Musharixiinta U Taagan Jagada Afhayeenka Baarlamaanka Iyo Sida Loo Kala Wato oo Raxanreeb Ay Heshay (Falanqeyn Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Shabakada Raxanreeb ayaa maanta heshay liiska xubnaha u tartamaya jagada afhayeenka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo illaa hadda gudbistay codsiyadooda musharaxnimo.

Xubnaha musharixiinta u ah jagada afhayeenka baarlamaanka ayaa mid kasta wuxuu ku xiran yahay musharax gaar ahoo wata, waxaana loo arkaa in doorashada afhayeenka baarlamaanka ay micne weyn u sameyn doonto musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo sida hadda loogu kala guuleysto afhayeenka baarlamaanka ayaana hadhow suurtagal ay tahay in loogu kala guuleysto jagada madaxweynaha oo dad badan ay u ordayaan.

Sida ay shaaciyeen guddiga doorashada afhayeenka baarlamaanka oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, waxay doorashada dhici doontaa 26-ka Agoosto oo ku beegan maalinimada Axada ah. Waxay kaloo gddigu sheegeen inay bilaabatay qaabilaada musharixiinta afhayeenka baarlamaanka.

Magacyada shakhsiyaadka shaaciyey musharaxnimadooda waxaa ka mid ah;-

1- Prof Maxamed Xasan Jawaarey: Waa musharax ku lamaansan Sheekh Shariif oo gadaal ka riixaya si uu xilka afhayeenka ugu soo baxo. Musharaxnimada Prof Jawaarey ee baarlamaanka waxay halis ku tahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u sharaxan madaxweynenimo, waayo haddii Prof Jawaarey oo ah nin ka soo jeeda gobolada beelaha Baay iyo Bakool (Digil iyo Mirifle) uu ku guuleysto afhayeenka baarlamaanka, markaasi Shariif Xasan boos kale ugama banaana xilalka sare ee dawlada cusub. Sidaasi awgeed Shariif waa inuu geed heer iyo mid gaabanba u fuulaa sidii uu Prof Jawaarey codad ku filan uusan u heli lahayn.

Prof Jawaarey wuxuu horey u ahaa gudoomiyihii guddiga dastuurka ee xilli dambe lakala diray. Waxaana isa sharixidiisa kaalin weyn ku leh Sheekh Shariif iyo taageerayaashiisa oo u arka in Jawaarey uu yahay fursad Shariif Xasan looga tuuri karo masraxa siyaasadda ee dalka.

Illaa hadda Prof Jawaarey wuxuu wadaa qaabilaada xildhibaanada cusub, inta Raxanreeb ay ka ogaatayna waa inuusan illaa hadda xildhibaanada cusub u sheegin WAX BALLANQAAD lacageed ah. Kaliya wuxuu la soo shirtagay inuu yiraahdo “baarlamaan nadiif ah ayaan dhisayaa”. Prof Jawaarey wuxuu kaloo xildhibaabadii beryahan uu la kulmay uu u cadeeyay inuu rabo inuu dalka u sameeyo dastuur XALAAL ah oo looga gudbo midka kumeelgaarka ah ee degdega lagu sameeyay, kaasoo uu sheegay in fursad wanaagsan uu heysto baarlamaanka cusub. Waxaase dhici karta in waxyaabaha uu Jawaarey sheegayo inay u dheer yihiin ballanqaadyada siyaasadeed ee had iyo jeer siyaasiyiinta u sheegaan xildhibaanada.

Rajada Prof Jawaarey waxaa miisaan u yeeli kara haddii taageerayaasha Aala Sheekh ee hadda baarlamaanka loo diiday lagu soo daro waayo codka ugu badan halkaasi ayey ka filayaan isaga iyo Sheekh Shariifba inkastoo qeyb ka mid ah codadka xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle uu urursaday.

2- C/laahi Goodax Barre: Wuxuu ahaa wasiirka qorsheynta ee xukuumadda C/weli Gaas. Dabcan isa sharixidiisa waxaa ka dambeeya musharax C/weli Gaas.

