F I: Qorshaha Labaad ee Shariif Xasan Sheekh Aadan Iyo Caqabadaha Heysta (Warbixin)
Qorshaha Labaad ee Shariif Xasan Sheekh Aadan Iyo Caqabadaha Heysta
Guuleed Ismaaciil
L/H: Raxanreeb@Gmail.com
Falanqeeye Idman
Agoosto 27 2012
Nairobi (RBC) Dad badan baa la yaabay markay maqleen in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu rabo “Madaxweyne Soomaaliyeed” una qaatay in laga been abuurtay ama la gaarsiiyey heer uusan lahayn si kasta oo ay ku timaadaba, waxaase laga yaabaa in qofka uu si u sheegi lahaa dareenkiisa ku aadan siyaasadda iyo qorshaha Shariif Xasan.
Sanadkii 2004 ayey ahayd markii ugu horeysay ee Shariif Xasan magaciisa iyo muuqiisa lagu dhex arko fagaare siyaasadeed oo Soomaali joogto. Wixii intaa ka horeeyay waxaa la weriyaa inuu ahaa ganacsade guuleystay, una badnaa Baydhabo iyo Nairobi, marar ka sii horeysana Hargeysa illaa Muqdisho wuu u kala safri jiray.
Dadka Soomaalida, waxay Shariifka aad u barteen berigii uu ka baxsaday dawladii C/laahi Yuusuf ee uu afhayeenka baarlamaan ka ahaa, markale wuxuu caan noqday markii wasiirka maaliyada looga dhigay xukuumaddii Cumar C/rashiid sanadkii 2009 berigaas oo la sheego in isaga iyo madaxweynihiisa Sheekh Shariif ay xafiisyo ka dhigteen labo qol oo isku dhegan xarunta Villa Soomaaliya (sida madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen). Markale wuxuu soo caan baxay bishii May 2010 marii uu kursiga ka tuurtay Sheekh Aadan Madoobe oo ahaa afhayeenkii baarlamaanka.
Ujeedada isa sharixida Shariif Xasan
Sida dadkaba ay ugu kala aragti duwan yihiin, ayaana loogu wareerayaa in fasiraad dhab ah laga bixiyo damaca madaxweyne ee Sharif Xasan iyo waxa uu ku saleysan yahay. Saaxiibadiisa aadka ugu dhow waxay sheegayaan in saddex arimood ay ugu weyn tahay in Shariif Xasan isku sharaxo MADAXWEYNE Soomaaliyeed.
- Kadib markii uu ku daalay kursiga afhayeenka oo uu mudo joogay, wasiirnimada uu soo maray, ayuu u arkay in madaxweynuhu yahay meesha kaliya ee isaga u dhiman, haddana la joogo markii uu kursigaasi ku fariisan lahaa wax kasta oo uu ku helaba.
- In uu jebiyo “Sunnada qabiiliga” ee Soomaalida wax ku qeybsato beryahan dambe taasoo sheegeysa in beesha uu ka soo jeedo [Digil iyo Mirifle] aanay ka soo agdhowaanin madaxweynanimada, gaar ahaan fikirkaasi oo ay aad ugu dhegan yihiin siyaasiyiinta Hawiyaha iyo Daaroodka oo kursiga isku bedbedela.
- Arinta saddexaad ee taageerayaasha Shariif Xasan ay sheegayaan waxay tahay in isleeyahay fikirka iyo waayo aragnimada ku jira inuu ku tijaabiyo madaxtinimada maadaama uu rumeysan yahay in waqti hadda ka horeeyay uuaan fursad u helin inuu sidaasi sameeyo.
Lama diidi karo in ay adag tahay in dhaqanka qabiiliga [Sunnada qabiilka] laga gudbo mardhow iyo si dhow midna, laakiin dadka yaqaana Shariif Xasan waxay sheegayaan in welwelkaasi aanu qabin oo hamigiisa run ayuuba ula eg yahay mar haddii awooda kaliya ee lagu xisaabtamo ay tahay mida AMISOM, oo taa micnaheedu wuxuu yahay in “Xamar loo siman yahay nin dhow iyo nin dheerba ninkii kursiga yimaada waxaa waardiye u noqon doona guutada Uganda ee Villa Soomaaliya ilaalisa”.
Qorshaha labaad ee Shariif Xasan muxuu yahay?
