F I: Musharaxnimada Dr Cali Khaliif Galeyr Iyo Qorshihiisa Siyaasadeed (Warbixin Falanqeyn ah)
Musharaxnimada Dr Cali Khaliif Galeyr Iyo Qorshihiisa Siyaasadeed
Sundus Yuusf
L/H Raxanreeb@Gmail.com
Falanqeeye Idman
Agoosto 26 2012
Nairobi (RBC) Dr Cali Khaliif Galeyr wuxuu hadda u tartamayaa jagada afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Sida uu isaguba sheegayna waxay taasi ku timid wadatashi uu la sameeyay dhinacyo kala duwan uuna ku qancay inuu xilkan u ordo.
Musharaxnimada Cali Khaliif waxay micne iyo saameynba u leedahay siyaasiyiin kala duwan oo beesha Daarood ka soo jeeda uuna ugu horeeyo Dr C/weli Gaas [raysul wasaarihii xukuumaddii xilkeedu dhamaaday] iyo Maxamed C/laahi Farmaajo. Waxay kaloo loolan isku hayaan Prof C/risaaq Juriile oo dad badan u arkaan wakiilka madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole kadib markii C/weli Gaas iyo Faroole ay kala tageen maalmihii u dambeeyay.
Khaatumo iyo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya
Mid ka mid ah guulihii ugu weynaa ee Khaatumo ay gaartay waxaa lagu tilmaami karaa in xildhibaanadii beesha Sool ay soo magacaabeen odayaasha reer Khaatumo taasoo dad badan qabaan in Khaatumo la’aanteed madaxweyne Faroole uu ahaan lahaa ninka go’aanka ka gaaraya xildhibaanada Sool inkastoo hadda uu dhowr ka faramarooqsaday. Khaatumo waxay sidoo kale ka gadantay DKMG ah iyo madaxweyne Shariif oo laftooda u arkayay in ololahiisa siyaasadeed ay kabweyn u noqon karto, markaasi la yaab ma leh hadaad aragto Garaad Jaamac iyo Garaad Saleebaan oo Villa Soomaaliya martiqaad heer sare ah loogu sameynayo.
Hanka siyaasadeed ee Cali Khaliif ma ahayn mid dhowaan dhashay ee wuxuu ahaa mid uu weligiisba ku taamayey, sidaasna waxaa xitaa qirsan ragga isaga ku dhow oo sheegaya in Cali uu u diyaarsanaa xilal ka sareeya kan afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ee uu hadda isu sharaxay, hase yeeshee wuxuu hadda jagadan u arkaa miisaan wanaagsan oo wax laga dheelitiri karo. Xitaa inuusan wax xil ah ka qaban maamulkii uu isagu dhisay [Khaatumo] ayaa muujineysa inuu meel kale wax ka arkay Cali Khaliif.
Khaatumo la’aanteed, Cali Khaliif waxaa la rumeysan yahay inuusan boos ka heli lahayn siyaasadda isceyrsiga ee dalka, waana taasi sababta uu Cali markii horaba sheekada uga soo bilaabay dhismaha maamulka Khaatumo State oo uu hadda micne u yeeshay siyaasadiisa.

Qorshaha siyaasadeed ee Cali
Marka loo eego xooganaanta ololaha siyaasadeed ee Cali Khaliif, wuxuu taageerayaal fiican ku leeyahay Muqdisho oo dabcan looga arko nin MIDNIMO Soomaaliyeed raba. Dabcana aragtidaasi Muqdisho looga heysto Cali ayay ahayd midii shakiga gelisay Puntland iyo Somaliland oo u arka in Cali dhabarka ka wareemi doono qiimaha ay maamuladooda hadda ku heystaan dalka gudihiisa. Si gaar ahna hogaamiyaha Puntland wuxuu ka dareen qabaa in Cali curyaamin karo maamulka Puntland.
Isagoo weli ku guda jira mabda’iisa ah in siyaasadda hoos laga soo dhiso, ayuu Cali ku guulaystay inuu kaashado rag aan hore ugu jirin siyaasadda oo u dhashay beeshiisa sida Dr Cali Ciise Cabdi iyo Maxamed Buraale ( Doxoro). Waxay labadaba ka caawiyeen abaabulka qurbe-joogga Dhulbahante gaar ahaan shirkii ka dhacay London 2011-dii oo gogoldhig u ahaa shirkii Taleex ee markii dambe lagu dhisay maamulka Khaatumo State.
