Musharax Maxamed C/laahi Farmaajo oo Faahfaahin Ka Bixiyey Kulankii uu La Yeeshay Saraakiisha AMISOM (Faahfaahin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Musharax madaxtinimada Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa goordhow faahfaahin ka bixiyey kulan amniga ku saabsan oo galabta dhexmaray isaga iyo saraakiisha Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska musharax Farmaajo ayaa lagu sheegay in galabta kulan gaar ah ku yeeshay Taliska ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM Musharaxa madaxtinimada dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Taliyaha guud ee Ciidamada Uganda ee AMISOM Gen. Paul Lokech.

Kulankan oo uu codsaday taliyaha ciidamada AMISOM ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo la xiriira wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii looga wada shaqeyn laha jawi nabadeed oo lagu soo dabaalo inta laga gudbayo marxaladda kala guurka iyo doorashooyinka oo ay magaalada ku sugan yihiin musharaxiin fara badan kuwaasoo halgan ugu jira sidii ay uga qeyb gali lahayeen doorashada loo balansan yahay August 20 inay magaalada ka dhacdo.

La-taliyaha Musharaxa madaxtinimada Mudane C/llaahi Yuusuf Maxamed oo isagu ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay kulanka ayaa xaqiijiyay in labada dhinac AMISOM iyo Musharaxa ay si degan oo ay ku jirto xushmad iyo qadarin ay ugu balan qaadeen wada shaqeyn dhanka ammaanka ah.

“Waxay noo sheegeen inay AMISOM ay dhex dhexaad ka tahay xaaladdaha siyaasada dalka iyo ololaha doorashooyinka” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo xusay in AMISOM ay u balan qaadeen cidii ku guuelysto doorashooyinkan ay la shaqeyn doonaan amaankana sugi doonaan.

Sidoo kale, AMISOM ayaa ka tacsiyeysay dhacdadii shalay ka dhacday fagaaraha Sayidka oo ay kooxo qaswadayaal ah rasaas ku fureen dadweyne muujinayay taageeradooda musharaxa Farmaajo ay u hayaan, wuxuuna u xaqiijiyay in dadkaasi la gartay lana xiray, isla markaana la marsiin doono cadaalada.

Dhinaca kale, Taliyaha ciidamada AMISOM Gen. Lokech ayaa u balan qaaday Mr. Farmaajo in wixii culeysyo amni ah oo soo wajaha ay diyaar u yihiin inay kala qeyb qaataan, oo ay ka hortegi doonaan wax kasta oo khal khal amni dhalin kara. Waxay kaloo labada dhinac isku afgarteen haddi culays dinaca amniga soo foodsaaro musharah iyo kambaynkiisa ay diyaar ula yihiin in ay nabad galyadiisa la wareegi doonaan ayuu yiri ugu dambeyntiina C/llaahi Yuusuf Maxamed oo ah La-taliyaha Musharaxa madaxweynaha Mr. Farmaajo.

RBC Radio

__________________________________________________________________________________________
War saxaafadeedkan waxaa Raxanreeb soo gaarsiisay xafiiska musharax Maxamed C/laahi Farmaajo.

Share

29 Responses for “Musharax Maxamed C/laahi Farmaajo oo Faahfaahin Ka Bixiyey Kulankii uu La Yeeshay Saraakiisha AMISOM (Faahfaahin)”

  1. faarax says:

    GUULEEYSO Farmaajo. madaxwaynaha 9ka cisho u dhimantahay iyo xukuumada ina Gaas wadnaheey farta ku hayaan. saan saan madaxwayne mustaqbal wuu leeyahay Farmaajo sida loola kulmaaya iyo respect ayaa ka dareemeysaa. Faroole iyoo Sakiin ayaga warkoodaba daa..
    Geesi Weeye Farmaajo

  2. khadar says:

    waa heshiis muhiim ah taasi,in la sugo amaanka musharaxa iyo tan guudba.

  3. [...] Continue reading here: Musharax Maxamed C/laahi Farmaajo oo Faahfaahin Ka Bixiyey Kulankii uu La Yeeshay Saraakiisha AMISOM… [...]