Sida ay sheegteen taageerayaashiisa, Shariif Xasan wuxuu heystaa illaa 70meeyo cod [xildhibaan oo raacsan] laakiin ilo madax bannaan waxay Raxanreeb u sheegeen in illaa 58 xildhibaan inuu heysto hadda. Marka loo eego saadaasha suuqa taalla iyo xogaha hoose ee xildhibaanada la dhex helayo Shariif Xasan waa ninka hadda ugu codadka badan baarlamaanka dhexdiisa (waase suurtagal in ay wax isbedelaan maalmaha soo docda).
Raxanreeb waxay ogaatay in Shariif Xasan uu hadda leeyahay qorshe labaad “Plan B” oo uu rabo inuu wajaho haddiiba uu waayo kursiga madaxweynaha. Qorshahan wuxuu ka dhashay kadib markii rag miisaan leh oo ka soo jeeda Baay iyo Bakool sida Pof Jawaarey [gadaalna ay ka riixayaan siyaasiyiinta Daaroodka iyo Hawiyaha] uu soo galay loolanka xildoonka, waayo suurtagal ma ahan in haddii Prof Jawaarey uu helo afhayeen baarlamaan in Shariif Xasan wax heli karo. Waxaa kaloo culeys labaad ku noqday Shariif Xasan talooyinka iska soo daba dhacaya ee ka imaanaya beesha Caalamka kuwaasoo si muuqata iyo si dadbanba u yeerinaya in beelaha Muqdisho loo daayo madaxweynaha, sidaasi darteed ayuu Shariif Xasan wuxuu hadda la soo baxay qorshihiisa labaad.
Qorshaha labaad wuxuu dhici karaa oo kaliya haddii Prof Jawaarey ku guuleysto jagada afhayeenka baarlamaanka ama nin kale oo ka soo jeeda Digil iyo Mirifle sidaasina albaabka kaga xirmo Shariif Xasan. Marnaba ma uusan fileyn Shariif Xasan in siyaasi kale oo Beelaha Digil iyo Mirifle uu la loolami doono qiilqiilna uu gelin karo xilkiisa, sida hadda dhacday.
Sida ragga ololaha Shariif Xasan wada ay sheegayaan, wuxuu qorshuhu yahay in Madaxweyne uu Shariif Xasan rabo yimaado haddii uu isaga meesha waayo, si taasi loo rumeeyana waxaa uu dhisayaa hadda xulufo ka kooban qabiilo kala duwan. Mida ugu horeyso waxay ku wajahan tahay in Dr. C/weli Gaas uu kula gorgortamo codadka uu heysto si uu uga helo rabitaankiisa waayo wareegyada dambe ee doorashada waxaa qasab ah in la sameeyo isgaashaanbuursi lagu guuleysan karo.
Shariif Xasan iyo C/weli Gaas waxaa isku dan ka dhigaya, waa sidii WADAADKA [Sheekh Shariif] loo dhaafsiin lahaa kursiga, marka horase waa in laga fekeraa in musharax beelaha Hawiye ka soo jeeda [sida C/laahi Goodax Barre] xilka gudoonka baarlamaanka lagu garabgalo, haddii ay taas dhacdana waa khatar kale oo C/weli Gaas soo wajaheysa, waayo C/weli wuu og yahay in Shariif Xasan aan la isku halleyn karin- waa labo daran mid dooro!!. Arintan waxay markiiba C/weli Gaas ka geysay taageeradii uu ka filayey C/raxmaan Faroole oo aan rabin inuu xulufo Shariif Xasan ku jiro uu wax ku darsado.
Qorshaha kale ee Shariif Xasan kan ugu xiga wuxuu yahay in xulufo uu la sameeyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ah musharax ka baxsan dawlada KMG kana soo jeeda beelaha Muqdisho. Xasan waxay aad u dagaalameen Sheekh Shariif oo ay qaraabo yihiin kadib markii uu Sheekh Shariif damcay in Xasan loo diido baarlamaanka maadaama uu Xasan iridka ka xirayo rajada madaxtinimada Sheekh Shariif, waana halkaasi meesha uu Shariif Xasan ka soo gali doono xulufeysiga Xasan Sheekh.
Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kaloo ka dhex muuqata illaa labo fursadood oo kale; waa mida koowaade talada beesha caalamka ee ah in la dhowro “suunada qabiiliga” kama hor imaanayo. Tan labaadna waxay tahay Xasan Sheekh wuxuu heystaa taageerayaal wajiyo kala duwan leh, sida kooxaha diiniga Al-Islaax iyo Itixaad [inkastoo isaga uusan ka mid ahayn kooxahan] ayna ku jiraan ganacsato dhaqaale heysata iyo kuwa mabda’a wadaniniamada raacsan “Nationalists” sidaasi darteed Shariif Xasan waxaa u muuqda in Xasan uu leeyahay gidaar la cuskan karo hadhow.
In Shariif Xasan u ordo Xasan Sheekh waxay ka timid markii uu waayey Mustaf Dhuxulow oo beesha Murusade ka soo jeeda aadna ugu dhowaa Shariif Xasan. Mustaf wuxuu dib uga laabtay musharaxnimadii gudoonka baarlamaanka cadaadis ka yimid odayaal iyo siyaasiyiinta beesha Hawiye darteed.
Dadka u dhow Xasan Sheekh aad ayey u diidan yihiin in Shariif Xasan ay wax ku darsadaan laakiin ogow in xilliyadan oo kale aan loo baahneyn DIIDMO iyo OGOLAANSHO midna ee waxa loo baahan yahay ay tahay “inaad garato dantaada halka ay ku jirto”.
Dhammaan qorshayaashan waxay Shariif Xasan uga dhigan yihiin kuwo waafaqsan qaacidadiisa uu horey u degsaday ee ah “ama madaxweyne noqon ama madaxweyne ayaan keenayaa”!!!!
AFEEF: Magacyada qabiilada ee ku jira warbixintan ma ahan kuwo ka tarjumaya aragtida Raxanreeb, waxaase keentay baahi in la loo fahmo nuxurka Falanqeynta.
______________________________________________________________________________________________________
RBC Radio
Xafiiska Falanqeeyayaasha Idman
Raxanreeb@Gmail.com













Shariif Xasan waa nin belo! Maxaad u maleyneysaa hadduu aqoon lahaan lahaa? Waxaan u maleynayaa inuu noqon lahaa sida Zinawi oo uu ummadda dhan uu ka dul shaxi lahaa.
Waa loo baahanyahey in la kululeeyo beesha u hartey Muqdisho siyaasiyiintooda oo ay ugu yaraan ogyihiin in xarigga afkiisa kale rag kale ka heystaane aysan kaligood meesha ku aheyn. Haddey kalkaan xataa helaanna in kalka danbe laga heli karo.
Waxaa dalka iyo dadkaba dantu ugu jiri laheyd haddii aqli shaqeynayo in beelaha labadaa oo hadda labada jago oo ugu sarreeya qaata in laga wareejiyo. oo madaxweynaha laga dhigo Dir(Isaaq aan aheyn) ama beesha shanaad, ra,iisal wasaarahana kan kale la siiyo.
Hawiye iyo Daaroodna waan hubaa sidaas way ku qanci lahaayeen oo labadoodaa is fiirsada. Nimanyahow aragtidaas iyadaa aan u ololeyno dhammaanteen si loo badbaado, dalkuna uu u noqdo mid la ogaado inuu yahey mid loo simanyahey ee aan labo qabiil kaliya laheyn.
[...] Read More: Qorshaha Labaad ee Shariif Xasan Sheekh Aadan Iyo Caqabadaha Heysta (Warbixin) [...]
tTO QORAAGA OO BEEN HAL QODOB KU SHEEGAY
ARINTA AH AMISOM AYAA XAMAR IGU ILAALINEYSO AAN ARAGNO HADDII XAMAR VILLA SOOMALIYA TAHAY, SOOMAALIYA QABIIL WALBA MEEL AYUU KU XOOGAN YAHAY EE HA KU FEKKERIN IN AMISON KALIYA AY MEESHA JOOGTO,,,,, IN AADAN MAAN LAHAYN WAA LA SOCOTAA ETHOIPIA WIXII XAMAR KA RAACAY EE TAAS KU SEEXO OO KU SOO TOOS…ODAY WAA HURDEYSAA
Ma fahmin waxa meesha kuqoran balse shariif sakiin wuu dhaama afguduud iyo gaas waxana is leeyahay waana wada ognahay inuu xunyahay sakiin lakin waa nin aan usha ka qaadan karno wa nin lacelinkaro waa nin xumantana ku dhereya hadi wax loshegana ku dhereya lakin kuwa kale.
