QM Oo Soo Dhaweysay Baarlamaanka Cucub Ee Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

New York (RBC) Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa soo dhaweeyay dhaarinta la dhaariyay xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, oo shaley ka dhacday Muqdisho.

Waxa uu sheegay in ay tahay tallaabo wanaagsan oo dhabaha u xaareeysa siddii Soomaaliya ay cagaheeda isugu taagi lahayd iyo taarikh cusub.

“Dadka Soomaalida waxa muddo 20-sano ay sugayeen nabad ka dhalata dalkooda, waa waqtigii ay u bilaaban lahayn Soomaaliya taarikh cusub” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiikiisa New York.

Waxa uu ugu baaqay kooxaha Soomaalida ee gacanta ku heysa arrimaha hadda socda in ay hubiyaan xaaladaha in ay ku dhamaadaan si nabad-galyo leh oo xor ah.

Waxa ugu hambalyeeyay ummadda Soomaaliyeed in ay gaareyn waqti muddo dheer ay sugayeen, taasoo ay ku helayaan nabad, xasilooni iyo siyaasad sal leh” ayaa lagu yiri warka uu soo saaray Ban-Ki Moon xoghayaha guud ee QM.

Waxa uu ugu baaqay guddiga farsamada iyo odayaasha dhaqanka in ay soo xulaan baarlamaan karti leh oo wax ka qaban kara xaaladda Soomaaliya.

Waa in ay doortaan afhayeenka baarlamaanka iyo ku xogeennadiisa kaddibna madaxweynah jamhuuriyadda Soomaaliya, taasoo soo afjareysa xiliga KMG ah sida lagy gaaray heshiiska. Ayuu ku soo dhameeyay warka uu soo saaray Mr. Ban-Ki Moon

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Leave a Reply