Orodyahanada Soomaaliyeed Maxamed iyo Samsam oo Xaflad Sagootin ah Loogu Qabtay Bristol (Daawo Sawiro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

London (RBC) Xaflad Afur iyo Casha Sharafeed isugu jirtay oo lagu maamuusayey Oradyahanada dalkeena matalayey ee kala aha Samsam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan ayaa xalay si heer sare ah uga qabsoontay Magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska.

Munaasabad oo aheyd mid looga mahad celinayey Oradyahanada iyo Gudigii Olombikada ee uu horkacayey Cumar Cabdiqadir Baarajab oo ka mida Laacibiinta dalkeena soo maray ayaa ku bilaabatay jawi farxad leh iyadoo furitaankii uu kusoo dhaweeyey Prof Cumar Sabriye oo kamida Odayaasha Magaalada iyadoo uu u sheegay in Bristol tahay magaalo Soomaalida ku nool ay ku caanbaxeen Soomaalinimo iyadoo sidoo kale uu ka hadlay Agaasimaha hey`ada Act For Somalia oo ah hey`ada soo Casuuntay Wafdiga Olombikada Mudane Maxamed Cantoobo, isagoo sheegay in ay farxad u tahay in Hey`ada Act For Somalia in ay isku howsho markasta arimaha khuseeya isku dumida shacabkeena Soomaaliyeed.

Madasha sidoo kale waxaa ku hadlay Magaca Haweenka Maama Xaliimo oo sheegtay in qiirada heysa Caawa ee ay u qabto Orodyahanadan magaceena matalay ay ka balaaran tahay Bada iyadoo markii danbe Buraanbur u tirisay Samsam iyo Maxamed oo ay kaga hadleysa halgankey u galeen kor u qaadida Calankeena, sidoo kale waxaa ka hadlay wax garad fara badan oo iyagu aad ugu faraxsanaa in Caawa Bristol ay kusoo booqdaan dhamaan wafdiga Olombikada gaar ahaan Labadan Ciyaar yahan iyo Macalinkooda Axmed Abiikar oo isagu horey ciyaar yahan ciyaraha fudud u soo ahaa.

Sidoo kale Xaflada gabay si cajiiba loo laxameeyey ka qaadaya Fanaanka da`ada yar ee Ceydaruus oo ku magacdheer “Mali Boy” kaasoo uu ugu talagalay Labadan orodyahan kana hadleysay in ay yihiin ubadkii colaadaha oo aanan helin, wax kastooy ku horumarin kareen awoodooda oradeed si la mida kuwa
wadamada Caalamka.  Sidoo kale Xoghayaha Xiriirka Kubada Koleyga Mudane Siciid Faarax Ducaale ayaa isna madasha ka hadlay isagoo aad ugu mahad celiyey sida sharafta leh ay reer Bristol ugu sameeyeen Maamuuskan iyadoo Mudane Siciid lagu xusuusto Gabdhihii Kubada Koleyga ee dalal badan o Carbeed dhabanka dhulka u dhigay in uu horkacayey.

Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Laliska Prof Maxamed Cali Cadow ayaa isna ka hadlay Madasha aadna ugu mahadceliyey Xafladan, isagoo sidoo kale ka sheegeeyey sida ay ku wadaan howlaha hormarinta Isboortiga Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Gudiyada Olombikada ay yihiin kuwa ay hogaamiyaan Soomaali isku dhaf ah oo aan Jufa kaliya aheyn, Doorashada soo socota ee Olombikadana ay u furan tahay bahda Isboortiga in ay isku soo taagaan rugcadaagan shaqada Isboortiga kaga soo biiray Wasaarada Isboortiga sanadkii 1974 ayaa sheegay in Oradyahan Maxamed Xasan uu sameeyey record cusub muda 35 sano aysan soomaaliya sameyn, isagoo sheegay xitaa sanadkii ugu horeyey ee tartan Caalami uu ka qeybgalo Cabdi Bille uusan sameyn sidaa darteed Maxamed Xasan la isku raacay in uu leeyahay mustaqbal weyn.

Gudoomiyaha Wafdigii Olombikada ee ka qeybgalaaya Ciyaaraha ka socda dalkan Ingiriis Mudane Cumar Cabdiqadir Baarajab ayaa sheegay in Magaalooyinkii ay soo mareen dalkan Ingiriiska ay tahay Magaalad Bristol magaalada ugu wanaagsan ee ay booqdaan isagoo uga mahad celiyey isku duubnidooda,isagoo sidoo kale sheegay in arintii Calanqaadka Cabdi Bille ee suuragalin weysay aysan aheyn mid iyaga katimid balse xagga Olombikada aduunka sharci ay soo rogeen ay tahay wuxuuna sheegay in Maxamed Xasan liistiga Olombikada Aduunka ay soo saartay uu ka galay kaalinta 24 ayna ka hooseeyaan ilaa 6 wadan taasna ay u tahay sharaf.

Xafladan oo aheyd mid aad looga soo shaqeeyey ayaa gunaanadkii waxaa ka hadlay Cabdi Rubac oo ku hadlayey Hey`ada Act For Somalia isagoo uga mahadceliyey Gudiga Olombigada sida sharafta leh ay u aqbaleen imaan shiyahooda Magaalada Bristol.

_____________________________________________________________________
Qoraalka iyo sawirada waxaa Raxanreeb soo gaarsiiyey Guddiga Olombikada Soomaaliyeed.

Share

Tags:

3 Responses for “Orodyahanada Soomaaliyeed Maxamed iyo Samsam oo Xaflad Sagootin ah Loogu Qabtay Bristol (Daawo Sawiro)”

  1. Magaceenii Waad Ku ciyaarteen. Laakiin Waxa Ceebtii innaga Mayray mo Farax.
    Hadaanad is hubin, Ama Wax kuu Diyaar Ahayn Townka Laysma Soo Dhigo.

  2. A.A.Xade says:

    @ Oday Soomaaliyeed, Maxamed Faarax ceebi kaama meeyrine Ingiriis buu ka meeyray. Bale magaciisii oo dhameystiran ayuu ka faanay si aanan Muslim loogu maleyn, halka labadan qofna aayba isu soo taageen in aay metelaan calan iyo dal magaciisu maanta laga faano oo laga yaso Qaaradaha Adduunku.

  3. caraseedo says:

    TO: oday somaliyed:waa lagaaga fadhiyaa haddaad wax tarayso,orodyahanada somaliyeed waxaan u rajeeyay guuuuuuuuuuul aan la xisaabi karin,maxaa yeelay dalkoodii oo aan dawladi ka jirin muddo 22 sano ah haddayba calankoodii la sureen calamada dawladaha adduunka ee wax isbidaya waa guuuuuuuuul aan la heli karin oo guulle noo qadaray[[Maansha Allaahu]] intaas baaba wax dhan ah.

    Maxamed Faarax dowladda Ingiriiska ayaa maal gashatay,ee yaa maal gashaday kuwaan somaliya ka socda???dalkoodii waa holcayaa muddo dheer,garoon ay ku tababartaan maleh,dhaqaalo maleh,nabadgalyo maleh,tababar maleh,caafimaad maleh,marka maxay ku helaan billad???
    ka jawaab oday somaliyed??.Miyaad huruddaaaaa????? xaggee ku maqnayd??mahadaad dhalatay??

Leave a Reply