Qaramada Midoobay Oo Cambaareysay Duqayntii Ka Dhacday Kismaayo
Nairobi (RBC) Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay duqeyn dhawaan lagu garaacay magaalada dekadda leh ee Kismaayo.
Isku duwaha howlaha bani’aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mark Bowden, ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaalada Kismaayo, oo dhawaan duqeyn ka timid maraakiib gobalka ku sugan.
Wuxuu sheegay in ay muuqato dagaal ku soo fooleh magaalada Kismaayo oo ah magaalo ay ku xooggan yihiin kooxda Al-Shabaab.
Duqayn magaalada ka dhacday Sabtidii ayayaa waxa ku dhintay ilaa saddex qof, afar kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen wararka deegaanka laga helay.
War-qoraal ah oo uu Mark Boden soo saaray maanta ayuu ku sheegay in ay duqeyntii dhawaan ka dhacday Kismaayo ay khasaaro geesatay, taasoo oo xagga badda ka timid.
Ciidanka midowga Africa ee AMISOM ayaa hadda sheegay in ay qorshahooda uu yahay siddii ay u qaban lahaayeen magaalada Kismaayo ka hor 20-ka August oo ku eg xiliga Ku-meel gaarka Soomaaliya.
Mr. Bowden ayaa sheegey in duqeyntii ugu danbeysey ee cirka iyo badda ee lagu qaaday Kismaayo ay dad rayid ah dhibaato ka soo gaartey.
Ugu dambeyn ka waxa uu ka codsaday Mark Bowden qeybaha ku diriraaya Kismaayo in ay dadaal walba u galaan sidii loo yareyn lahaa saameynta ay dagaaada ku yeelan karaan dadka rayidka ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi










