Qaban qaabo balaaran oo laga dareemayo Muqdisho iyo Raysal Wasaarihii Hore Farmaajo oo ku soo wajahan
Muqdisho (RBC Radio) Xili maanta magaalada Muqdisho uu ku soo wajahanyahay Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo haatana ah musharaxweyne ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa diyaar garow balaaran.
Diyaar garowga iyo soo dhowaynta Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa haatan waxay ka socota garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana haatan halkaasi ku sugan dadweyne badan.
Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa horay wuxuu u soo dhoqday Raysal wasaaraha Soomaaliya, waxaana xilkaasi uu haayay mudo lix bilood ah, qilaaf soo kala dhexgalay asaga iyo madaxda kale ayaa keenay inuu xilkaasi isaga dago.
Wuxuu haatan hogaamiyahaa Maxamed Farmaajo xisbiga Tayo oo ay ku jiraan xubno badan oo intooda badan ka tirsanaa xukuumadiisii mudadii ay shaqaynaysay.
Inkastoo haatan ay soo dhowdahay xiliga doorashada ayaa hadana Musharaxaan wuxuu ka midyahay musharixiinta ugu cad cad xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.
Tartanka Madaxtinimo ee Soomaaliya oo sanadkaan lagu qabanayo magaalada Muqdisho, ayaa hadana waxaa jira musharixiin badan oo u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Wixii ku soo kordhaa kala soco RBC
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] Original post: Qaban qaabo balaaran oo laga dareemayo Muqdisho iyo Raysal Wasaarihii Hore Farmaajo oo ku soo wajaha… [...]
Anigu waan soo dhaweeynayaa Farmaajo……100% wuu dhaamaa Af-guduu, Gas, iyo Sakin
Waxaan soo jeedin lahaa in taageero hagar la’aan ah lala garab istaago khaasatan Dard
ANiga oo ku hadlaya magaca JWXO iyo dhamaan inta ku abtirsata aad iyo aad ayaan u soo dhaweeynayaa Farmaajo….Xaq ma’aha in eey reer Pintland Mucaaradka ugu horeya uguna xag jirsan ku noqdaan Farmajo, arintaas hadeey sii socota waxaa dhimanaya kalsoonida yar ee naga dhexeeysa
maanta i taageer bari ayaan ku taageeraya ….Mindi mindi ku taag ma socon karto waa in uu caqliga shaqeeyaa…..dadka Midnimadoodana laga shaqeeyo intii lasii kala dili lahaa
farmaajo waxaan u rajeynayaa guul insha allah