Goodax oo ah nin reer Hiiraan ah, sida dadka yaqaana ay sheegeen waa nin furfuran oo siyaabo kala duwan loo adeegsan karo (flexible man) ayna fududahay in la fahmo, waana taas sababta C/weli Gaas iyo xulufadiisa ay ugu qanceen inay masraxa keenaan C/laahi Goodax Barre. Dhanka kale xulufada C/weli Gaas waxay maanka ku hayaan in Goodax ugu yaraan ka caawin karo sidii codad looga heli lahaa beelaha Hawiye oo uu ka soo jeedo, isagoo hoor horaba bilaabay inuu rag uu wato oo beeshiisa ah ku daro baarlamaanka cusub si uu codkooda ugu xisaabtamo.

Fursad kale oo C/laahi Goodax laga dhex arko waxay tahay in haddii uu helo kursiga baarlamaanka ay taasi meesha ka saareyso rajada Sheekh Shariif iyo musharixiinta kale ee Hawiye uu u ordaya madaxtinimada dalka, maadaama saddexda kursi ee ugu sareeya dawlada lagu kala qaato hab ku saleysan saddex qabiil.

Rajada Goodax waxay ku xiran tahay tirada codadka uu la yimaado oo lagu daray kuwa C/weli Gaas uu heysto. Waxaase suurtagal ah in Shariif Xaan ku taageero codadka taageerayaashiisa haddii ay arintu adkaato (wareegyada dambe ee doorashada), sida ka muuqata isfahamka C/weli Gaas iyo Shariif Xasan ka dhexeeya oo ku saleysan in Sheekh Shariif la dhaafiyo kursiga madaxtinimada, waana wax rumoobi kara haddiiba uu Goodax helo afhayeenka baarlamaanka.

3- Mustaf Dhuxulow: Waa reer Ceelbuur, Waa siyaasi aad u galgal badan, marar badana isbedbedela. Waayo hore waxaa lagu tirin jiray kooxda Aala Sheekh oo xita illaa heer wasiir ayaa la siiyey, laakiin beryahan dambe intii buuqu socday xerta Shariif Xasan ayuu ka mid ahaa. Hadda inuu Mustaf Dhuxulow isa soo sharaxo waxaa ka dambeeya Shariif Xasan.

Mustaf Dhuxulow, wuxuu dhanka rajada kala mid yahay C/laahi Goodax Barre, waayo haddii uu Goodax helo kursiga afhayeenka baarlamaanka waa QUUSTII Sheekh Shariif oo taasi micneheedu waxay noqonaysaa in WADAADKA iskaga baxo tartanka mar haddii nin ay isku beel yihiin yihiin uu helay afhayeenimada baarlamaanka oo ka mid ah saddexda kursi ee ugu sareeya hogaanka dalka.

Dhuxulow illaa hadda waxaa uu ku xisaabtamayaa codadka taageerayaasha Shariif Xasan ee ku jira baarlamaanka, dabcana welwel badan hadda kama muuqdo oo illaa 60-meeyo waa laga sheegayaa inay u gashay baarlamaanka la dhaariyey. Arin kale muhimadeeda lehna waxay tahay in aragtida dawlada Ethiopia ay la jirto Dhuxulow iyo Shariif Xasan.

Haddii guusha Dhuxulow ay timaado, waxay cadeyn buuxda u tahay in Shariif Xasan ama C/weli Gaas madaxtinimada ku guuleysan karo, sababtoo ah Shariif Xasan waxaa qaacido u ah “inuu madaxweyne noqdo ama inuu keeno madaxweyne uu isagu rabo”, sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay ragga ololaha Shariif Xasan wada ee Muqdisho jooga.

Isxulufeysiga Shariif Xasan iyo C/weli waa mid runtii cusub haddana dad badan ka yaabiyey. Xitaa madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa arinta Shariif Xasan darteed kaga xarig furtay C/weli Gaas. Laakiin libinta ugu weyn ee Shariif Xasan iyo C/weli Gaas ku jiifaan waxay tahay in tiradii ugu badneyd ee taageerayooda ay u gashay baarlamaanka cusub.

4- Prof C/risaaq Cismaan Juriile: Waa siyaasi reer Puntland ah, aadna ugu dhow xilligan madaxweyne Faroole oo taageero kal iyo laab dhaqaalana ku jiro uu ka helayo. Prof Juriile waxaa isa sharixidiisa ka naxay C/weli Gaas oo u arka inuu rajadiisa iftiinka ka xirayo maadaama ay isku gobol ka soo jeedaan oo aysan kuraasta sare ku wada loolami karin marka loo eego awood qeybsiga qabiilada. Taageerayaasha C/weli Gaas aad ayay uga careysan yihiin isa soo sharixida Juuriile waxayna u arkaan qorshe Faroole ku dhabarjebinayo ololaha C/weli Gaas.

