Musharixiinta u Taagan Hogaanka Baarlamaanka oo Maanta Ka Hor Hadlaya Baarlaaanka Iyo Doorashadii oo Dhacaysa 28-ka Agoosto
Muqdisho (RBC) Musharixiinta u taagan jagada afhayeenka iyo labada ku xigeen ayaa saaka lagu wadaa inay khudbado u jeediyaan xildhibaanada cusub iyagoo soo bandhigi doona waxqabadkooda haddii xilka loo doorto.
Xildhibaanada ayaa saaka u dareeray hoolka shirarka ee dugsiga Gen Kaahiye halkaasoo munaasabada maanta ay ka dhacayso. Waxaana munaasabada khudbadaha ay ku jeedinayaan musharixiinta goobjoog ka ahaan doona saraakiisha Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, AMISOM, qaar ka mid ah safaaradaha ku sugan Muqdisho iyo suxufiyiin aad u tiro badan.
Musharixiinta jagada afhayeenka u tartameysa
Illaa hadda sida guddiga doorashada afhayeenka baarlamaanka ay shaaciyeen, waxaa xilka afhayeenka baarlamaanka u taagan lix musharax,oo ay ka mid yihiin; Prof Maxamed Cismaan Jawaarey, Dr Cali Khaliif Galeyr, Cabdi Xaashi C/laahi, Prof C/risaaq Cismaan Juriile iyo C/laahi Goodax Barre.
Jagada gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa waxaa u taagan illaa sagaal musharax. Halka gudoomiye ku xigeenka labaad aya u tartamayaan illaa saddex musharax, sida afhayeenka guddiga doorashada uu xalay shaaciyey.
Musharax tanaasulay
Gelinkii dambe ee shalay waxaa musharaxnimada jagada afhayeenka ka tanaasulay musharax Maxamed Rashiid Sheekh oo ka mid ahaa raggii u taagnaa jagada afhayeenka baarlamaanka.
Maxamed Rashiid oo ka hadlay kulan ka dhacay hotelka Safari ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu u tanaasulay si uu u taageero musharax Prof Maxamed Cismaan Jawaarey oo ka soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool ahna musharax ay musharixiin badan gadaal ka riixayaan.
Dadka la socda arimaha doorashada ayaa sheegaya in saacadaha soo socda la fili karo in musharixiin kalana ay tanaasuli doonaan si ay codkooda ugu biiriyaan Prof Jawaarey.
RBC Radio