Faroole. Wali rajuu leeyahay haduuba ka dheeraday sharta shariif ka baarlamaanka.
ani waxaanan weli fahmin shariifka ama ..mise ;;;;mise ?
waxa la isku haleenaayo waa taangiga amisom qofkaan leh wixi ethopiya ka raacay ethopiya way xasilisay cidna kama saarin somali oo dahn b aka saaraty qabiil walbo laha ””’ wa kuwi si qixaanyey oo sikuw atay ethopiya anfteeda cali geedi iyo gacma deher ba aka mid ahaa marka haday qolo tiraahdo ethopiya aban saarnays sheeko ahaa weli jufada sheeq shariif weyba tageersaneed godane iyo abuu amnsuur bey ahayeen nimanki dhexda u xirtay iney ka saraan mesah ayagana reer mogadisho mey ahen taas halagu fakiro mida kale hadayba amisom baxdo yaaba joogi karo mesha kuli waxa la hoos tagaya alshabab wa al ogyahay alshabaabna maah reer mogadisho dadka hogaamiya waa la ogyahay marka inta yar ee amisom ay mesha ku ehesohadad flimka xumesan cid idinka futo xun ma jirto
Dhawaan ayaan bilaabay inaan akhriyo Raxanreeb. Runtii waxaan aad ula dhacay “Quality” falaanqaynta, qoritaankan iyo mid kale oo qortay gabadha Sundus.
The writer has covered the story form different angles and postulated the outcome of different scenarios.
Well done Raxanreeb. You have got best writer among the Somali sites. Good job Guuleed Ismacil.
ghg@ sxb muqdisho maanta laguma kala adka waxa jooga mr musevini ama amison kii iswalana dhegsiga ayeey ka garacaysa marka hadba kii kusoo baxa ayaan arki doona shariifna ku daah sxb
war ethiopia waa tan alshaabka naafaysay oo karaar jabisay waa tay dheheen adis ababa ayaan ku ciidaynaa iyo nairobi markaan howsh etiopia qabaty maaha wxa yar caqligu hashaqeeyo hadii lala dgaalamayna iyaba way dgaalanty xisaabta halgu daro marky baxday mxaa wali loo dagaalamyay war dadka xamar hada dagan in madfac ay gamaan iyo in lagu gamo wax kale mayaqaaniin turubkii hore ayay wali wadaan kkkkkkkkkkkkkkk markasta oo meeshaan islaamiyiin kasoo dad sheeganaya kasoo baxaan ethipia waa joogtaa mxaa yeelay sababta ugu wayn wxaa weeye ethipia waa dal dadkiisu int badan islaam ah gaalo ayaa haysata xoog ayayna ku hyaan iyo caaqli gaalada kalena waa ogyihiin marka madaxda ethipia wxa yar haday ka dhqdhaaqdo kudaha ama soomaaliya oo cadowku ah iyaga seeftoodu galka waa ka baxsantahy waana diyaar milez reerkiisu waa 4 milion soomaalida kaliya ayaa ka badan laba xiniyood iyo karti ayuu ku haysty xataa xabashida muslimkoodu mayara iskadaa qoomiyadaha kale tigree xataa muslim ayay leeyihiin ethiopiyana way isku dhexyaacaysaa waa hubaal milez nin caadi ah ma hyn wxuu ahaa mucjiso umada alla ka qabty
Khadro waxeey waxeey tiri shariif sakiin waa nin usha loo dhiibto laga qaadi karo armuu xidido waaweyn yeshaa sidii maxamed siyaad loo qabay oo sidaas ku dabaalataa oo xumbo cuskataa.Ninkaan leh amison ayaa wax waardiyeeneysa miyuuu iloobay in nina uu ku mushaaxi karin madaxtinimo lagu waardiyeeyo oo uusan tegi karin meel walbo oo muqdisho ka mid ah ,horumarna sameyn karin.
qaacidada meesha taalo ka weyn wax la doonayo.Indhahaa leeysku haayaa iyadoo maalin cad ah toobina bacaad cidla ah baa lagu hayaa.Guduga farsamadana waxaa lagu harqiyey lacag foowqul caqli ka badsan waxeeyna ka soo jeedaan meel la wada garanayo.Ciyaari waa gelin dambe.Bal aan aragno meesheey biyuhu sal dhigtaan.