Khaatumo way gaartay ujeeddadii ahayn muuqasho siyaasadded, waxaase u dhiman dib-u-heshiisiin dhab oo oo loo abaabulo beesha Sool oo Puntland oo ay wax ka dhistay ka carootay oo maamul gaar ah samaysatay walow la og yahay in awoodda Puntland adeegsatay ay ahayd awoodii beesha Sool gelisay maamulkaas.
Sameynta maamul way fududahayn, hase yeehsee ka dhigista mamaul wax tar leh waa mid adag. Haddii taariikhda la eegona waxay ku muuqanaynsaa in maamul kasta soo maro marxalad isqabqabsi keena dagaal, ama in hawsha maamulku socon weyso oo fadhiid isku rogto (Puntland, Somaliland iyo Galmudugba way soo mareen marxaladahaas). Su’aal kale oo hortaalla siyaasiyiinta Khaatumo ee uu Cali Khaliifna ugu horeeyo waxay tahay “sidee maamulka Khaatumo ku sii jiri karaa haddii weli madax-dhaqameedka beesha iyo siyaasiyiinta aan ka tirsanayn Puntland ama Somaliland ay maqan yihiin isla markaana deegaanada SSC (Sool, Nugaal, Ceyn) oo ay ka howlgalaan ay ka jiraan laga wado weeraro kaga iman kara labada maamul [Puntland iyo Somaliland] oo isu kaashada curyaaminta Khaatumo?
Saaxiibada Cali Khaliif waxay sheegayaan in hadda tirada xildhibaanada beesha Sool u gashay baarlamaanka ka sokow ay heystaan codadka xildhibaano kale oo beelaha Daarood iyo Hawiye isugu jira taasoo ka dhigeysa rajada Cali Khaliif Galeyr mid soo dhow, halka ay sidoo kale sheegayaan inay dhici karto in Cali Khaliif dhinaciisa ka raaco xulufooyinka siyaasadeed ee hadda socda si uu awoodiisa ugu gorgortamo xitaa hadduu waayo xilka uu raadinayo.
Laakiin lagama tagi karo in Cali Khaliif oo ku guuleysta kursiga baarlamaanka ay QUUS u tahay rajada madaxweynanimo ee Dr C/weli Gaas, Farmaajo iyo musharixiinta kale ee beelaha Daarood ee raba kursiga madaxweynaha, sidaas darteed waxaa ka go’an C/weli Gaas iyo musharixiinta kaleba ee beesha Daarood ka soo jeeda inay wax walba ku bixiyaan sidii Cali meesha looga saari lahaa si kasta oo ay ku timaadaba!!!.
Sundus Yuusf
L/H Raxanreeb@Gmail.com
Falanqeeye Idman
_____________________________________________________________________________________________________________________
RBC Radio
Xafiiska Falanqeeyayaasha Idman
Raxanreeb@Gmail.com











ninbaa intuu boqolsoomay bakhti ku afuray,maqaalka waxaa dilay afarta sadar ee u dambeeya ( waa inay wax walba ku bixiyaansidii dr cali meesha looga saari lahaa) waayo dr cali miyuusan daarood ahayn miyuusan soomaali ahayn maxaa kuwa kale u ogolaanaya isagan u diidaya ?
Walaal aan kusoxo khaatumo dhulkeedu waa sool.sanaag inta badan iyo togdheer oo ay kuleeyihiin buuhoodle dhulka looga taliyo. marka nugaal waa puntland.ogow dhulkana baro.
