Nabad Sugidda Soomaaliyeed. W/Q S. Shire
Nabad Sugidda Soomaaliyeed
S. Shire
dantaguud@hotmail.com
Agoosto 25 2012
Dhaqan ahaan ka sheekaysiga siyaasaddu nolol maalmeedka bulshada Soomaaliyeed dhumuc weyn ayuu ku leeyahay. Marka dib loo jibaaxo taxanaha, waagii reer guuraaga la ahaa, kolka labo geeddi bar ku kulmaan oo la geeddi-furo, marka reeryada ratiga laga rogo oo dhidibbada aqalka la qotomiyo, ayaa shaah lagu tuuri jiray oo cabbidda shaaha lagu war iyo wacaal qaadan jiray. Gorfaynta siyaasaddu halkaas ayay ka bilaaban jirtay. Dhanka reer guuraaga war iyo wacaal la dhuro nolosha ayaa ku dhisnayd sababta oo ah muhiim ayay ahayd ogaanta deegaan roobabbow iyo caws leh. Markii magaalo la yimid caadadaan miyiga ka soo shidaal qaadday halkeedii ayay ka sii jaanqaadday oo magaalada ka dhaqan gashay nolol maalmeed ahaan.
Maanta iyo dunida casriga ah oo siyaasaddu tahay garaad maaddo jaamacadeed iyo takhasus lagu hanto, Soomaali ahaan dooddeedu weli waa qayb nolosha ka mid ah. Takhasus la’aanta awgeed se dooddeenna siyaasadeed ma leh faa’iidooyin dhiifoon, waa un madaddaalo iyo murtiyayn. Sawaxanka ka yeera labadii Soomaali ah oo goob ku kulma, oo falanqaynta siyaasadda iyo meesha ay marayso lama huraan tahay, ayaa ah baashaal aan ujeeddo lahayn oo lagu mushaaxo.
Dood-siyaasadeeddeenna ka arradan aqoon iyo waayo’aragnimo casriyeysan, oo isxiijin dabadeed lagu kala dareero, waxay ku meerataa wararka warbaahinta iyo aragti ka duulaysa wixii xun ba reer Galbeed baa ka dambeeya iyo sheeko qudbo sireed (conspiracy theory). Qudbo sireed waxaa lagu hagoogaa maskax u harraadan dhabta gunteeda ama ba marka runta la saluugsan yahay si looga meerto xaqiiq qaraar. Marar ayay doodda siyaasadeed baashaal ka durugtaa oo been ku fiddaa oo bulshada u baahisaa is-maandhaaf iyo dhalanteed xal lagu seego oo hurisaa fadqalallo.
Maan harraadan waxbarasho ayaa lagu waraabiyaa oo ayadaa loogu guntadaa dhabta nolosha iyo nolol maalmeed hanan. Waxbarasho la’aan waxaa ku yoto’an saboolnimo la talantaalli ah aqoonyari oo xagjirnimo currisa noocii ay doonto ha ahaatee. Waxyeellada waxbarasho la’aaneed ayaa ah khatarta ugu weyn ee ku gedaaman nabad sugidda Soomaaliyeed. Waa arrin mudan dhiirrigelin dadweyne iyo waxqabad deg deg ah. Ugu horrayn, ogaal ahaan, tusaale ahaan, in (i) cadowga koowaad ee Soomaaliyeed waxbarasho la’aan tahay, (ii) dhibaayoonka maanta isir ahaan Soomaalida ku xayraaman (saboolnimo, qabiilaysi, xagjirnimo, iwm) dhammaan aqoonyaridu u sabab tahay, (iii) qof aan waxbaran khaasaaro ugu fadhiyo dalka, (iiii) waddanniyaddu tahay waxbarasho oo qalinku qoriga ka qiimo sarreeyo haatan.
