Natiijada Wareegii Koowaad ee Doorashada Afhayeenka Baarlamaanka oo La Shaaciyey Iyo Musharixiin Tanaasulay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow soo dhamaaday wareegii koowaad ee tartanka doorashada afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya kaasoo ay ku kala bixi waayeen musharixiintii u tartameysay jagada afhayeenka baarlamaanka.

Natiijada ay guddigu shaaciyeen ayaa sidan ku soo idlaatay 236 mudane oo codeysay:-

1) Maxamed Cismaan Jawaari = 119 cod

2) Dr Cali Khaliif Galeyr = 77 cod

3) Cabdi Xaashi C/laahi = 23 cod

4) C/rashiid Maxamed Xiddig = 10 cod

5) Xasan Abshir Faarax = 5 cod

Waxaa xumaaday 2 cod.

Sida guddigu sheegeen waxaa loo baahday in la galo wareeg labaad maadaama la waayey musharax hela 139 cod oo uu ku guuleysan lahaa afhayeenka wareega koowaad.

Musharixiinta tanaasulay

Waxaa soo istaagay Musharixiinta kala ah Cabdi Xaashi C/laahi oo helay 23 cod iyo C/rashiid Maxamed Xiddig oo helay 10 cod, labaduba waxay si cad u sheegeen inay codkooda siiyeen Prof Jawaari.

Cali Khaliif Galayr oo cabasho muujiyey

Dr Cali Khaliif oo ahaa ninka kaalinta labaad galay wareegii koowaad ayaa isaguna soo istaagay oo hadal jeediyey wuxuuna ku cawday in bilawgii shirka loo sheegay 228 mudane ay joogaan laakiin markii dambe ay codeeyeen 236 mudane arintaasoo guddiga doorashada ay sheegeen inay gadaal ka yimaadeen siddeed mudane.

Hadda waxaa loo gudbay wareega labaad oo ay ku tartamayaan labada musharax ee kala ah Prof Jawaari iyo Dr Cali Khaliif Galeyr, waxaana ay ku kala bixi doonaan cod hal dheeri ah, sida xeer hoosaadka baarlamaanka uu sheegayo.

 

La soco Raxanreeb.com

Share

Tags:

2 Responses for “Natiijada Wareegii Koowaad ee Doorashada Afhayeenka Baarlamaanka oo La Shaaciyey Iyo Musharixiin Tanaasulay”

  1. Fiqi Xaaji says:

    Prof. Jawaari will be the winner and the new Speaker of Somalia.

  2. Mursalow says:

    Nin wareeggiii hore laga raayay waa inuu qulqulaa!!

    Codadkaygii waxaan siiyay hebel waa musuq maasuq? waana in lala xisaabtamaa qofkaas? dadka codka siiyay saw hoe uma aha inay wareeggga labaad qofkii la fiican siiyaan codkoooda?

    ma xildhibaan aan codkiisa xor u ahayn baa jira oo musharrax ka gatay? waan ku doortay … waa lagaa raayay… dee codkayga wareeggga labaad qof kalaad qofkii ila fiiican oo ilaah igu og yahay baan siinayaa … ma adigii lagaa raayay baa ii sheegaya meeshaan codkayga gaynayao?

    ma iibkii la sheegayay baa?

Leave a Reply