Ninkaan Tuuga ah…waxuu ceebeeyey………sharaftii…
Cali Khaliif waa ruug cadaa siyaasadeed,waxa uuna beeshiisa u horseeday in ey maamul dhistaan kana hoos baxaan beelaha kale ee dhistay maamulada somaliland iyo puntland.Cali oo ku guuleeysto G/Baarlabaankana waxey meesha ka saareeysaa hamiga siyaasiyiinta ey beesha kore wadaagaan rajadoodii xilka madaxweyne iyo r/wasaare dhanka kale waxey fursad u tahay MUsharax Shariif Xasan oo hadii Cali ku guuleeysto kursiga G/baalamaanka waxaa dhici karta in R/Wasaare C/wali iyo taageerayaashiisu taageeraan Musharax Shariif Xasan si meesha looga saro Madaxweyne Shariif .Musharax Shariif Xasan nin ciyaaraha waaweyn ciyaaro weeye waxaana dhici karta in isagu qorshahaan ciyaaray si meesha uuga bixiyo C/wali una helo taageerada beesha C/wali iyadoo la raacayo heshiiska labada beel waa mida shariif xasan iyo tan c/wali ee ahaan in xiligaan isbaheysi siyaasadeed yeeshaan si meesha looga saaro madaxweyne shariif.sidaas darteed C/wali waxaa la sheegaa inuu taageero Jawaari oo ka soo jeeda beesha Shariif Xasan laakiin isla siyaasigaas Jawaari waxaa mudo la saadalinayey in madaxweyne shariif uu gacanta ku soo xushay hadii madaxwyene shariif gacanta ku soo xushay oo eysan C/wali iyo madaxweynu is xulufeysi ka dhaxeyn waxaa xaqiiqo ah shariif xasan uusan arinkaas ka seexan doonin ee uu wax uu sameyn doono si uu uga hor tago jawaari ama ugu yaraan hadii Jawaari soo baxo inuusan meel cidlo ah ku soo dhicin waana taas mida uu codkiisa hoos ugu dhigay oo aanan la maqlin isaga iyo madaxweynaha oo ka doodaya ama isku diidaya qaabkaa wax loo soo xulayo.waxaan u maleynayaa in C/wali uu galay god abeeso uuna la’yahay cid ka soo saarto Cali Khaliifna uu kusoo bixi doono doorashada sababtoo ah waxaa gadaal ka taagan Shariif Xasan oo ah nin aad ugu horeeyo siyaasada wax isdabamarinta.
Cali khaliif [[[[[ khatar ku ma hayo ee ;;;;;; buu ku yahy dhaha.
kkkk.wale wareer baa tagaan. odagii Dr.kaliif ahaa waxdaru lasoo baxay. waxan sugnaa baa isku aadka cayaraha iyo ninka turubka dheer rida. ama khaliif, ama cidkale- kolay waxan sugnaaba waa dorashada.
kkkk waar meeshu ma dalbaa mise waa meel loo shaqo tago….Allow sahal amuuraha somali way waalatay. ciyaalka iyo dumarka dhimanaya lagama fakiraayo ee midwalbaaba sheekuu keenayaa si uu xil u helo.
War arimuhu sidaad u qaadateen maaha ee waxa la rabaa in meesha reer hebel baa booskaa leh meesha laga saaro labada nin ee aad ka dayrinaysaan hadii midkood cod helo oo la doorto cid iyo sharci diidayaa tooni ma jiro oo saddexda madaxda qaranka u saraysaa haday reer ka wada yimaadaan cid maanta diidi karaysaa ma jirto meesh 4.5 baa daaqada laga tuuray, waana sidaynu rabnay
Habka doorashadaan layaab ma leh in ay tahay hab Qabili 4.5, waxaan ilaahay ka baryeeynaa in ay nagaarsiiso habka doorashada xorta ah nin vote,
sida hada ay ku socoto tartanku waa Hawiye iyo Digil & M. oo doonaya in Cali G. ku soo baxo Af-hayeenka baarlamaanka- – Hadii ay u hirgasho – waxay isku rogeeysaa in Dir iyo Daarood iyo .5 ay u ololeeyaan madaxwayne Dir ah iyo R.wasaare .5 ah . sidaas Hawiye iyo Digil M. ku waayaan 2 boos ee sare- noqoto gud siraad ha qodin hadaad godidna ha dheereeyn.
Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk. Ha dhakhleeyo talytaanigu kkkkk alla maxaa cabaad ka baxaya ilma faroole kkkkkkk ruugcadagii soo rogaal celi abti reer pintiland meeshu xiniiyo taabasho ayey tagtaye wax iska dhiciya ama sida dumarka dadka xaasida kk.
Prof cali khalif waa siyaasi culus bal dib eeg meesha uu ka bilaabay siyaasada turubkii ugu danbeyey ayuu la ciyaarayaaa tuulada garoowe kkkkk viva siyaasiga ali khalif alla yaa casik waa darawiish.
Hopeful speaker.
Alla maxaa faroole cabaad ka baxaya prof jurile ayuu soo dirsaday faroole oo yidhi war naga qabo cali maanta ayuu jurile is casilay markuu arkay siyaasiga galeyr inuu meesha hogaaminayo kkkkkkkkkkk viva khaatumo viva somaliya
Insha allah guusha profka ayaa leh galeyr.
Cali Galeyr cid dooranaysa ma aay jirto waayo waxaa lagu xasuustaa Lacagtii uu lunsaday isaga iyo Cabdiqasin, markii aay madaxda ka ahaa een dowladii lagu soo dhisay Carta.
Umada Soomaaliyeed waxaan u sheegaya hadii aay doonayaa wadi umada iyo dalka wax u qabanaya ha doorteen.
