Qodobkaas Sumad Ayaa Iigu Taal
Agoosto 06 2012
Soomaalidu waa raacatee afka miyiga waxaa uu u leeyahay erey-bixin gooniya waana kan aan u door biday ciwaanka qormadan gaaban, marka xoolaha ceelka loo waraab geeyo way isku yaacan Ariga Geela iyo Loduba, waxaase lagu baadi soocaa sumada, hadaba qodobada loo sharuudeeyey kamid noqoshada baarlamaanka imaan doona mid ayaa sumad gooniya ii leh, hadii uu dhaboobana sumadaydii ayaan ka helay waana baadi igamaqnayd oo bahal iyo balaayo kalaba kasoo magan gashay.
QODOBKA SADDEXAAD ee oranaya waa in aanu dadka iyo dalka danbi hore uga gelin qodobkaas waan qodob lagu diirsaday waase hadii uu dhaboobo, 275 xildhibaan oo aan dalka iyo dadka midnaba danbi ka gelin helidoodu waxay iiga dhigan tahay xoriyadii somaliya oo markale loo soo banaan baxay, xikmada aan ka guntey abwaan Maxamed cabdulaahi singub waxaa ay igu reebtay uur kutaalo waana kalimad xaqiiq ahaan ka turjumaysey siyaasada dibada iyo gudaha ee somaliya ka socota, waxaanu yiri abwaanku( ninkii dilayey baw doodayee nabadba yaw doonay) hadii maanta qodobkaas sumada aan laga tirin oo aanu noqon hadaladii macaanaa ee lagu bartay gudiyada shirarka waxaan leeyahay abwaan singubow war soonoqay.
waxaan kaloo dadka wax qora ama arimaha ka faalooda ku baraarujin lahaa maahmaahda soomaaliyeed oo tiraahda hali maalin bay ceel joogtaa, war maanta aan sumadaas ka fiirino xildhibaananada hadii laga waayo sumadaasna waxaan codsi gaara u dirsanayaa kooxda qaylo dhaan inay sumadaas hadii la waayo nala qaylo dhaamiyaan.
gumaanadkii waxan talo ahaan oran lahaa gudiga madaxa banaan ee xulida baarlamaanku inaanay qodobkaas wax gorgortan ah ka gelin waayo waa noloshii dadka iyo dalka, taariikhduna maalin ayay qorantaa.
wardoon@journalist.com
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











[...] View original post here: Qodobkaas Sumad Ayaa Iigu Taal [...]
A/C
@ Wardoon
Indheergarad indheergarad dhalaybaa tahay. Sumadaadase heli maysid. Koley sannadahaan maya.
Jiilkaan qof aan dambi galin wuu yaryahay. Hadii inta aanan dambiga la isku dardaro 275 ma gaarayaan…kkk AstakhFirullah!
Jj