Qul-qulka Tahriibta, Qiimadhaca Doolarka & Qorsha La’aanta Puntland. W/Q Xaamud Dala-aan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Qulqulka Tahriibta Qiimadhaca Doolarka & Qorsha La’aanta Puntland.
XAAMID MAXAMED DALA AAN
Karzay3@gmail.com
Agoosto 4 2012

Ugu horayn alle ayaa mahadleh waxaan mudan kuwa u hogaansama amaradiisa oo ah muslimiinta.

Intaas kadib waxaan halkaan rabaa bulshada somaliyeed gaar ahaan reer puntland inaan la wadaago xaaladaha tariibka ee hareeyay dhalinta waa side safarka tahriibka?maxaa kalifay? Maxaa xal ah ? iyo side looga bixi karaa.

Sanadkan 2012 waxaa deegaanada Puntland soo wajahay tahriibtii ugu badnay ee laga tahriibo waxaan dhalinyaro farabadan oo ahaa mustaqbalkii dalka ay u jahaysteen safar tahriib ah oo nolol raadis ah kadib markay soo wajahday xaalado dhaqaale xumo iyo shaqo la aan dhalintan oo isugu jira rag iyo dumar ayaa mutay intoodii badnayd rafaad iyo rajo beel wallow qaarkood ay gaareen talyaaniga hadan.

Intaanan ugalin xaaladaha dhalinta kale waxaan rabaa inaan idinla wadaago dhacdo aniga shaqsi ahaan aan kala kulmay qul qulkaas tahriibta oo quluubta dhalinta qarqiyay.

Aniga oo aan waligay ku fakarin inaan dalka dibada uga baxo duruuf kasta oo isoo wajahday ayaan dareemay xaalad ka duwan intaan xasuusto noloshayda taas oo ah dhibaato dhanka dhaqaalaha ah tii ugu adkayd.

Taas oo ka dhalatay xaaladah koru kaca sixir ascaarta iyo hoos u dhaca lacagta doolarka oo ah lacagta ugu badan ee ay ku xirantahay xaaladaha wax iibsiga Puntland.

Arintaas oo sababtay inaan maarayn waayo nolol maalmeedkii qoyskayga aana dareemay wal wal nololeed kadib markay igu filaan wayday lacag aan ku shaqaynay mudo ka badan 5 sano taas oo ka hor  2011 ahay mid ku filan qoyskayga wallow aysan jirin baahi dhamaystiran hadan xaaladaha duruurigaa wal wal kama jirin sida kirada guriga iskuulka nolosha guud ee qoyska.

Dhacdadan oo ahay mid soo wajahday cidkasta oo kamid ah xoogsatada maqadaa ma dhargaanka ah iyo dhalinta aan shaqayn laakiin ku hoos noolaa qarabadooda dadka danyartaa iyo dhamaan shacabka caadigaa marka laga reebo qoysas faro ku tiris ah kuwaas oo dhaqaalo ahaan ka sareeyay shacabka caadigaa.

Guuxa iyo cabashada dhaqaale ayaa suuqyada puntland ka noqday sheekada ugu badan ee shacabka caadigaa hamiga dhalinta aan kamid ahaa ayaa noqday xagaan duruuftan xal uga raadinaa.

Markay xaaladu maraysay sanad ku dhawaad aan arki waayay wax isbadal ah taas oo ay ii raacday wararka tahriibka iyo ka talowga badaha oo noqday xogta kali ah ee aan xiisaha u hayo aniga iyo dhalinyaro farabadan oo kale.

Ayaan waxaan go aan saday inaan safar tahriib ah ugu bokhoolo dhanka itoobaya ilaa aan ka gaaro yurub oo masaafo dheer dhibaato badan ay iga xigto wallow aan arintaas dhagaha ka furastay.

Dhaqaalo raadin badan kadib waxaan helay lacagtii aan safarka ku bilaabi lahaa taas oo runtii lafteedu ahayd howl adag intaas kadib aniga iyo labo dhalinyaro aan isku magaalo ahayn waxaan bilownay safar aan ku qabanay dhanka itoobiya maalintii ugu horaysay safarka yaga ayay noo bilaabatay nolol qalafsan markaan gaarnay xuduud itoobaya iyo Soomaaliya.