Mudane Prof Jawaari ninkaas baa mudan xilka af hayeenka Barlamaanka
Ninka. Maqaalkan qoray. Masheegin. Hadafka khaatumo ee xoraynta laascanood. Oo waxuu ka shiifay in Santa Galleyr ay ahayd Kursi doon, faroolana xataa. ///////. Uma sooxulin xubnaha baarlamaanka.
digniin digniin waa arin khatara oo tala xumaa haddii cali khaliif galayr loodoorta gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliyeed sababtoo aay tahay cali khaliif waa kii kufashilmay dawladdii cabdi qaasim iyo beeshii uu kasoojeeday ee puntland,waxaan hubaa si buuxda oo boqolkiiba boqola in haddii loodoorto godoomiyaha baarlamaan cali khaliif in dawladdaa rajada wewyn soomalli kaqabtay in rajadaasu lumayso oo siyaasadii iska dabawareegaa ahayd ee 22 sano noqonayso dawladda soosocota, taas oo fashil ku dambeen doonta ,aniga waxaan kutalin lahaa in in jawaari oo kasoojeeda digil iyo mirifle loodaayo jagadooda gudoomyaha baarlamaanka , awoodaha kalana lookala qaybsado sidii horay u ahaanjirtay ayadoo loosoomarayo nidaam doorasho oo keeni kara in maamulada muhiimkaa laqanciyo oo siyaasadda soomaaliya fashilka lagadaayo illaa inta dalku katamaraysanayo oo noqondo mid kamadax banaan beesha caalamka iyo nidaamka qabiil qaybsigaa oo waddanka dhaqaalihiisii iyo awoodii milatari iyo aqoontii aay ka’imaanayso, waa in si alaale sidii lagu soocelin lahaa dawladdii lagashaqeeyaa oo la’iska ilaaliyaa fashilka ku imaan kara dawladdaan soosocota oo aan ahayn mid kumeelgaara oo ah dawladdii saxdaahayd ……scww
Suldaan waa runtaa magac keliya oo nugaal la yiraahdo ayaa pundland kuugu jira, laakiin dhab ahaan dhulka la yiraahdo dooxada nugaaleed ama nugaal godan anaa degan, adigaa u baaahan inaad dhulka barato , weriyuhu waa Laylkase nugaaleed waa dhulkiisii waa kaa badiyaa.
Salaamu calaykum. Qofkan qoray qoraalkan waxuu ka hadlay aragtidiisa. Arintan gudoomiyanimada uu isku soo sharaxay galeyr ani Ahaan uma arki in xumaati loo arko, mida koowaad qabiil looma nasbeyn karo in uu qaato gudoomiyanimada markasta. Waxayba u fureysa albaab cusub Si looga baxo qabiilka oo ah waxa soomaaliya kala gooyey. Laakiin hadii qofka raadinayo jago Si uu xumeeyo qabiil AMA shaqsiyan qof, ani Ahaan ma u maleenaayi inuu ku waaraayo jagadaas amaba sumcad ku dhex yeelanayo umada soomaliyed dhexdeeda. Hadan u soo noqdo qoraaga hadal uu yiri “galeyr waxaa loo arkaa nin raba midnimo soomaliyed” Galeyr waxuu meel kasta la taagnaaa qabiil amaba xumaan haduu qoraaga dib u fiiriyo cajilooyonka laga duubay maqal iyo muuqaalba. Aniga waxaan ka soo jeedaa dadka lagu tiriyo inay degan Ahan ka soo jeeda puntland, hadana Og midinimada soomaaliya waa waxa kaliya oo ay soomali ku badbaadi karto. Waan taageesanhay in qabiil kasta waxii dan ah ka tashto iyagoo raadinaya midnimo soomaali. Waxaan kula talinayaa dadka Sheegta khaatumo inay ku raadiyaan waxkasta Si wanaag ah, galeyrnna haduu gudoomiyanimada loo doortana noqda qof iska Saara waxii hore oo noqda qof u dhexeeya umada soomaliyed oo dhan.
