Museveni iyo Mahiga Oo Ka Hadlay Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Madaxweyne Museveni iyo Mahiga oo kulan ku yeeshay Kampala

Madaxweyne Museveni iyo Mahiga oo kulan ku yeeshay Kampala

Kampala [Radio RBC] Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musefani ayaa xaruntga madaxtooyada dalkaas ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee xoghayah guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Agustine Mahiga.

War-murtiyeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada Uganda ayaa lagu sheegay lanada nin in ay diirada ku saareyn kulankoodii shaley, arrimo badan oo ay ka mid tahay doorashada madaxtinimada ee dabayaaqada bishan ka dhacaysa dalka Soomaaliya.

Danjire Mahiga ayaa u sheegay madaxweynaha dalka Uganda halka ay wax marayaan, gaar ahaan soo xulidda baarlamaanka cusub oo meel gabogabo maraya, iyo doorashada madaxweynaha oo dhaceysa wixii ka dambeeya 20-ka August ee sannadkan.

Wuxuu sheegay wakiilka QM u qaabisan Soomaaliya, in ay ku qanacsan yihiin waxa hadda socda ayna rajeenayaa in lagu dhameeyo wax kasta waqtiga harsan.

Madaxweyne Museveni ayaa u sheegay Mahiga in dowlada Uganda ay taageero la gara- taagan tahay Soomaaliya xili kasto, gaar ahaan siddii looga bixi lahaa ku-meel gaar.

Waxa uu intaas ku daray in dowladiisa ay ku niyadsan tahay horumarrada siyaasadeed iyo mida ammaanka ee Soomaaliya ka socda ay yihiin wax u wanaagsan gobolka oo dhan.

Madaxweyne Museveni ayaa intaas ku daray in dhibaato laga soo maray dadaallada socda, iyadoo ay jiraan howlo badan oo u baahan in la dhammeystiro.

Mahiga ayaa u sheegay madaxweynaha Uganda sida ay ugan xun yihiin shilkii diyaardeed ee dhawaan ka dhacay baadiyaha Kenya, markaas la waayay diyaardo la lee yahay dalka Uganda oo ku soo jeeday Soomaaliya.

Uganda waa dalka ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika AMISOM.

Waxaana ay taageero sii yaan dowladda ku meel-gaarka ah ee Soomaaliya oo dagaal kula jirta al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

1 Response for “Museveni iyo Mahiga Oo Ka Hadlay Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya”

  1. xoghaye says:

    yuweri musafani xidiga africa alshabaab sharka afrika saas miya ?

Leave a Reply