Puntland Oo Lagu Wareejiyay Burcad-Badeed Laga Keenay Seychelles


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garowe [Radio RBC] Maamulka Puntland ayaa shaley lagu wareejiyay labo dhallinyaro ah, oo horey looga qabtay xeebaha Xaafuun ee Puntland.

Dhallinta lagu wareejiyay  Puntland ayaa ahaa labo, kuwaasoo diyaarad ay ka keentay jaziiradda Seychelles, kaddib siddeed bilood oo lagu hayay halkaas.

Waxa dhallintaas laga dajiyay Garoowe, waxana  gacan ka geestay hey’adda QM u qaabilsan dambiyadda ee UNODC.

Labada wiil oo lagu magacaabo, Burhaan Yuusuf Axmed iyo Cabdi Qadar Maxamed ayaa waxa ay jireen 11-sanno iyo 12-sano, waxana loo soo celiyay, markii uu maxkamad oogaha Sycheles uu sheegay in aysan gaarin da’da dacwad lagu soo oogi lahaa.

Wiilasha la soo celiyay, ayaa markii hore ahaa 14-, waxana 12-ka kale lagu xukumay 12-sano iyo bar, kuwaasoo ku xiran jasiirada Seychelles.

Agaasimaha la dagaalanka Burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadlay goobta laga soo dajiyay dhallintan lagu eedeeyay burcad-badeed, ayaa sheegay in labada wiil loo soo celiyay markii da’dooda ay yaraatay.

“ Puntland iyo Seychelles waxa ay gaaren heshiis ku aadan, in burcad-badeeda Soomaalida ee ku xiran dalkaas lagu soo wareejiyo dowladda Puntland, marka kuwa xukuman halkan ayey xabsigooda ku dhameesan doonaan kuwa kale ee aan la xukumina halkan ayaa lagu xukumayay”

Ugu dambeyn waxa goobta ka hadlay Burhaan iyo Cabdi Qadar oo wiilasha la soo celiyay, kuwaasoo sheegay in dhibaatooyin ay ka mid tahay jirdil ay la kulmeen intii ay ku xirnaayeen Seychelles, isla markaana aysan ahayn burcad-badeed oo si qalad ah looga qabtay xeebaha Xaafuun.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Garoowe

Share

Tags:

3 Responses for “Puntland Oo Lagu Wareejiyay Burcad-Badeed Laga Keenay Seychelles”

  1. [...] Read More: Puntland Oo Lagu Wareejiyay Burcad-Badeed Laga Keenay Seychelles [...]

  2. mudug-hero says:

    Masha allah wiilasheeenii dulmiga lagu xir-xirtay baaa noo yimid insha allah kuwa kale ee xabsiyada kenya iyo shiisilis kuharayba waxaan rajaynanaynaa in dhaqso naloogu soo daayo waa dhalin lagu xadgudbaye

  3. qdar says:

    wilashan haday u yaraato 20 sano kama yara hadii ay sawir kooda kan yahay.

Leave a Reply