Odoyaal Iyo Waxgarad Ku Eedeeyay Madaxweyne Shariif Inuu Faraglin Weyn Ku Haayo Soo Xulida Baarlamaanka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Odoyaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobalka Shabeelaha dhexe ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku soo saareen mudane ay sheegeen in uu yahay midka u matalaya baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Odoyaashaan iyo waxgaradkaan kulanka ku yeeshay Muqdisho ayaa ugu danbayntii waxay soo saareen C/Qaadir Cosoble Cali oo ay sheegeen in uu yahay midka kaliya ee u taagan gobalkaas ee umatalaya baarlamaanka cusub.

Waxgaradkaan ayaa waxay sheegeen mudanahaan in ay u gudbiyeen odoyaasha dhaqanka laakiin uu ka soo horjeestay in uu ka soo mid noqdo baarlamaanka cusub mudanahaan madaxweyne Shariif Sheekh axmed.

Odoyaal dhaqameedyada ayaa sheeay in madaxweyne shariif uu yiri ninkaan maadaama aanan codkiisa halaynin kama soo mid noqonayo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee badalaya Baarlamaanka hada jira.

Sidoo kale waxgaradkaan ayaa waxay baaq u jeediyeen dowladaha Caalanka iyo qaramada midoobay waxayna ugu baaqeen in ay arintaan arkaan in faragalin wayn lagu haayo soo xulida baarlamaanka.

Arimahaan ayaa waxay ku soo adayaan xili haatan ay socoto soo xulida baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, ee la doonayo in uu badalo baarlamaanka hada jira ee faraha badan, oona la doonayo in dhowaan lasoo gaba gabeeyo.

Dhowaanahaanba waxaa lagu eedaynayay madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya in ay faragalin weyn ay ku leeyihiin soo xulida baarlamaanka maadaama dhamaantoodba ay yihiin musharixiin u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

4 Responses for “Odoyaal Iyo Waxgarad Ku Eedeeyay Madaxweyne Shariif Inuu Faraglin Weyn Ku Haayo Soo Xulida Baarlamaanka”

  1. [...] See more here: Odoyaal Iyo Waxgarad Ku Eedeeyay Madaxweyne Shariif Inuu Faraglin Weyn Ku Haayo Soo Xulida Baarlamaa… [...]

  2. Ferdowsa Sheikh Ahmed says:

    Sheikh Shariif is really struggeling. his days are numbered.

  3. qarandhise says:

    sh. shariif waa u dhamaatay

  4. kingfaysal says:

    Asc warkaas in uu run yahay waxaa ka marqati ah sida 5tii =========== heleen uu ina axmed ugaas u hoos keyay shariifka. Waxa aan ka codsanayaa Suldaan Subeer in uu arintaas ka dhidhiyo si uu u ilaliyo sharafta reerka maxaa yelay xaglo geel wax gunti la kaliyo ka weyn,

Leave a Reply