Musharixiinta ‘MIDNIMO DOONKA’ Soomaaliya oo Cadaadis Kala Kulmaya Maamul Goboleedyada Iyo Dawladaha Deriska (Warbixin)
Muqdisho (RBC) Musharixiinta l arko inay yihiin ‘midnimo raadis’ ee ku jira tartanka madaxtinimada Somaaliya ayaa hadda waxaa soo wajahay cadaadis xoog leh oo kaga imaanaya maamul goboleedyada iyo dawladaha deriska lah Soomaaliya qaarkood, kuwaasoo dadaal ugu jira inaan iyaga la dooran.
Maamul goboleedyada Puntland, Somaliland iyo dawlada Ethiopia ayaa hadda wada qorshihii ugu weynaa ee lagu burburinayo awooda hogaamiyaasha ay u arkaan inay saameyn ku leeyihiin doorashada, waxaana si gaar ah ay u beegsanayaan musharixiinta kala ah; Prof Axmed Ismaaciil Samatar, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Prof C/raxmaan Baadiyow.
Il wareedyo xog ogaal ah ayaa u sheegay Raxanreeb in safiirka Ethiopia ee ku sugan Muqdisho C/casiis Axmed Aadanuu dawlada KMG ah ee waqtigeedu dhamaaday uga digay in haddii xukunka ay ku soo baxaan dad federaal diid ah ay keeni karto in Ethiopia ay bedesho siyaasadeeda arimaha dibadda atna dib u eegto xiriirka Soomaaliya.
Safiirka Ethiopia ee Muqdisho oo ah nin Af Soomaaliga ku hadla, ayaa toddobaadkan oo kaliya labo jeer magaalada Addis Ababa u duulay si uu wadatashiyo ula soo yeesho saraakiisha wasaaradda arimaha dibadda Ethiopia. Waxaana arimaha ugu weyn ee Ethiopianka ay ka walaacsan yihiin ay yihiin in haddii madaxweyne midnom doon ah uu ku soo baxo madaxtinimada Soomaaliya ay keeni karti in dhulalka Ethiopia heysato lagu sheegto.
Sarkaal aad ugu dhow safaaradda Ethiopia ee Muqdisho oo Raxanreeb la kulantay wuxuu xaqiijiyey in safiirka uu dadaal weyn u galay sidii culeys lo saari lahaa musharixiinta midnimo raadiska ah ee laga yaabo inay diidaan, ama ugu yaraan ay hoos u dhigaan qiimeynta federaalka ee la rab in Soomaaliya lagu dhaqo si taasi ay u hirgashana wuxuu safiirka qaaday dhowr tallaabo. Sida il wareedka sheegayo safiirka ugu yaraan hadda wuxuu qabaa kalsooni ah in baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayka hortagi doonaan siyaasiyiinta noocaasi ah ka dib markii baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay so galeen “SAAXIIBADA ETHIOPIA” oo si weyn loogu yaqaano difaaca danaha Ethiopia.
“Anagga shaqadeena muhimka ahayd waan qabsanay… wax kasta waa dhag” sidaasi waxaa laga soo xigtay safiirka Ethiopia C/casiis oo maalintii Jimcaha 17/08/2012 garoonka diyaaradaha Aden Cadde ka raacay diyaarad u qaaday Addis Ababa.
Ethiopia waxay kaloo ka walaacsan tahay in la carqaladeeyo “saaxiibadeeda gudaha” oo ah maamulada Puntland iyo Somaliland oo haddii madax midnimada ku dheer tahay ay ku soo baxaan kursiga madaxtinimada ay yaraan doont qiimaha ay hadda leeyihiin maamul goboleedyada.
Walaac kan Ethiopia la mid ah waxaa qaba dawlada Ethiopia oo rabta inay dhidbaha u taagto maamul goboleed laga hirgaliyo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya halkaasoo ay ku beeri doonto ‘saaxiibadeeda’ runta ah si ay ugu yaraan uga difaacaan dhibaatada amni darrada ee had iyo jeer Kenya kaga timaada Soomaaliya. Kenyaan-ku welwel kale ayey qabaan oo ah in isbedelada siyaasadeed ee Soomaaliya ay saameyn ku yeelan karaan dadka Somaaliyeed ee ku nool gobolka NFD.
Dhanka kale, Kenya waxay beryahan dagaal hoose ku wadaa raysul wasaare C/weli Gaas oo musharixiinta ka mid ah iyo rag siyaasiyiin ah oo ka horjeestay qorsheheeda maamul u sameynta Jubbooyinka kadib markii C/weli Gaas uu digniinb rasmi ah oo arinta Jubbooyinka iyo Gedo ku saabsan u jeediyey madaxda Kenya.
Cadaadiska maamul goboleedyada
Inkastoo Puntland ay soo saartay war saxaafadeed ay kaga digtay waxay ugu yeertay “kooxo federaal diid ah” inay xukunka dalka qabsadaan, ayaa dhanka kale Somaliland waxay hadda bilawday inay dhaqaale badan ku bixiso sidii lo horistaagi lahaa siyaasiyiinta mideynta u hamuunqaba. Raxanreeb ayaa gaatay in rag ganacsato ah oo ka soo jeeda deegaanada Somaliland kuna sugan Muqdisho la soo marsiiyey lacag gaareysa illaa $5 milyan oo doolar si loogu xoojiyo dagaalka Somaliland ku heyso musharixiinta midnimo raadiska ah.