Waa markii ugu horeysay oo aan ku qoro website soomaali aragtideyda, marka hore waxaan amaan u jeedinayaa qoraaga siduu u qoray isagoon qof cayneen sida inta badan wax u qoraan. Tan kale waa aragti ka hadlaysa marxalada hada lagu jiro iyadoona dhinac u janjeerin.
qoraaga maqaalka qoray waxuu na soo gaadhsiinayaa fikirkiisa ah in khaatumo uu galaydh u samaystay si uu kursi u helo hadaan kaa dhuro hadalkaa (aan runta salka ku hayn)oo aan kuugu madax ruxo ka waran miyayan p/land u dhismin in koox yari tidhaahdo anagaa dhaxal u leh xukunka p/land iyo xilkaanu ka helo soomaaliyaba daliilkuna yahay in hada cali khaliif arintaas uun lagu colaadinayo waa sababtee ta p/land magacii beesha D ay keligood isu siiyeen? yaa xaqaa siiyey? qoraagu wuxuu kaloo yidhi iyadoo khaatumo laga fara maroorsaday 3 xildhibaan mar hadii faramaroorsi meesha jiro maxaa u diiday in khaatumo xilka sare kay doorato ay fara maroorsato iyana (AL CAYNU BIL CAYN)inta xaqa walaalkaa aad ciidaynayso adna caano maalimayside ogow khaatumana taariikhdaynu u daynaynaa inay sii jirto iyo in kale qoraagana waxaan jeclaan lahaa inuu aragtidiisa siyaasada ku koobo oo uu san ku badhxin fikirkiisa caadifadaysan waayo hadaad mawduuc ka hadlayso waa inaad subjective noqotid oo aan dareenkaaga laga dhex arag qoraalkaaga
Raxanreeb warkeedu waa fariin cad oo ay gula dagaalamayso galaydh waayo fiiri qodabada ugu danbeeya say udhigeen markas ama tolkiinraca ama saxafada dhexka ahaad hada kahor cali khalif wax kamaydan qorin hadana waxaad qorteen waan aragna iskadaya eexda
ma haday parlamanka soomaaliya ay i matalaan mr galaydh iyo marwo saado cali i am on cloud nine aad baana ugu faanayaa dadkayga reer khaatumo iyo soomaalia ba viva soomaaliya
aaway RR emil kaygii
waa yaab cali galyr waa wxa ma yaqaan aan aragti badan lahyn oo aan ahyn nin halayay ah haduu cid ku lugay u galay halkaas sida cadaystayba waa siduu rabay buuhoodle ka jar puntland sool ……….. iyo ……….. ayaa ku haya [[[[[[[[ meesha kama hadlo arinta sool wxuu diidaa in eeda reerkiisa la saaro mar uu dibada shirka qayb galayay wxuu yiri sool arinteedu wxaa gacanta ka saaray ethiopia wxaana ku caawisay puntland mxaa loogu laayay askartii difaacaysay gobolkaas ee puntland iyadoo la ogyhy dagaalka sida uu dhacy waa nin marka laga aragti gaabnida ku darsaday sida dadka loo kala saar saaro wxuu yaqaana qabyaalada hoosheesayda ah wxaa la ogyahy cadaawada uu u qabo puntland oo ah mid cad wxaa intaa dheer wxa uu san dan iyo heelo badan ka lahyn arinta khaatumo oo u ahyd isaga jaranjaro xamar lagu tago ma xumo marka laga tago kursiga aan reerka uqalmin oo ah meel galgalin ah oo habaas wayn iyadoo la ogtahy maqaamka reeku ka joogay siyaasada soomaaliya taariikhda soo jireenka ah wxaan oran lahaa tolwaynaha [[[[[[[[ cali arintiisii cadaatay awalna waa la saadaaliyay markuu taleex fariistayna siyaasiyiin badan oo [[[[[[[[ ah ayaa kaniyad jaby cali arintuu hogaanka u hayo waayo ilma adeer waa in istaqaan haduu hada ku guulaysto cid ay dhib saasa ku haysaa majirto xal bay yeelanaysaa arin cali madax ka noqdo iyadaa wadooyin yeelanysaa sida khaatumo ay hada u cadahy wxaa cali u sameeyay
Cali Qaliif Ninka intuu ilamahiisii Safe & Wax barasho U Helay Oo hadana Uga Yimi Isaga & Garaad Pinti ineey Kafakaraan Sidii Galayr ku Soo galiahaa Dhaca & Boobka Wadanka lagu hayo Galyr Soowmaaheyn Ninkii Maalin cad Isagoo Wada Mashruucii ugu weynaa Uguna shaqaaha badnaa Diyaarad Ku Cararay markii uu Hantidii Wadank Dhacay , Mo ogtihiinse Sharciyan In Maxkamad Ku Xukuntay Dil ? Galyr Hasameeyo Qaatumo Isaga Garaad Pinti Imasa Dhalin yaro Ayaa ku dhimatay Dagaal Sidii Uu Galayr uu ku soo Gali lahaa Siyaadada ? Qaatumo Maxay tartay Reer Buuhoodle Aan Ka aheyn In Hooyoo yin badan Wiilashoodii Galyr xabad U dhigay Kuwiisiina Safe yihiin,Waxaa ka shaqsiyad & Dadnimo badan Saleebaan boqolkiiba boqol Kaga fiican Inuu hogaa miyo Somaliya Waa ninka, Viva Puntland & Soomaalia
wajigaaga alagu cali khaliifow muu isu sharaxo xilka madax tooyada
muxuu meesha hoose ufariisatay
misse isaga waxaa ka go an inuu xilka madax tinimad kafogeeyo ……..
