharkeenley iyo Xamarjajab oo ka tirsan degmooyinka Muqdisho ee ku dhow garoonka. Ciidamadan ayaa loo maleynayaa in sababo dhankaamaanka dartiis loo geeyey degmooyinka oo aysan horey u tagi jirin iyagoo sidan oo kale u lugeynaya.

Wixii faahfaahin ah ee ku soo kordha kala soco Raxanreeb.com

Share

2 Responses for “Muqdisho: Wafdi Mareykan ah oo Saaka Imaanaya Iyo Askarta Amisom oo Iyagoo Lugeynaya Lagu Arkay Degmooyinka Qaarkood”

  1. Laaluush says:

    Sax Weeye — Hadey arkaan ajnabi iyo shisheeye edeb bey yeelanayaan, laakiin hadii kaligood la isu daayo waa isku xaarayaan…. Sidii ciyaalkii halooga war qabo

  2. B Jameeco says:

    walaakaay laaluuush ma dhihikaree waa runtii tusaale u soo qaad 3 qof o soomaali ah martiqaad waxaadn wweydiisaa maaxaad cunaysaan basto mise bariis lagama yaabo inay hal cuno ku heeshiiyaan laakiin ajnbi markay arkaan wax walba waa ogolanayaan hadii la yiraahdo xitaa dabba ii dhaq. WWaa shaqsiyd xumayaal, hadaynna ugu sii darntahay dadkii is diriirijiray baa baarlamaanka lagu daraay ARAGAANEE

Leave a Reply