Xildhibaanada uu Juriile codka ka sugayo waa tirada C/raxmaan Faroole baarlamaanka cusub u gashay, haddiiba C/weli Gaas koox ka jiidanin sidaasi darteed hadeysan wax dambe isbedelin ololaha Juriile aad uma adka illaa hadda.

Si kastaba nin kasta oo u tartamaya jagada afhayeenka baarlamaanka waxaa horyaala caqabado waaweyn oo ay ugu horeeyaan iibinta codadka xildhibaanada iyadoo ay xusid mudan tahay in musharax kasta oo ku soo baxa jagada uu meesha ka saarayo mustaqbalka musharax kale.

RBC Radio
Nairobi/ Kenya

———————————————————————————————————————————————————————————–
DIGNIIN:
Shabakada Raxanreeb waxay u digeysaa website-yada caadeystay inay xatooyada ku sameeyaan warbixinada Raxanreeb. Raxanreeb iyo RBC Radio waxay weli ku guda jiraan baaritaan lagu hayo kuwa xatooyada ku caanbaxay iyo kuwa ku been abuurta warbixinada.

Share

14 Responses for “Musharixiinta U Taagan Jagada Afhayeenka Baarlamaanka Iyo Sida Loo Kala Wato oo Raxanreeb Ay Heshay (Falanqeyn Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay)”

  1. prof piccolo says:

    rajo kama soo baxeyso kuwaan ku dagalamya jagooyinka iney dhacaan shacbka somaliyeed tuugadan iska ilooba ileen nin somali dan u haya majiaran ogaada kuwani qurbaha ayaa laga soo cayriyey iyo Bar fadhi ku dirir marka kuwani somaliya iney dagal sokeyey galiyan bay u yimadeen 1991 oo halag ka dhaco somaliya

  2. [...] Read the original post: Musharixiinta U Taagan Jagada Afhayeenka Baarlamaanka Iyo Sida Loo Kala Wato oo Raxanreeb Ay Heshay … [...]

  3. ina bulsho says:

    Laaluush xaaraan ah dowladii lagu dhiso waxeey ka dhigan tahay hal xaaraan nirig xalaal ah ma dhasho. Kuwii qaata laaluush iyo kuwii bixiya labadaba waxeey ku dhaceen dambi. Bal u fiirso wadamada yurub iyo mareykanka waxeey horumarka u gaareen waa in aan musuqmaasuq iyo laaluuusha ka jirin.

    Wadamada muslimka ah markaad lacag siiso ninka wax kala xukumo oo maxkamadaha fadhiyo in qof kale xaqeed ku siinayo.Askari booliis ah oo wadamada yurubta bari joogo laaluush lama siiyo sidaas daraadeed ilaah baa wax ka qarsooneyn oo la xisaabtamayo kuwaas ku ba’ay kala gadashada iyo laaluushka.

  4. khadija says:

    waxaan u maleynayaa in ay intaa ka badan yihiin dadka isi soo sharaxay aawey xasan abshir iyo qaar kaloo badan cayaari waa gelin danbe balse anigu qof ahaan waa aan ka soo horjeedaa waxa uu wato faroole gaas koley ku tahay.

  5. Waayo-arag soomaaliyeed says:

    Ku Raxanreeb
    Kelmedda Prof Goodax ee ah in si fudud loo adeegsan karo, ma aha kelmed ku habboon shakhsi aqoonyahan, siyaasi iyo masuul kaleba ah waxaan oran lahaa odayga ma qabatee ka saara meesha.