ooo macnaheedu yahay waa nin la adeegsanayo ooqolle kalaa sooodirsatay
waa jawaab lasugaayo
Cali Qaliif Ninka intuu ilamahiisii Safe & Wax barasho U Helay Oo hadana Uga Yimi Isaga & Garaad Pinti ineey Kafakaraan Sidii Galayr ku Soo galiahaa Dhaca & Boobka Wadanka lagu hayo Galyr Soowmaaheyn Ninkii Maalin cad Isagoo Wada Mashruucii ugu weynaa Uguna shaqaalaha badnaa Diyaarad Ku Cararay markii uu Hantidii Wadank Dhacay , Mo ogtihiinse Sharciyan In Maxkamad Ku Xukuntay Dil ? Galyr Hasameeyo Qaatumo Isaga Garaad Pinti Imasa Dhalin yaro Ayaa ku dhimatay Dagaal Sidii Uu Galayr uu ku soo Gali lahaa Siyaadada ? Qaatumo Maxay tartay Reer Buuhoodle Aan Ka aheyn In Hooyoo yin badan Wiilashoodii Galyr xabad U dhigay Kuwiisiina Safe yihiin,Waxaa ka shaqsiyad & Dadnimo badan Saleebaan boqolkiiba boqol Kaga fiican Inuu hogaa miyo Somaliya Waa ninka Yiri Dagaalkaan Sax maahan Kasocda howd Waa mid La siyaasadeeyay Aayna Wataan Dad dano Gaara leh Kuna Guu leeystay inuu Dhibaa tadii Ka Qaado Laba Community Ee Walaalaha Waa Dad wada Dhashay Waligoodna wada noolaa Wadana noolaan doona Qori lugudna Dan uguma Jirto Dagaal Laga Soo abaabulay Hergaysa Buuhoodlana Dan uguma Jirto Dagaan Galyr & Garaad Pinti Soo abaabuleen Saleebaan Waxuu Qabtay Waxaa Xusi i Doonta Taariiqda ,Dagaalkana Wuxuu Qaas u ahaa Reer howd oo Dhibaada Badan keed ku Dhacay, Viva Puntland & Soomaalia
waxan maanta la yaabay Bahda Raxanreeb sidan isku oran jiray waa dhex dhexaad ayaan maanta runta ogaadan sababtoo ah qoraalka gabigiisaba waxa ka muuqda in shakhsi lagu weerarayo ama dagaal lagula jiro markaa Raxanreeb hada awal ayaan arki jirnay mid qabiil u doodaya oo dhib malahen oo waa wax iska caadi ah somaliya in websedyo la arko qabil u doodaya balse adiga maanta barasho fican ayan kaa arkay Hada ayad oran doontaan qoraaga ayay u gaartay Web, muyusan laheen tifatire wwaxan aad soo qoraysaa eega
hadal iyo dhamaan waxad noqoteen Websedyada ka jira somalia waliba kuwa sida dad badan iyo sida tooska ah qabiilka uga hadla
Jecliyaa Cabaadka ===== markay arkaan in xaladu ku xun tahay ayay ===== meesha kenaan Adeer ===== aad shegaysan Idinka Cancer ku ah ===== is nacsiyey ee Cabaad ka daaya talabad aniga oo ah Nin ===== ah ayaa dageersan DR. Galayadh Hawadhlayso
Cabaadka ======= jecliyaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa
Viva Prof Cali Khaliif Galeydh
Halyey Soomaaliyeed
TO WADANI IYO HOREEYE
ISKA DAAYA QABYAALADA PROF – CALI KHALIIF GALEYR WAA NIN U QALMA BARLAMAANKA, WAXAANA RAJEYNEYNAA IN UU KU GUULEYSTO INSHA ALLAH, KA DIBNA HAWIYE IYO DIGIL AY KALA QAATAAN LABADA SOO HARTAY…
SABABTA OO AH FAROOLE AF-DOORSHAAN IYO C/WELI CAAQ LABADUBA SOOMAALI LAGUMA AAMINI KARO… OO WAA LA SOCOTAAN FAROOLE MARKII AABIHIIS MELES ZENAAWI BAKHTIYEY SIDUU U OOYEY… OO MAANTA WAA AABE LA’AAN…LAAKIIN WAXAA FIICAN IN FAROOLE UU MELES ZENAAWI QABRIGA LA GALO ILEEN KAL IYO LAAB AYUU U JECEL YAHAY..