Xili hebeen ah abaarihii  07:00 habeenimo ayaan gaarnay tuulo yar  oo u dhow magaalada wajaale laguna magacaabo kalabayr halkaas waxaa nageeyay  gaari kuwa qaadka ah oo aan ka soo raacnay magaalada lascanood ee xarunta gobolka sool darawalka ayaan waydiin sida aan sharci la aan ugu gali karno dalka itoobiya maadaama aanan wadan wax fiiso ama dal kugal ah waxuuna noo sheegay inay adagtahay in sadex qof xuduuda sharci la aan lagu dhaafiyo halmar lakiin ay jiraan rag darawalada qaadka kamid ah oo arintaas waayo arag ku ah waxuu intaas raaciyay inaan sugno nin kamid ragas oo qaad ka soo qaday itoobiya kuna soo aadan caawa saqda dhexe kastanka qaadka ee kalabayr tuuladan kalabayr malahan wax hotel ah mana jogaan cidaan qaadka cunin waa goob qaadwale oo layaab leh waayo dadka oo dhan way qayilayaan waxaan is waydiinay meelaan ka galo qabow aad u farabadan oo xiligaas ka jiray halkaas kadibna waxaan galnay goob balbalo ah halkaas oo ay jogaan tiro muqayiliin an kuwaas oo ka kooban darawalad baaburta qaadka iyo xaraasyada qaadka dhamaantayo qaadka ma cunno cajiib dhalintii goobta joogay ayaa nagu yiri warmaad qayishaan waa idinsee qaadka ma cuno ayaan halmar wadaniri ma dhamaantiin waryaada war meeshaan waxaan qaadcunin kuma hoydaan ayay nagu yiraahdeen cajiib caawana masaan ayaa noo danbaysay ayaan ku caloolyownay.

Markaan in mudaa joonay goobtii ayaa waxaa faarujiyay dadkii qadka cunanyay kadibna inatii meesha lahayd ayaa nagu tiri waryaada meesha waan banidayaa hadaydaan qayilayn isoo dhaafa howraasan ayaa niri war xagaan qabanaa allow noo hiili iyo naflow god doon ayay noqtay waxaan hadba marfish aanan ku qayilayn qoorta galinoo nalagu qoslaba ilayn nimaan qayilin halkaas kuma hoydee ugu danbaytii hadaba waxaa soo galaya gaari waaraad ah oo sida jaad waxaan ogaaday habeenkaas lacagtii soomaliya qaniga ka dhigi lahayd inay itoobiya gasho ugu yaraan 40 gaari oo kuwa waraadad somalidu u taqaan ama jabac jabacda ayaa soo galay intaan joonay oo saacado kooban ahayd kuwaas oo dhamaantood sida jaad ama qaad.

Xili ku began 02:00 habeenimo ee isla habeenkaas ayaan raacnay gaari kuwa qaadkaa oo ku sii jeeda dhanka itoobiya kaas oo noosheegay inuu naga gudbin doon xadka balse aan bixino lacag u dhiganta boqol doolar waan aqbalnay alayn tahriibe takbiir malehee markaan gaarnay magalada wajaale ee xad beenaadka Itoobiya iyo Soomaaliya gaar ahaan dhanka uu maamulo maamulka Somaliland ayuu noo sheegay inaan gaariga ka dagno waayo suura galmaahan inuu kantaroolka xadka itoobiya uu na dhaafiyo soo lugeeya oo soo dhaafa checkpoint ga ayuu nagu yiri gaariga ayaan ka daganay ogowna akhriste waligayo mid naga mid ah ma aano arag wajaale iyo itoobiya toona sidii ayaan yeelnay anaga oo dareemayna cabsi waayo waxaanu maqli jirnay markaan somaliya joognay xabsiga itoobiya sifudud ayaa lagu galaa laakiin way adagtahay in laga baxaa.

Wajaale waa magaalo aad u qabow xiliga habeenkiiya waxaan lug ka bilownay darafka magaalada ilaa aan wadna rug ku dhaafnay isbaarada itoobiya ee xadka kadibna gaarigii ayaan raacnay markaan maraynay meelaan saas uga dheerayn isla magalada wajaale una dhexaysa wajale iyo jigjiga ayuu darawalkii noo shaagay inay jirto isbaaro kale oo aanay suuragalayn inaan lug ku dhaafno lacag keena ayuu yiri laalush aan u siiyo allow adaa mahad leh .

Waliba waxuu noo raaciyay inaan oogada gaariga sagxada aan seexano cidna aanan la hadlin kantaroolkii ayaan soo gaarnay muran iyo isjiid jiid dheer kadib khilaaf ayaa soo dhexgalay darawalkii iyo qoladii kantaroolka waxayna ku amreen in dhulka nala soo dhigo.

QUL QULKA TAHRIIBTA,QIIMADHACA,DOOLARKA IYO QORSHA LA AANTA PUNTLAND —QAYBTII 1AAD 

W/Q XAAMID MAXAMED DALA AAN

Karzay3@gmail.com
FILO  QAYBTII 2AAD

 ==============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

14 Responses for “Qul-qulka Tahriibta, Qiimadhaca Doolarka & Qorsha La’aanta Puntland. W/Q Xaamud Dala-aan”

  1. [...] Excerpt from: Qul-qulka Tahriibta, Qiimadhaca Doolarka & Qorsha La’aanta Puntland. W/Q Xaamud Dala-aan [...]

  2. Libaax-libaax DHalay says:

    Ina adeer DALA AAN waxaad moodaa qoraalka inuu kugu cusubyahay, waxaad xiisaynaysaa waxaan la garanayn iyo waxaan la arkayn iyo wax qoto dheer inaad sheegtao oo aysan dadka kale ogayn, mana aha dabeecad qariib ahoo hadaad u fiirsato dadka qoraalka ku cusubyahay dabeecadooda waa sidaas, waxay rabaan inay sheegaan waxaan dadka kale arag , maqal, aqoon, taasna mid hdici karta ma aha.
    Waxaan aqriyay dhowr qormo oo aad 123…oo aad arrimaha Puntland ku falanqaynaysay runtii dhammaan waxay ahaayeen kuwo un ku salaysan dabeecadda aan kor ku soo sheegay oo aan ku salaysnayn xaqiiqda, runtiina waxaa fiicnaan lahayd marba haddii aad waqti galinayso inaad wax qorto adeer xaqiiqda lagama tago, dadkana loolama hadlo sidaad keligaa wax taqaan ama aad ogtahay.

    Ma xuma inaad mucaarad noqoto, laakiin haddaadan aqoon sida loola hadlo qofkaad mucaaradayso anigaa kuu sheegayee sidaad jeclaan lahayd inuu mucaaradkaaga kuula hadlo ula hadal, laakiin sida aad hadd hadda wax u qorto dad yar baa farriintaadu gaaraysaa, waayo inta kale way iska yaqaanaan waxaad qorayso oo waa intii shalay iyo waxaad ku soo kordhisay, marka adeer waan u baahannahay qof wax qora, laakiin ma aha qoraalka sidaan ah, ama sida kii Daad ahaa ee isna ku waashay ra’iisal wasaaraha.

  3. Puntlander says:

    Qoraagu aad ayuu u mahadsanyahay waxuuna ka hadlay xaalad isga ku dhacday mana ahan mucaarad waxa meesha ku qoran ee kaagan libaaxyada sheeganayaa malaha shaqsi ahaan ayaad ula dirirtay ninkan mise cidka kalaa warka kuu soo dhiibtay aad ayaan xaamud kuugu mahad celinayaa runtii waxyaalo jiraad ifisay waxaan kuu rjaynayaa guul

  4. HA AAMUSIN says:

    war dadku haday caqlifayoow iyo dareen dheer ilaah siiyo ma mucaarad iyo duudaa dudaa niin baa lagula sooyaacaa ilaa qofka ugudanbeeya kaluun cuno ama diyaaradaha calooshood ushaqayste yaasha dilaan AMA ILMA FAROOLE DHERGAAN DEBADEED [[[[[ MIYAA LALEEYAHAY HA HADLINA SAAKA MAXAAD KALA SOCOTAAN IN RUNTII AWELBA hore aan U ogayn ee ay kuu xilqarinayeen reertolkaa ilma [[[[[[[? oo saaka qaraxday ceebeey tacaal IDIMAALE waa HOYGA WARARKA EE MUDUG BAL AQRIYA WAXA AAD KADHEEHATAANA DADWAYNAHA BAA KAJAWAABI DOONA OO MAR QAATI KANOQON DONE EE booqda idimaale com