Waa shaydaan aan laga cowdi bilaysan karin
@raxanreeb
First waxan rabaa in aan u sheego raxanreeb qofkaan qaatay logadaydii ahayd soomalirun in leyga qabto waayo anaa qortay emailkaygana waad haysaan!
Hadaan ka hadlo planska shariif xasan horta waxan u arkaa in qofwalba oo midnimada iyo soomali nimada qiimaynaya xaq u leeyahay laakiin gudoomiyuha isagaa ka qiima weyn booswalba hadii laga
eegayo xaga dhisida hayad sharci dejin halkaa ayey ka timada xaqdaro sedbursi dulmi ama cadaalad sinaan midnimo beelo kale oo waaweyn oon weli helin sadexda kursina wayjiraan markaa hadii gudoomiyaha baarlamaanku wax laquudhsado yahay maxaa shariif xasan magaca u yeelay?
ugu dambayn uma arko wax lagu quudhsaday ee waxan u arkaa nasiib weyn oo beeshaasi lahayd shariifna beeshiisa buu ku beerlaxaw sanayaaa waxba kama jiraan dad beeshiisa ah oo soomali horumar u keeni lahaana wuu hortaaganyahay oo madaxwayne iyo waxwalbo u qalma.
raxanreeb web xun oo la mid kuw ay leeyihiin soomaalidu ma han waa dhexdhexaad waana hifan yahay aad ayuu u wax u fiiriyaa faalooyin faahfaahsan xog ogaalnimo saadaal dheer iyo siinaan ayaa ka muuqata
Wadaad yare , hadii shariif sakiin aqoon lahaan lahaa waxaan aminsahahy inuusan sameeyeen waxa uu hada sameeynayo waa uu ka xishoon lahaa
aqoonta waxa ay kaa celisaa waxa xun iyo aragtida gaaban waxa maanta meeshaan dhigay soomaaliya waa dadka aqoonta yar sid amadaxwayne ka bilaabay shaqadiisii ugu horeeysay madaxwayne ninaan dugsi hoose dhamayn gudoomiye barlamanaan iyo kuwa aan waxna qorin waxna aqrin jeneraal ciidan hogaamiya
waxaan kaloo ku usheegi in aqoonta laftirkeeda hadaad leedahay u baahan tahay in loo isticmaalo waxay qusayso micnahaygu ma aha ninka aqoonta leh waa saxsan yahay waxaa jira kuwa aan u istilcmaalin siday ahayd
TO:GHG haddii xamar caasimadii Somaliya ahayn oo aan loo sinayn ma waxaa caqli ah wiil moryaan in wasiiradu ka baqaan?ma waxaad qabtaa in talada dalka cid kaliya leedahay ama wadi karto?waxaa cad xamar in aanay caasimad u qalmin bal inoo soo door meel caasiamd u qalanta qofka somaligana isagoon cidna ka baqin ku shaqayn karo?waxaan xasuustaa ma aan xamar tagay Gen Indhacadde oo rasiasal wasaare Cumar cabdirashiid laga celcelinayo waa cajiibkii iigu weynaa,anigu hadaan ahaan lahaa waxaa la kala ogaan lahaa in aan ahay rasial wasaare iyo in kale taa oo kale haddii aad rabto waad danbaysaa waxaa ay noqon doontaa wasiir kastaa xafiiskiisa in uu la tago tuladii uu ka yimid waana caddahay waxa lagu sheego reerka muqdisho u haray in ay sidan tahay
Ninkan sharif xasan aqoon malaha waa been waa aqoon yahan hasta aqoonta u saraysa ee rabi (allahA)bixiyo (CAQLIGA) waa nin ilaa hay siiyay caqli aqoon yahano shahado sare iyo mid hoosaba isaga ayaa markasta oo ay isqabtaan ka guulaysta HADABA RAADI SABTA UU MARWALBA U GUULAYSTO aniga waxay ilatahay kuma shaqeeyo qabyaalad mana qobo cuqdad qabiil & reer hebel iska celi markastana wuxuu raacaa waxa qoran ama lagu heshiiyay 2bada beelood ee soomalida ika dhaadhiciya in ay marwalba hogaamiyaana sicad ayuu uga hor yimid siyaasdooda waana naka iftiimiyay in xukunka loo