HADDII PROF GALEYR GUULEYSTO WAXAA GO’I DOONA REER PINTLAND LAAKIIN WAA AY INOO WANAAGSAN TAHAY IN IN FAROOLE IYO MAAMULKIISA NAGA GO’AAN WAXAAN SOOMAALI INTA KALE WAAN MIDOOBI LAHAYNAY ILAA HARGEYSA ILAA KISMAAYO,,,, MARKII AAN DOWLAD XOOG BADAN DHISNO AYAAN FAROOLE IYO CANAASIIRTIISA TALAABO KA QAADI LAHAYN OO MIDNIMADA UU DIOIDAN YAHAY LAGU SOO CELIN LAHAA…
writer of this article
Runtii waanu ka xunahay AFLAGADADA qoraagani uu ugaystay dadka wadani ah reer khaatumo state.
iyo siyaasiga cali khaliif ba. waayo? dadka reer khaatumo waa dad dhulkooda u gaarka ah somalia ka degan kana mida beelaha somaliyed. dadka reer khaatumo waxay dhamaantooda ku midoobeen inay dhulkooda iyo dadkooda maamul u samaystaan isla markaasna aayahooda ka tashadaan. taasoo ay xaq lama taabtaan ah ay u leeyihiin.
waa aflagaado qaawan in qoraagu yidhaahdo masiir umad dhani gaadhay HAL SHAKHSI AYAA KURISI KU DOONAYA. Qoraagu waxuu duudsiyey ama dafiray masiirka umada samaysatay khaatumo.
maaha dadkayagu dad nin KURSI ku doonto ama cali khaliif hanaqdo ama cidkele hanoqdee.
waxaanu xaq lama taabtaan ah u leenahay inaanu dadkayaga iyo dalkayga anagu u tashano.
waxaanu dhamaantayo aaminsanahay DIINTA ISLAMKA IYO MIDNIMADA IYO WADA JIRKA SOMALIA INAY MUQADIS AAN GORGORTAN CID ADUUNYADAN DUSHEEDA KU NOO LAGALA GELI KARIN.
Waxaanu aaminsanahay in dadka somaliyed isku midyihiin xaq lama taabtaan ahna ay u leeyihiin meesha ay somalia ka deganyihiin maamul hoosaad kooda ka samaysan karaan LOCAL ADMINISTRATION. KA MIDA QARANKA SOMALIA.
Waxaanu aaminsanahay ina PROF galaydh wadani somaliya yahay jaga kastoo uu doonayona uu utartarmi karo qabana karo hadii umada somaliyed u doorato.
dadka reer khaatumo cali khaliif somalia madax ugama dhigi karaan ee cali khaliif dadka somaliyed oo keliya ayaa doorankara haday u arkaan inuu yahay qofka ugu haboon jagadaas.
waxaay dadka reer khaatumo DANTOODU KU JIRTAA DANTA SOMALIA OO AY KAMIDYIHIIN.
mana dhici karato inay ogolaadaan dadka hagardaamooyinka umada somaliyed u maleegaya pro CALI KHALIIF NA SINABA UGAMA SUURTOWDO INUU KU SIFOOBO DADKA NOOCAASA.
PROF cali waa WADANI XALAALA OO SOMALIYA.
PROF cali sinaba uma dhici karto inuu maamulada somaliland iyo puntland wax xumaana u qabo waayo waa dadkiisii.
madhici karto inaad doonto midnimada somalia iyo wada jirkeeda islamarkaasna aad hadimo ama xumaan la jeclaato qaybo ama gobolo ka mida somalia iyo dadkeeda.
so if you wish to see pride of somalia again please support cali khalif to be somalia mp’s SPEAKER.