  4. Qoslaaye says:

    AMISOM MADAXWEYNAHA CUSUB BAY IS BARAYEEN OO SIDII LOO WADA SHAQAYN LAHAA DOORASHADIISA KA DIB KALA HADLEEEN

  5. Waa wada hadal wanaagsan oo lasoo dhaweynaayo

  6. FARMAAJO waxaa lagu daray QASWADASHAAYASHA isaguna wuu ogyahay ee waa magacdoon si ay CVga ugu gasho madaxweyne ayuu isusoo sharaxay lakin mudane GAAS dhalasho, karti iyo aqoon midna ku gaari maayo ILKAYARTA FARMAAYO waayo siyaasada 5tiii bilood ayuu ku fashilmay .
    MADAXWEYNE C/WALI MAXAMED CALI GAAS GUUUL GUUUL GUUUL.

  7. Sarhaye says:

    Maasha Allah farmaajo waa istaahilaa madaxweynihii dalka inama soo Marin 20 kii sanno ee ugu dambeeyeyey,waa kii Aynu sugeyney Allah ha ugu hibeeyo madaxweyninimada aamiin aamiin aamiin .
    Illaahow daalimiinta naga qabo ee. Laaluush ka la ordaya.

  8. xoghaye says:

    amison oo runta ogaatay cadaalada

  9. khadija says:

    guuleyso farmaajo cadowgaada cagta hoosteeda allaha geliyo ishaa macalina aduunkuna waa arkeen taageerada shacabku kuu hayaan nin daacad ah cidi madiido saas ayaa loo soo dhoweynayaa taariikhada aduumkana baal dahab ah ayuu ka gelayaa waxaan u sheegayaa ninkii sida farmaajo daacad iyo wadinimo noogu shaqeeya sidaas iyo si kafiican ayaa loo taageeraya dadka xamar jooga waxaan leeyahay xamar waa mgaalo madaxdii oo mel kale looma wareejin karo iyo xornimo kuma mari kartid oo qofkii taageera waan dileynaa lama meel wada gasha maaha runta hala isku sheego beeni wax matarto dadka aan lahadlayoow ha ku doodina magaalmadaxdii waa la rarey oo mgaalo kalaa lageeyey hadii aad dadka ka sheegataan oo cudurkii aanu islaheyn waa laga gudbey aad dib u soo celisaan shaleba waan ka qaxney maantana soomali waa heshiisey baanu ku nimid naga daaya dacar ku kicinta hadii sheekh shariif waayo toloow maxaad samewyn doontaan oo nin kale helo ileyn waa iska nasiib iyo calaf allee ma isbaaradii baad soo celineysaan bal aan aragno waxba kama harine walee dad badan baad maanta jecelysiiseen farmaajo markii xaqdarada lagu sameeyey dadkii u banaanbaxayaayey war jiraaba cakaaruu imaan farmaajo meel mageyeen magaala madaxda oo xamar baan ku dhashey buu yiri balse qolo garoowe geyn doonta ayaad rabtaane suga wax yar garoowe oo magaalo madax ah baan arki doonaaye.

  10. ssoomalli says:

    waa qofka kaliya ee leh haybad iyo vision soomaalinimo oo aan aaminsanany qabiil iyo laaluush iyojaajuusnimo. waxaanu leenahay anagoo ah soomaalida kasoo horjeeda qabyaalada foosha xun ee shariif iyo cabdiwali wadaan GUULAYSO FARMAQAJO soomaalinimo, wadaninimo,naxaeiis.iyo garasho xor ah ayaanu kuugu ducaynay.

  11. Ismahan says:

    Guulaysao faramajo

  12. Rooraaye says:

    Sxb farmaajo waa nin wanaagsan laakiin ayaa meesha ku jirta ogoow shacabku codeyn maayaa waxa codeynaaya waa baarlamaan lasoo xuley markaa ogoow haday sidaa tahay sidaan aragno united buu ka shaaheynaayaa oo meesha raga hada jooga loogu imaanmaayo macnaha 2shariif iyo cabdiweli kama sokeyso waana la arki doonee wey sii saadaaliyeen international cumminity inay soo noqonayaan raga hada jooga tii ayaa ka weyn wax walba 9 days to go we see

