Puntland oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dastuurka Federaalka KMG Ah ee Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garoowe [RBC Radio] Madaxweynaha Puntland ayaa maanta soo dhaweeyey Ansixinta Dastuurka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya kaas cod aqlabiyad leh ay ku meelmariyeen Ergadu boqolkiiba 96%.

Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo Saxaafadda kula hadlay aqalka Madaxtooyadda Garoowe ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Ergada Ansixiyey Dastuurka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya isla mar ahaantaana waxa uu mahadcelin balaaran u jeediyey Ergadii ka qeybgashay Shirka.

…”"Waxaan aad ugu mahadcelianyaa Ergada maanta Xamar isugu tagtay oo Dastuurkii Ansixisay Soomaaliyeed oo ahaa kii ugu horeeyey ilaa intii uu burburku dhacay oo Dastuur Federaal ah dadka Soomaaliyeed ay ka shaqeeyeen xoogoodna geliyeen..”"ayuu yiri.

Waxa uu tilmaamay Faroole in Dawladda Puntland iyo Shacabkeeduba ay qeyb weyn ka qaateen taaba gelinta Dastuurka hadey noqon lahayd qaab cilmiyeysan,taageero iyo farsamaba balse waxa uu sheegay in haddiiba la ansixiyey Dastuurka ay Puntland daldaloolo yaryar ka tirsaneyso laakiin loo xalin doono gaarkeeda.

….”"Ergadii halkaas isugu timid in kastoo qeyb weyn anaga ay kamid tahay ayna Shirka gelin oo taasna goonideeda ayaan uga hadli doonaa waxyaalo aan wax ka qabno waa jiraan laakiin Ergadas baan mahadgaara u celinayaa iyo beesha caalamka oo gacanta nasiisay iyo intii ka qeybqaadatay…”“ayuu yiri Farole.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in guul weyn oo aan la soo koobi karin ay tahaya maanta oo ay ku beegantahay Sanadguuradda 14-aad ee Aasaaska Dawladda Puntland taasoo iyana kusoo beegantay Asixinta Dastuur Soomaali oo dhan leedahy kaasoo taabagelintiisa door lixaadleh ka qaadatay Puntland.

..”"Waa guul weyn 1-agoosto inay barakaysan tahay, maalmo aan barakaysneyn baa barakada lagu sheegi jiraye waxaad ku garaneysaan Dastuurkii Soomaaliya waxa ansixintiisa lagu beegay una malaynmaayo hadde inay ahayd ku talagal Ilaahay baa ku beegay maalintii dhalashada Dawladda Puntland oo Federaalka u horseeday…”"ayuu yiri.

Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya oo maanta si kumeelgaar ah ay u ansxiyeen Ergadda ayaa waxa HAA ugu codeeyey 621 ergay oo u dhiganta 96% guud ahaan ergada,waxana MAYA ugu cadeysay 13- ergay oo u dhiganta 2% guud ahaan ergada halka ay iyana ka aamustay 11- ergay oo iyana u dhiganta 2% guud ahaan ergada.

_________________________

RBC Radio
Xafiiska Garoowe

Share

Tags:

4 Responses for “Puntland oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dastuurka Federaalka KMG Ah ee Soomaaliya”

  1. [...] View article: Dawladda Puntland oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dastuurka Federaalka KMG Ah ee Soomaaliya [...]

  2. Puntlander says:

    Maxaa loo soo dhaweyn waayey? Inuu wadanku dastuur yeesho waxaan soo dhaweyneeyn ciil qabe iyo cadow sokeeye!!!

  3. [...] View the original here: Puntland oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dastuurka Federaalka KMG Ah ee Soomaaliya [...]

  4. NMJ says:

    CIIL QABE IYO CADOW SOKEEYE EE SOOMAALIYA WAA PINTLAND IYO FAROOLE CAQLI LAAWE, EE CALI U II BIYO DAAYEERKA

Leave a Reply