Musharax Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Shacabka Soomaaliyeed Ciida ugu Hanbalyeeyey
Raisulwasaarihii hore ee Somalia ahna musharax madaxweyne 2012da, Md. Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa tahniyad ballaran oo ku aadan hambalyadda Ciidul Fidriga u diray dhamaan shacuubta soomaaliyeed meel kasta aay joogaan, dalka gudihiisa iyo dibaddiisa. Ilaahna uga baryey in umadda soomaaliyeed ka aqbalo soonkoodi iyo in Ilaah amaankii iyo kala dambeyntii ku soo cesho dhulkeena Soomaliya.
Maxamed Cabdullahi Farmaajo asagoo la hadlaya shacabka Soomaaliyeed wuxuu yiri: “Waxaan shacabka Soomaliyeed leeyahay Ciid wanaagsan, ku ciida ciiddan farxad, nabad iyo barwaaqo. Waxaan Ilaah ka baryayaa in ciiddan ciidda xigta ku gaarno barwaaqo horumar amni fiican iyo kala dambeyntii oo soo noqota.”
Mar uu ka hadlayey waxa aay xakuumaddiisu qaban doonto haddii ay ku guuleystaan hogaanka sare ee dalka ayuu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo yidhi: “Dowladdii Tayo ahayd ee aan annigu Raisulwasaaraha ka ahaa muddaadii aay joogtay waxa ay qabatay waa la oggaa. Waxa anu suubinay horumar la taaban karo haddii aay noqon lahady xagga amniga, xagga xannaaneynta iyo ka warqabka ciidamada, xagga dowlad wanaaga iyo maamulka & xagga dib-usheeshiisiinta. Soomaali wa ay ogeyd sidii hagarta laheyn ee dowladaydi arrimahaas aan kor ku soo xusay uga soo shaqeeysay, natiijo la taaban karana ka gaarnay. Markaa waxaan oran karnaa anniga waa la i tijaabshay waana la arkay waxqabadkaygi marka waxaan doonayaa inaan howshii wanaagsanayd ee aanu anniga iyo team-kaygi bilownay aanu meeshii ka sii wadno oo aanu gaarsiino heer sare oo miro dhal ah, amniga la sugo, nabad-diidka, burcad-badeedka iyo argagixisadda si wada jira ah loola dagaalamo lana ciribtiro, dhaqaalaha kor loo soo qaado, shaqo abuuris la suubiyo, waxbarashadii free-ga ahayd la soo cesho, barakacayaasha dhulkoodi lagu cesho ayadoo la daryeelayo waxna loo qabanayo, dowlad wanaag iyo xisaabtan dhab ah la suubiyo, ka didna u guda galno dib-udhisid dalka oo dhan, kheyraadka dhulka iyo badda oo la bilaabo in laga faa’ideysto oo aan runtii dhihi karo wa aay ku filan tahay dalka oo dhan haddii si fiican looga faa’ideysto”
Gabagabadii wuxuu musharax Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku soo gabagabeeyey asagoo dhambaal u diray lana hadlay xilibaanadda cusub ayaa waxa uu yidhi: “Dalka waxaa hadda ka jirra laba fikir; fikir oranaya in dalka lagu haayo xaaladda ama marxallada uu iminka marayo ee jaahwareerka leh iyo fikir kale oo taageersan horumar & cadaaladda oo aay wadaan maskax, cilmi iyo waayo-aragnimo la aruursay. Iyadoo sidaa ay tahay ayaan doonayaa marka hore in aan u hambalyeeyo xilibaanada cusub oo aan dhaho marka hore hambalyo doorashada laguu soo doortay in aad matasho shacabka soomaaliyeed oo aad sharci-dejiye u noqotay iminka wixii ka dambeeya. Marka xigga waxaan xillibaanada kula dardaarmayaa in aay danta dalka ama danta guud ka hormariyaan tan gaar ahaaneed, in aay marka aay codeynayaan aay uu codeeyaan ayagoo maankooda & garaadkooda kaashanaya, miisaankana saaraya wacyiga ka jira dalka iyo cidda aay is dhihi karaan wa ay ka saari karaan dalka marxaladda uu maanta marayo ay deedna u codeeyaan kadib ka fiirsasho waayo taladda gacanteena ayeey ku jirtaa markaa yeesan taladda na seegin. Anniga haddii codkiina isiisan waxaan ballan qaadayaa in isbedalaad la taaban karo aad arki doontaan markii aay dhamaato 90 maalmood ee u horeysa, mudo yarna dalka aan ku gaarsiin doona horumar iyo amni la taaban karo, haddii Illaah yiraahdo”
W/Q Saciid Cawil Isxaaq











[...] See original article: Musharax Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Shacabka Soomaaliyeed Ciida ugu Hanbalyeeye [...]
Ciid WanaaaaaaaaaaaaaaaaaGsan Jaalle Madaxweyne! Adigana waxaan Ilaahay kaaga baryaynaa Guul!
Alla Maanta Ayaaantaaaa iyo Iida iyo Madaxda wanaaaaagsan, Ilaahiii ina siiiyay isagaaaa ku abaaal leh….****+++++++++++*************+*++++++++++++*******+¥¥¥¥+++********************¥¥**++++++++++**+++=+++++*++++++**********+++*=+++=++++++****+++++++++++++++
Guuuuuuuuuuuul Guuuuuuuuuuuul Guuuuuuuuuuuuuuuuul Guuuuuuuuuuuuuuuul
[...] More: Musharax Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Shacabka Soomaaliyeed Ciida ugu Hanbalyeeyey [...]
Guulayso insha Allah tayo aabaheed
mudane madaxweyne, jaalle madaxweyne Farmajo waxaan ahay qaxooti dalkiisii hooyo u xiisa qaba uguna danbaysay 1991. waxaan dareemay wadaninimo soomaaliyeed markii ra’iisal wasaare aad noqotay oo aad soo magacawday team dhalinyaro ah oo kooban oo Tayo leh. waxaan ognahay sharaftii soomaaliyeed inaad soo noolayseen adiga iyo teamkagii, inaad argagixisadii aad ka xorayseen dhamaan caasimada muqdisho inaad TVGii qaranka aad dib u abaabusheen inaad THEATREkii qaranka aad dib u furteen, inaad dib u heshiisiin aad soomaaliweyn aad sameyseen inaad mushaarkii aad u bilowdeen shaqaalaha masaakiinta ah oo aan la siin mushaar mudo labaatan sano ka badan. inaad ciidamadii xooga dalka aad soo celiseen oo aad mushaar siiseen, inaad amaan dhab ah oo laysku halayn karo aad dajiseen. lkn maxaa xigay in aad isku dhacdeen gudoomiyihii parliamaanka oo uu yiri xukuumada halaygugu daro wasiiro hadii kale wax baan qaribaayaa
salan