  13. c/aqaadir says:

    waa muhiim heshiiskaas waa alle u ga rajaynayaa in uu ku guulaysto maxamed c/laahi farmaajo
    madaxweynaha soomaaliya isagaa ukhalma oo shacabkaa raba

  14. c/aqaadir says:

    GUULEEYSO Farmaajo. madaxwaynaha 9ka cisho u dhimantahay iyo xukuumada ina Gaas wadnaheey farta ku hayaan. saan saan madaxwayne mustaqbal wuu leeyahay Farmaajo sida loola kulmaaya iyo respect ayaa ka dareemeysaa. Faroole iyoo Sakiin ayaga warkoodaba daa..
    Geesi Weeye Farmaajo

  15. HIIRAN BOY says:

    guulayso farmaajo

  16. c/qaadir says:

    waa madaxweynaha mustakhbalka dhow alle hadaayo hana guulaysto

  17. Gabeyre says:

    War ninka waa la camal weydiiyey waxaana loo Sheegay inaan la joogin xiligii kacaanka iyo isu soo baxa ee uu codka ka raadsado iyo kalsoonida Baarlamaanka shacabka iyo dadka soomana buuqa ka daayo mar danbena aanu adeegsan barakacayaasha intuu afuro siiyo bilaa suxuura aanu laamiyada soo dhoobin,waa murashixii ugu horeeyey dhaqan xumadaas keena waxaa kale oo loo sheegay in baaritaan ku socdo

  18. Ahmed says:

    Farmaajo lacagta doorasha iyo ciidan beeleedka lagu bixiyo intuu ka keeney ileyn Transport departmentigi u shaqeyn jirey malaayiin mushahar laguma qaadan jirin?

    Mida kale waxa wax dooranaya waa 275 oo Xalane lagu soo oodey musharixii rabana laga reebi karo kii la rabana loo ogolaan karo, marka yaan umada la jahwareerin ee waqtigeeda hala sugo. 10 milion shacab oo xukun doon waa saacatul qiyaamah, qofka toosan wuu ka carari jirey mas’uuliyada culeyskeeda kuwan tuuganimo bay u socdaan iney wax dhisaan yaan laga sugin, midka kasta oo dibeda ka soo hayaamey halaga fiiriyo communitiga uu ku dhex jirey wixii uu u qabtey inta la gaarin “Somali baan wax u qaban doonaa”.

  19. aarlibax says:

    ninkaan somali ayaa ubaahan ama barakacayaal dhaha ama waa soo galooti dhaha qarnigii qorax soo baxday sacabada lugu qarin jiray waa ladhaafay shanta qaaradood ee aduunka warkiisa ayaa gaaray
    aduunkuna wuu isbadalay shacab lama caburinkaro jaraa.idka ito TV yada caalamka ayaa laga daawanayaa waxa ka socda caasimadeena iyo dadka qabyaalada ka kudbay ee higsanaya qaranimada
    waxsaa xusid mudan baarlamanka soo socda in ay shacabka matalayaan waxaana filayaa intooda badan in ay dareenka shacabka ilaalin doonaan oo ay dooran doonan wiilkaan ilhaamta wata ee
    somaliya u soo baxay MR FARMAAJO wuu guulaysanayaa shaki kuma jiro
    asaga iyo shekh shariif ayaa isu soo hari doona kaalinta ugu danbaysa asaga ayaana guushu raaci doontaa sida dadka somaliyeed ee nadiifka ah ay saadaalinayaa

  20. hasiim says:

    ninkaan waxan ku naceey naagahoo dhan baa jecel ma qurux badanyaheey ma aqani sababta anigu.

  21. Tutankhaamuun. says:

    @ Khadija: Aad ayaan uga heley sidda aad hikaada Af-Somaaliga aad saxdo. Balse, waxaad ka illowdaa
    hakadka iyo joosiga.

    Xoogaa hadaad kala fogfogeysana waa ka sii qurux badnaan lahaa. Garasho sare iyo aqoon ayaan kugu
    tuhmay gacaliso.