Dunida dal dharaar wal ba aan malaayiin ardayeed iskuul u aroorin ma jiro. Guusha ugu horraysa ee looga gol leeyahay ha ahaato nolol iyo maal abuur’e, ujeeddada ugu mug weyn ayaa ah nabad sugidda daleed. Dal dadkiisu aqoon lahayn ma horrumaro oo ma saldhigo oo ma sugnaado. Wax soo saarka koowaad ee uu dal xaqiijiyo waa waxbarashada ubadka, inta waxbarasho hufan dadweynuhu hubin nabad iyo nolol wax ku ool ah lama filan karo, Soomaali ahaan ma jiro falgal ka muhiimsan oo lagu dhaqaaqo. Waa tallaabada ugu gudboon oo lagaga kaban karo dagaalladii sokeeyeed ee salkoodu dhaqaale darrida ahaa (hanti dhawr ama hanto goob) maadaama dabayaaqadii siddeetameeyadii dalka ka jirin qaab kale oo nolol lagu sameeyo.
Geesta kale, isla weynida iyo kibirka, faanka iyo faataadhuglaynta, dabeecadaha qallafsan, dareen-larka – kul kul ku lar iyo gacan ka-hadal – iyo caadifad iyo ciil lagu go’doomo oo lagu saasaco ayaa aqoon looga gaashaantaa. In aan la qabsan la’ nahay dalalka na marti sooray, in aan mar wal ba annagu isla saxsan nahay iyo ka digtoonaanta saamanyta shisheeyeed waa la mid. Sababta oo ah degenaanshaha iyo miisaanka shaqsiyeed iyo bulsheed ayay xigmaysaa garaad ahaan waxbarashadu. Qaloonbiga, bullaanka iyo ortanka yeeraya oo un ku salaysan hebel iyo hebel baa wasiir ah, heblaayaa xildhibaan ah, kaas iyo keer baa madaxweyne ah, dhammaan waa lug-gooyo dan-beel ah oo la mid ah sheekaysigii siyaasadeed ee reer miyiga oo dhaqan magaaloobay oo natiijooyin la’. Waxaa cad in camalka bulshadu tebay isbeddel waxbarasho uu kaga barbaaro heerkii iyo meeshii uu waa’ ahaa oo haatan mutaystay casriyeyn dhisaalan aqoon cusub.
Sooyaalka dhaw waxaa ka muuqata tayo darradii waxbarashadii dalka ka diiwaangashay toddobaatameeyadii iyo siddeetameeyadii. Ka dar oo dibi dhal; labaatan sano ardayga Soomaaliyeed uma fariisan waxbarasho micne weyn dalka ugu taal. Waxay ku koobnayd laylisyo Carabaysi iyo buugaag Sucuudi Carabiya laga soo diray oo faafshey xagjirnimo lagu yaacay oo laga shallaayay oo hooyooyin badan goblamisay. Dabar goynta ku dhufatay haykalkii aqooneed ee Soomaaliyeed ee labaatankii sano ee burburku jiray oo dhalisay dhalanrog ballaaran, ka soo kabashada lug-gooyadeedu waxay qaadan doontaa ugu yaraan labaatan sano oo kale.
Cudud militariyeed iyo hay’ado sirdoon oo dalku unko waxaa ka muhiimsan, oo taariikhdeenna ku cad, waxbarasho lagu caano maalo oo waa hubaal haddii dhankaan dambe laga dhisnaan lahaa xalka Soomaaliyeed mar hore in la haleeli lahaa, oo laga waaban lahaa surunka aan cagta saarnay ee hadimaale.
Haddii waa’ dalku lahaa ciidan xooggan, oo arrintu waa’ dambe isu beddeshay askari gaajaysan iyo nacab gudaha dalka uga fal fuliyay si fudud, dhanka nabad sugidda Soomaaliyeed, maal gashiga wasaaradda gaashaandhigga muhiimad ahaan waa in ay la sinnaato maal gelinta wasaaradda waxbarashada.
Hamuunta loo qabo warbarasho tayo leh oo dalka iyo dadku ku badbaado ayaa waxaa mataanaysa baahi loo qabo hoggaan qaayo leh oo qaabbila himiladaas weyn. Taas oo u baahan hoggaamiyeyaal hiraal leh oo hirgeliya olole lagu baraarujiyo dadweynaha oo ku haga hannaan waxbarasheed oo doorsan. Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan u hoorsha dhan aqooneed, baahida Soomaaliyi u qabto taliye noocaas ah runtii dunida ma jiro dal kale oo qaba. Talis wal ba oo dalku yeesho oo kaalintaas gudan waaya waa uu fashilmay.
