QM iyo Midowga Africa Oo ka Walaacsan Soo Xulidda Baarlamaanka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [Radio RBC] Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa digniinka soo saaray qaabka loo xulayo mudanayaasha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, oo hadda ay hareeyeen laaluush,,Cabsi galin, iyo qas lagu hayo, odayaasha soo xulaya mudanayaasha baarlamaanka ee Soomaaliya

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danhire Mahiga iyo dhigiisa midowga Africa, Abuubakar Diyaara, ayaa war wadajir ah oo ay soo saareen waxa ay ku muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin in soo xulidda xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.., oo ay hadda carqaladeen ku hayaan kooxo doonaya inay shaqeyn wayso qorshaha roadmap-ka.

War-murtiyeedka waxa kaloo lagu sheegay in cid kasta oo isku dayda inay boqonta jaraan ama, dib u dhigaan qorshaha ku-meel gaarka looga gudbayo laga qaadi doono tallabo ku habboon,

QM iyo Midowga Africa ayaa ku sheegay war-murtiyeedka inay helayaan xogo ku saabsan in dadka qaar ay adeegsanayaan laaluush bixin, cabsi gelin, qas iyo caddaalad darro saameyn karta soo xulidda baarlamaanka, doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Ugu Dambeyn waxay ugu baaqeen dhinacyada siyadda iyo odayaasha dhaqanka in xilliga KMG ah lagu soo gabagabeeyo waqtiga loo qabtay oo ah 20-ka bisha August oo wax ka yer labo toddobaad ay ka harsan yihiin.

Si kastaba, war-murtiyeedka ay wadajir u soo saareyn QM iyo AU, ayaa waxa uu ku aadayaa iyadoo xiliga loo qabtay in la soo dhameestiro xubnaha baarlamaanka cusub ee 275-mudane oo shaley ku ekaa ilaa hadda seddax meelood labo meel ay dhiman yihiin, is qabqabsi iyo buuqna uu hareeyay goobta uu ka socdo odayaasha ku howlaan soo xulida baarlamaanka.

RBC Radio
———————
Xafiiska Wararka Muqdisho
.

Share

3 Responses for “QM iyo Midowga Africa Oo ka Walaacsan Soo Xulidda Baarlamaanka”

  1. khadar says:

    ugaas ugestine mahige aday kuu taalaa shaqadu. ugas

  2. allaale says:

    mahiga ugaas saxa ah. mid xaqa iyo runta uga dhow ma joogo meesha.

  3. somali says:

    Mahiga waa isaga midka kooxda uula safan yahay ee gaas iyo sakiin lacagta ey wax ku iibsanayaan soo siiyey waana qaa-inka ugu weyn ee laaluush bixinta ujeedka uu lahaane oo ahaa inuu madaxweynaha af-gambiyo waxuu u muuqdaa mid dhicisoobay amisom kor mihiiga hoos:-D

Leave a Reply