  22. somali ha israacdo says:

    Guulayso farmaajo mida kale waxaa wax lala yaabo in la dhaho barakacayal iyo haween iyo caruur ayaa usoo banaanbaxay marka intuba miyay Somali ahayn miyaysan ahayn inta dawlada iyo nabada u baahan miyaysan ahayn inta u baahan in baarlamaanka cusubi codkooda tixgaliyo oo qofkii intaas usoo banaanbaxdo ladoorto ilaahay ha hiiliyo soomaaliya.

  23. qarandhise says:

    Farmaajo waa nin qabyaalad badan qofkii aan taa ogayn aqri maqaalkan laga qoray si aad u ogaatid warkiisa oo sax ah……http://allsomali24.com/2012/08/08/the-ugly-side-of-the-former-pm-farjamo/

  24. saacid says:

    alaa daa farmaajo maxaa dad jirin. War hadii ilaah idiin soo diray markii aad ismaqli waydeen assii uu ina kadhigay gob soomaali dhamaateed ma ninaad Mahiiga iyo dumarkiisa amaantaanbaa mise in aad nabigiina kusalintaan oo dibad iyo gudahaba duco u akhridaan Farmaajo iyo kuwa ilamidaa.

    Waxaan maqlay alaha unaxariistee maxamed siyaad oo yiri war dad iga harimayee ee duunyo iyo dalbaa iga hari. hada dalkii waanu haynaa duunyadiina waa Shariifyada, cabdiwali,cabdisamad macalin maxamuud,faroole.Nimanka koonfurta gaalkacyo ku dagaalamay,iyo wax ale iyo waxii jabhado ka tirsanaan jiray. Soomaaliya ha midowdo dabadhilif ,musuqmaasuq ha dhaco

  25. Moe says:

    Farmaajo has all the qualities a leader should have because he has done something that no one has done for the last 20 years that is bringing people together. Can anyone tell me anyone who has done that?

  26. Moe says:

    The great scientist of Aristotle once said, “He who has never learned to obey cannot be a good commander.” So how can Gaas lead the country when he doesn’t know how to obey his boss Mr. Farmaajo?

  27. Yaabane says:

    @Qarandhise
    war miyaadan ogayn waqtiga lagu jiro, waqtigii beenta iyo propaganda dadka lagu wareerin jiray in laga gudbay miyaadan ogayn?

    waxba ha isku wareerin in aad hadba link meel kasoo meeriso (copy) qof kaa akhrisanayo ma jirto ee dadkaaga dhinac ka raac.
    Farmaajo waa uu kasbaday ummadda Somaliyeed dal iyo dibedba marka laga reebo dad yar oo cuqdad, cadaawad aan la aqoon iyo cudurka qabiilku ku fogaaday.
    kooxdaas yar ee xanuunsan ayaad ka mid tahay sida kaa muuqata, mar haddii aad isku dayayso in aad xaqirto wax aan la xaqiri karin.
    Farmaajo waxa lagu taageeray waa sida uu u muujiyay wadaninimo, daacadnimo, somalinimo iyo cadaalad. Marka sida kaa muuqata sifooyinkaas muhiim kuuma aha adiga iyo inta sidaada u fakarta oo waxaa kuu cad meelo kale/dano gaar ah oo waa hore lagu fashilmay.

    waxaan soo xasuustay hees hore

    IN KASTOO LOO BAAQOO OO LOO SHEEGO BARWAAQO
    DAD BAY MEELI BUGTAA..BUGTAA DAD BAY MEELI BUGTAA

  28. abuubakar sadiiq says:

    waxaa idiin sheegayaa anoo ah abuubakar in Farmaajo lamid yahay xada naxariista,geesinimada,daacada,dulqaadasha,caqliga saliimkaa iyo dhamaan shaqsi ahaantiisa sidii CUMAR BINI DHAALID waa wax lagu daydo sida farmaajo uu ugu dayday in tuugtaa Shariifyada,midkaa qabyaalada googeysay cabdiwali ay raacaan aastaamihii asxaabta NOT MAHIIGEKABAKI

    Soomaaliya

  29. M. Ziad says:

    Nin dooran doorta xaa u dhahdeen dadkase xaad u danbaajiseen.. Guuleyso mudane farmaajo madaxweynaha mustaqbalka. Well done shariif time is up

Leave a Reply