Dadka arimaha doorashada la socda waxay sheegayaan in cadaadiska farqaha badan ee ka imaanaya dhinacyada kala duwan uu meesha ka saaray rajada lagaqabi karo in siyaasiyiinta midnimo raadiska ama kuwa loo arko “qowmiyiinta” inay fursad u helaan xukunka dalka, kaliya mahan doorashada ee waxay xitaa tani saameyn ku yeelan doontaa hannaan socodka siyaasadda ee dalka. Taasi bedelkeeda waxay kaliya ee aan ka rajeyn karno Soomaaliya waxay noqon doonaan dawlad dhexe oo tayo daran kuna kooban Banaadir iy hareeraheeda iyo illaa afar maamul goboleed oo ka kala sameysma koonfurta iyo waqooyiga dalka kuna baratama ka qeybgalka shirarka iyo xafladaha adduunka ka dhacaya.
RBC Radio











[...] View the original here: Musharixiinta ‘MIDNIMO DOONKA’ Soomaaliya oo Cadaadis Kala Kulmaya Maamul Goboleedyada Iyo Dawla… [...]
ASC, dhamaan walaalaha Somaliyeed iyo Raxanreeb, “very plausible analysis” ayaad sameeyseen, waana idinku raacsanahay inta badan dhiraandhirinta aad sameeyseen, qaasatan fikirka ah in dowladaha dariskeena ah iyo maamul goboleedyada eey rabi lahaayeen in Mogadisho ka soo baxdo dowlad taag daran oo Federal ah, amaba very decentralized system of governence, taasoo leh tabar Mogadisho iyo koonfurta Somaliya aan dhaafsiisneeyn. Laakiin, aniga taas xataa maantay Somaliya Guud ahaan, iyo Gobolada iyo dadyowga daga Koonfurta Somaliyeed waxaan rabaa in aan kula taliyo arin xun ma’ahan, ee yaan la sharsan, kuligeena aan taageerno arinkaas sababtoo ah, waa bilow fiican hadii inta eey is habeeyaan, waqti waqtigaan ka fiican inta dadka Somaliyeed kadib marka eey kalsoonida dhexdooda inta soo ceshtaan, oo fahmaan, wada noolaansho iyo is nabad galin wax ka fiican in eeysan jirin, waa ka tashan karaan, oo inta eey si cadaalad ah u gar dhigtaan sida dhaqankeena wanaagsan ee aan ka tagnay uu ahaa ayeey hadii eey ku heshiiyaan wathever system eey rabaan dib isku aruursan karaan uu u qaadan karnaa. “Think though where we are today and the state of our union” caqliga ilaaheey nasiiyay aan isticmaalno.
waan fileynay maamulo kushegyadaan in waxaan iyo wax kaxun ay ku fakarayaan waase la arkaa xildhibaanada hada jooga uma eka kuwa faroole iyo siilanyo ay kashaah cabayaan
Inaba caadi maahan Raxanreeb. Walaahi aadbaan oga helaa xirfadiina ku aadan helida iyo soo bandhigida wararkiina xaqiiqada ku saleysan. Aadbaad ugu mahadsantihiin.
Mida kale, Dabadhilifyada Puntland iyo Somaliland calankoodii wuu dhacay, Sheydaankii weynaa ee Aabohood ahaa waa ka bakhtiyay. Meel ay maanta maciinsadaan maleh, dalkana waxaa qabanaya ragaas Tayada leh ama ha ku farxeen ama ha ka naxeen.
Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin. Hands up!
Kan buurane ina Gaasna wuxuu Dawlad goboleedka Jubbaland oga soo horjeedo dal Jaceyl iyo midnimo Kama ahane Qabiilkiisoo irdaha shirka laga cayrcayrinayuu arkay marka gurmad bay ka tahay qadarka. kkkkkk duf ku bax!
Walee raxanreeb wixii aan horey aniga iyo Soomaali badan u aaminsaneyn ayey sheegtay. Maalinkii Faroole lahaa Federaal diidka hadii la doorto waan goosanaynaa ayaan gartay in waxa uu ku hadlayo tahay wax askari yaroo Tigray ahi usoo qoray waxaanse lasii yaabanahay kuwa waxaas ku taageeraya dadka Xabashida u shaqeeya oo ay u yaqaanaan saaxiib dhow.
Ilaahay Soomaali madax ha uga dhigo qof dhiig iyo damiir leh oo garta waxa cadowgu rabaan iyo godka Soomaali lagu riday si ay mardanbe iskugu tagin Xabashida
@ Suul Cawro kan buuran GAAee Gaas ladhahayo ma wuxuu u maleeyey Jubbaland ——? Gaasow qabyaalada aad wadid waa la ogyahay. cidna Madaxweyne kuu dooran mayso.
c/weli iyo faroole meel daran kabaxa soomalilland ma dooneyso in koonfur hagaagto si ay aqoonsi ku helaan balse weligood gaari mayaan insha allah cadowga soomaliya allaha naga qabto waa layaqaan muuq ka soomali calool ka ka shisheeye waa layaqaan waa faroole iyo siilaanyo allow umada ka qabo.
Federal systemku ma xuma haddaan dhinaca xun ee ah shisheeyaha ku danaysanaya dadka qaar laga soo eegin. Waayo Somali qabyaalad iya cadaalad xumo looga maaro heli maayo. Marka waxaan qabaa in ay tahay xalka keliya ee dalka iyo dadkaba badbaadinkara, dagaallo iyo burbur horlena looga hortegi kara.
Soomaliya federal uma baahna mana ka hirgali karo system ku dhisan federal.