And let prof jawaahiri be somali pm.and cadow or sharif ahmed to be somalian president or prof ismail hure buu baa to be somalian president.
jubolander
horta anigu intaad jirto ma aqaan si aan levelkaa kuula hadlo lkn arin baan jawaab kaa siinayaa oo ah waaqica jira waa arinta laasacaanood magaalada iyo qadiyadeeda ciidamada snm oo 6000 kor u dhaafay ayaa waxay daadsan yihiin oog,yagoori,adhicadeeye laaska dushiisa ilaa yoocane iyo gambadhe ciidamadaas oo snm ay safka hore gelisay cadaqaatayaal degaanka u dhashay 00ku dhaw 500 oo askari xaga p/land na ay joogaan ciidan uu hubeeyey ina cali shire oo snm la xeshiis ah hargaysa iyo garoowe waxay iyagoo majlisyadooda fadhiya oo qoslaya ay rabaan in in reer khaatumo dhiigooda dhexdooda iska daadiyaan iyadoo la wada yaqaan dhaqnka soomaalida godobta fog ee reer khaatumo soo food saari karta marka iyagu is dilaan markaa waxba madaxda iyo siyaasiyiinta reer khaatumo haw adeegsan arintan dadkani iyagaa dantooda kaa yaqaa ta kale waxaad ogaataa in snm adeegsanayso qabiil dhan awoodii oo aan qaab beeleed la sinayn reer khaatumo waayo snm waa reer la siman beelwaynta D dee hadii beeshii D igu daawanayso dhibka aflagaadada uun hanalaga daayo ilaah baanu qabnaaye nin tuur lihina isagaa og suu u seexdo e say u taag ladahayna uma ALLE la’a maanta reer khaatumana rajada ay leeyihiin ee ay ku mintidayaan waa dawlad soomaaliyeed oo ay ka magan galaan xulufaysiga isu bahaystay i hope in qoraalkayga aad la level tahay ood fahantay waaqica dhulka ka jira
xataa markay snm heshiis nabadeed bixisay waxay ka guureen 4km oo dhul ah waa maygaagle iyo sool joogto weli ciidamadoodu waxay fadhiyaan hagoogane iyo kalashaale waad hubsan kartaa taas
Qoraalka bilowgiisa hore wuxuu ninkaan ku bilaabey in musharaxnimada Cali Khalif ay micne weyn I sameynayso musharaxiinta DAAROOD, meesha u danbeysana wuxuu ku leeyahay in musharaxiinta DAAROOD ay QUUS u tahay is sharaxaadda Cali Khalif, marka waxaan u malaynayaa iney hawshu tahay WAX UUN ISKA QOR KOLEYBA WAA LA’AKHRINE.
NINKIIHADLAAYABA HA ISKA HADLEE HALKAA KU CARAABA CALIYOOOOOW WAA HALYEY AAN LEEXLEEXAD KA AQOON
Ahmed
waxaan cali u haystay nin aqoonyahan ah, hase yeeshee wuxuu u muuqdaa nin aan cilmiguusu anficin haddii waxa laga sheegayo run yihiin.Reer baa seejinayaa jago ama ku xumaynayaa waxay ila tahay waa arin daciifnimo ah waxaan u dhaantay inuu jagada xaq buu uleeyahaye si aan xumee ama seeji ahayn uu wax u raadsado. waxaad la socotaa in dowladii kacaanku ku shaabadeeyey qabaail Soomaaliyeed inay yihiin cadowga kacaanka dabadeena ay u istimaashay awoodii qaranka si ay u tirtiraan , waxaa xigtay tii dagaalkii sokeeye ee rag hogaamiyeyaal kooxeed ah isku dayeen in qabaail kale oo Soomaaliyeed tirtiraan dalkana ka saaraan. Dhib weyn baa dhacday waataase maanta la joogo oo la jiro cidina ma baabin qabiil nacayb cidna meel ma gaarsiiyo cid wax uma dhimo in la is ximiyaana xaajo rag maa ah waa la xisaabtamaa in dadka la isku dirana waxaa ka fiican in ummadda la i su keeno..
sc bismillaaah ugu horayn prof ali galaydh waa nin siyaasi ah rug cadaaana ah horayna siyaasada somalia ugu soo jiri jiray ilaa hada wax uu qabtayna aaaan la sheegin waagii dowladii carta abaalkiisuna ahaa in la casilo isaga oo dibada kumaqan hadaba waxaan umada somalia u cadeen lahaa in galayr meesha uusan xal ugu jirine uu is leeyahay prof:gaas iyo prof: farmaajo meesha ka saar lkn taasi waa calaal timo kasoo baxaan VIVA JAWAAAAAAAAARI
sool sanaag cayn iyo weliba nugaal saxbaad ku tahay nugaal ee sanaag baad ilowday anaa reer ceerigaabo ah walaalo.sanaag waa halkay ka timid beeshu oo ka fiday welina in badan ka degto.
Thanks for this intresting artical.
nika sirmaqabe waa mid ansiyaasi ahayn sidee cali galayr meel saddexdaan nin joogaan game u ciyaari kara
tuuggi faanoole ma boqorbaa loo dalacsiiyay?