siman yahay wuuna ku guulaystay taa waana taarikh soomalidu ubaah nayd in lagaadho sinaan cadaalad xamarna waa caasimada qaranka beel hadii ay tidhahdo ana gaa ubadan ee markasta aan wax xukuno taas macna heedu waa halkan caasimad ma,aha ee waa magaalo qoys CAASIMADA WAXAA KAFAA IDA DADKA U BADAN DHAQAALE AHAAN IYO AQOONBA, hadaba bal is waydii MOGDISHO HADII AYNA CAASIMAD A HAAN LAHAYN KAALIN TAY KA GALI LAHAYDA IYADA IYO DAD KEEDUBA SIYAASAD AHAN IYO DHAQAALE AHAANBA GOBOLKE LA SINAAN LA HAYD, QIIMANTADA, HADA WAXAY CUNTAA DHAQLAH DALKOODHAN IN CAASIMAD SII AHAATO DADKA DAGAN AYAA FAA IDO UGU JIRTAA, SOOMLI NIMADA ILAALIYA WAAD KA FAA IDEENE HADII KALE ISKA DAADIYA BIRI AAN ARAGNO WAXAD KAGA DUUWAN TIHIIN GOBOLADA KALE MARKAY CAASIMADU IDIN DHAAFTO.
ilaahay umada ha kaqabto sharif sakin waa tuug,madaxweynaha somalia waa prof ahmed ismail samatar,r/wasaare waa farmajo eelay iyo hawiye ha iska tageen
war ninyohow qabyalada halayska dayo shariif sakiin wa nin somaliyeed wuuna uqalma inuu madaxweyne noqdo oo kuwa kale waxba ismadhaman wadna aragteen marka qabyalada halayska dayo oo si fiican wax haloo arko run ahantii ani waxbaa igama galin beelna lamawadago lkn wu dhama kuwa kale maxa yeelay afara qabiilka buu ad uga fogyahay wax ad sharka modayso oo khayrka ah ba jira
kkkkkk waxan layabanahay sunada qabiilka lashegayo waxan aminsanhay hawiye ,darood ,dir,digil iyo mirif inay wada yihin dad somalieed beelkastana ay xaq uleedahay inay xilka madaxweynaha qabato marka qabyaalada halyska dayo wad xanuunsantihiin teedda kale xamar nina lagama laha wa casimad somaliyeed ninka sas aminsana wa nin buka
shariif sakiin sxb time kaagii waa dhamaaday no more chances for you my friend sorry //// www. calaacal.com wixii kuu haray halkaa ku siinaso…………………………………
Runtii aduunyada aan kunoolahay guudkeeda, banii aadamka aan laqabno nolosheena waa qayb kamid ah noloshaada kuguna leh saamayn toos ah iyo mid dadban ba. xumaanta uu sameeyo maahan mid isaga keliya dhib gaarsiinaysa waa mid adigana kuu laaban. hadii aa tahay somali soo jeeda dareensan booska uu caalamka kajoogo iyo sida looga arko hadaa tahay nin dareensan in aadan uqalmin booska aad manta joogto hadaa tahay nin damiirle kafekeraya umada soomaaliyeed kadiir naxaya yasida iyo takoorka lagula kacayo umadiisa ka damqanaya dhibta haysata umadiisa kumaad hadaaqdeen magac ka aamusnaantiisa aad ajar iyo sharaf ka helayso shariif xasan afkaaga masoo mareen hadaa tahay nin dareen bini aadannimo , dadnimo diinimo iyo raga nimo leh ninkan waa xoolo ka fekeraya maxaa cuntaa waa dameer ka fekeraya cawska uu siin doono ninka raranaya waa wax cid isaga lamid ah aynaan dunidan casrigah ah soo marin , war ugu yaraan ma nin ciyaaal gaajaysan duq maliil ah dumar dhalaya iyo habro cimri gaaray oo qax iyo gaajo bara kicisay cunaya mucaawinadii losoo diray , hadii aan maanta madax kanoqon lahaa wadanka ama aan ka noqdo maxkamad ayaan soo taagin xukunka uguyar waa deldelaad maalin cad umada oo dhan horteeda , hadana shariifow waan kuu sheegay meesha aan kugu arko ninka hilibkaaga cunaya baan ahay ilaaaaaahay haykaa tuso