Hoggaamiyeyaashii dunida ugu doorka roonaa ee dhaxal ahaan magac iyo maamuus dhigay badigood waxay taabbo geliyeen waxbarasho aayatiin leh. Waxtarka ay leedahay waxaa ku dhisan taliska; waxbarashadu dadka ayay ka mashquulisaa oo hawlkar ka dhigtaa, oo nolol ku jeedisaa, oo ka du’daa gadood iyo mucaaradnimo joogto ah.
S. Shire
dantaguud@hotmail.com
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











s.shire waa muhiim qoraalkaaga qiiruu leeyahey
hayada nabad sugida,xooga dalka iyo waxbarashadu waa qaybaha soomaaliya ay burburkeeda ilaa hada ka soo kaban wayday waana sadexda hayadood ee qaran ku dhismo
Qoraalkan maaha mid lafahmikaro ujedadisa. ! Wayo ,qoragu manhajkii somalia ee 70 ilaa 80 kii wuu duray , manhajka sucuudigana wuu duray {subxanalaah}.
Maxuu rabaa marka dadka in labaro ? Waxaa kaloo ka muqata inuu leeyahay umadaha shisheye ma dhexgalo dhaqamadooda ee aynu dhexgalo qofkan dhexgalina waa reermiyi. Meaning less .
majiro xirir dhab ah oo kadhexeya jahliga iyo qabyalada e.g sh.sharif,farole,GAas waa wada UNV LEVEL.
Marka tasina dood maaha
@ mudug midnimada somaliya
Faroole xagee jamacad kaga soo baxay ??????
Dowladii somaliya ayaa qaab orphan ahaan ah waxbarasho basic education ah siiyay.
intaas wax dhaafsiisan anaku ma hayno.
Waa jidhay mar Australia uu jaamacad ka galay ka hor intuusan cab driver noqon balse way soconweysay oo englishkiisa ayaa ahaa very poor then wuxuu ku laabtay cab driver taxi tagsiile.
qoraalkiina micna uyeela oo sookooba fadlan waqti ayay igu qatay inaan aqriyo wax ujooda ha na kam fahmin teeda kele ciwaanka iyo qoraalka kala duwan yihiin.
Asw
S.shire waanu ku salaanay aniga iyo raga halakan ila fadhiyay wax fiican oo umadda qiiro galin u sameyn kara ayaad qortay, ha u joojin qoraalkaaga guubaabada ah, ,u maleen maayo in jaamac uu fahmay waxa wanaagsan aad ka hadashay ,waa kaa madaxweynihii qaniinyada ku dhagay.
ogowna geesi walba inuu cadow badan yahay ,una maleen maayo in jaamac fahmay waxa wanaagsan ood ka hadashay (keep up the good faith).
Jaamaow maxaa madaxweyne Dr, Cabdiraxmaan keenay mowduuc kale buu kahadlayay S Shire
osmanmosses@gmail.com
Br. Shire asc. Waa maqaal wanaagsan oo si dhab ah u taabanaya waaqica ka jira waxbarashada somaliya laakiin waad ku khaldan tahay 100% inaad manhajka iyo buugaagta Sucuudi Carabiya eedayso.manhajkaas eed ma leh ee baraha ama barbaariyaha ayaa eeddaas leh. Waa manhaj cilmi diineed iyo mid duunyadeed labadaba kulan saday oo saafi ah lahayna dac iyo qabash toona. Tusaale gabayadii carabta ee aanu dugsigii jamaal cabdi nasir ku dhigan jirney, sacuudiga waxaan ugu tagnay iyagii oo la kala hufay oo tuducyadii diinta ama anshaxa ka soo horjeeda laga reebay meesha masaarida iyo ciraaqiyiintu duuduub noogu dhigi jirtay.
Tacliiqaas yar ha deeqo sadrigaaga. Taxyaatii.