  6. B Jameeco says:

    Anaga Ilaaah baa noo adeeegaya oo aan ku klsoonahay intii xun ooo dhn Ilaah dhabarka haka jebiyo
    Ilaahhow Soomaaali u naxariiso

  7. Cadaado Man says:

    Raxanreeb waxaad ilowdeen siyaasiga ugu tunka weyn uguna ruug cadaasan raga u sharaxay booska afhayeenka Baarlamaanka waa Pro Cali Khaliif Galeydh. Ragan aad soo tiriseen si fudud ayuu ku cunayaa ninkaas waan ka qeyliyey anaga isku beel manihin laakiin waa wadani jira tuugtan kaloo dhan wuu uga qalmaa taageero badana wuu ka haystaa Soomaalida oo dhan qabiil kasta marka laga reebo reer pudland

  8. liibaan says:

    walaahi waa arin in lala socdo mudan waana arin aad u xiiso badan waligey howlaha siyaasada sidaan ulama socon lakiin tani xiiso siyaado ah bey leedahay thanks raxanreeb

  9. Cismaan says:

    Juurile waxaa taageersan Puntland iyo Shariif Xassan iyo qaar kaloo badan, Abduwali Gaas waa Nin jilicsan codka Puntland aan heleyn Qabayaad madaxmartey Xafiiskiisa ka buuxshey Beeshiisa. Juurile waxaan lee nahay viva Jagadan Qabo koley Madaxweyne Shariif baa ah.

  10. ali says:

    Raxanreeb waar hurdeysaan
    Shariif Xasan iyo cabdi wali labadaba way ka bexeen musharaxnimo kadib markii loo dhaariyey Xildhibaanimo.

    Mudane xanaf intii uusan dhaarin, sadex jeer ayuu ugu celiyey in ninkii raba xil aan ayen Xildhibaanimo ama wasiir uu isaga baxo Xildhibaanada cusub inta aan la dhaarin.

    Qofkii xildhibaan noqda manoqon karo musharax, mana qaban karo xilkale oo aan ayan ama xildhibaan ama wasiir.

    Musharaxna waan ahay xildhibaana waan ahay si aan aniga isku codeeyo axdiga daskuurka ayaa kasoo horjeeda

  11. FEDERALIISTE says:

    Anigu jartaan ( the chess board) har mid baan ka fahmi karaa…doonayaana ineey ka soo itfiinto..In la tuso \\\ inuusan majority aheyn kuna fariisan karo kursiga paarlamaanka…sababtoo ah miis kasta iyo jeeb kasta waxay ku sharaxdeen calankii buluuga ahaa…..iyagaana calankii buluuga ahaa wiiqay…hadeey ku fariistaan kursiga paarlamaanka…..WAY GARWAAQSAN DOONAAN -…xeeladooda siyaasadeed oo hadamada waan burburinayaa hadii aanan helin ku dhisan ayeey ka waantoobi doonaan Kadibna inshaa allaah ONE MAN ONE VOTE ayeey gaareysaa….qabiilna tartiib tartiib ayaa looga baxayaa Laakiin beelweynta ”” iyo /// iyo ///// MARGINALIZED ayeey siyaasada ka yihiin haddii ay ku heshiiyeen HAL PLATTFORM koleey wax aan guul aheyn uma arko.. sababtoo ah THIS GIVE ;;;; LITTLE TIME TO RETHINK AND SHARPEN THEMSELF UP…

  12. waxan uma laynayaa sanadkaan gudoomiyaha bar lamaanka qabiil ma ahan ee waa yaa uqalma oo lacag heysta

  13. aqoonyahan says:

    isa soo sharixida Jurile waxa ay guul u tahay c,wali gaas faroolana waa idinka badiyaa siyaasada cadiifadana wa uu inaga badiyaa wuxuuna wataa c,wali waa wax la ogyahay sababta uu u soo sharaxay jurile waa in uu dhulka la galo cali khaliif galayr oo isna u sharaxan xilka afhayenka baarlamaanka
    cali hadii uu isasoo sharaxo waxa yaraanaysa rajada ah in c,wali la doorto sidaas darteed si loo qaybiyo codadka darodka wa in ay laba musharax timaadaa waana cali khalif iyo jurile markaas si labadooduba u dhacaan

  14. jilbis says:

    Waa falanqeyn cilmi ku dhisan, bales dadka leh cali galeydh kaa waa wareega hore maxaa yeeley cid sweats ma jiraan, teamka ugu cad cad waa ina goodax Barre waxaa ku xiga jawaari ha la ogaado labada group midkood ayaa qaadi, abdiwali AMA sheikh Sharif mid uun baa soo noqon,

Leave a Reply