  5. HA AAMUSIN says:

    ilaahay maragii doqomo dhiig miirato iyo dulmi xad dhaafa baa kasocda dalkii somaliyed oo meelkasta waxaa soohorfadhiya manexe wata beeshiisa oo boobaaya sida loda oo kale carabka marinaya wax kasta oo dadka misaakiintu ubaahnaayeen iyga iyo caruurtooda baa inta badan ku baashaala waana xaaraan in nin masuula oo kudhaartay kitaabka ale uu saa u dhaqmo subxaana laah ilaahoow nagasoogaar soomaali waa hoogtay oo intii fayoobayd waa wax dhintay wax cararay iyo wax la leeyahay aamuus hadii uu hadlana waa caawa iyo masaajidka hortiisa iyo cumaamadii xinjirta iyo lama yaqaan ilaahay waqtigan adadag soomaali hakasaaro waxay wada noqotay xaasid iyo xinjiro daadshe qariye baqaaye baq baqle aan war hayn ilaahay hanaga soo afjaro waqtigan xun ee lawada jaah wareeray AMIIN

  6. Garowe says:

    To libaax!! War heedhe ninkan wuu daddaalaye maxaa ku mucaaradey, Somali baad tahay doqonimo hayso, adeer dadku hakaa daddaale faraha kalabax oo dadka haniyad jebin oo adiguba iskuday, mucaarad qurmey adigaa ahee reer baadiyayohow qurbaha ku ilbaxay.

    Sxb qoraa aadbad ugu mahadsantahay qormadan wax dhaliil ahna malahan, qofwalbana maalinba meel buu jooga kaan xoolaha ah ee wax caynayaaba waa jaahile,,,, bro daddaal and u could be the best.. Thanks

  7. suheyla says:

    @libaax isdhalay adeer ninkaan qoraalkiisa dhaliil ugama jeedno iyo mucaaradnimee ummadda afka hagoosan ee mucaaradnimada adigu iska daa.waxaan uarkaa inuu kahadlayo runta iyo waxa jira maanta beenna maaha in p/land dhaqaale xumo soo wajahdey cidna kama qarsoona hadeaadan ogeeyn danyartaa kaa og iyo cidda aytaabanayso.midda kale tahriibta inay dhib leedahay in dhalinteena loosheego waa wax aad uwanaagsan loogana digo .qoruhu hadeysan asaga kudhicin soo wax dadlamida arinkaani kudhacay manoqon karo oouu xaqiiqdeeda hayo .

  8. faadil ali says:

    asc fikirkaas mula qabo anigu puntland inay ka jiraan gaajada iyo majaacada aan hadalkaaga ka dareemaya .. dhukeeno shaqo waa leeyahay lkn dadkeeno ayagaan sheaqaysan wlle ..mid walba oo hada baadiye ka soo galay wuxuu rabaa inuu sidii nin wax bartaty u noolaado oo gaari cad ku socdo guri cad galo marka wlle walaaahay oo walaahay hadaa shaqo u bareerto maalintii boosaso wxaad shaqaynkartaa 30-20$ maalintii shaqaynkartaa xamaaalna alaha ka dhigee ,, nin waxaan la sheekaystay xamaaliyiin boosaso wu ii sheegay in inta badan maalin uu helo amaba shaqauto 10-15$ noloshiisana iyo tan reerkiisana ay ku filantahay …………..walaalayaa aaan xaqiiqada ka hadalno yaanan dalka ku kufrin iyo nimcada taalo marnaba adiga iyo qof 20 sanno ama 10 sanno wax soo baranayay isku meel ma faraysanaysaa ilaahayna wuxuu balan qaaday iuusan qof wuxuu shaqaystay uu san dayici donin ,,puntlan oo dhan kama war qabo lkn boosaso maanta qof u dhashay oo gaajaysan inuu jiro uma malaynayo ,qof maahee ma shaqayste ah maaya ………..ilaahay u inuu noo ziyaadiyo baan ka baryaya ,fiiri wllw gobolada akle ee dalka way naga wada leetaa walaahay alxamdulilaahi calaa kuli xaaaaaaaaaal

  9. Dulmi-diid says:

    @Libaax Libaax dhalay, ma ina Faroolaad tahay?

  10. war ninyohow libaaxyada sheegayaa, maxaad ka duday? ninkani waxa uu kahadlay waxa kaqabsaday tarhiibka oo ay sabab utahay dhibaatada nololeed ee isaga haysata oo kaliya

  11. Pintiland viva kkkkkkkkkkkkkkkkk

  12. qoraagu hoos u dhac doolar ayuu aad u ifiyay arintaasi waa runtii mana ahan been ramadaan ayaa lagu yiraa sanad ka hor dad ku nolaa nolo quman ayaa hada ah maalin hel maalin waa taasi been amaahan faan iyo is cajabin beena labma rabo xukuumada waa inay wax ka qabataa arimaha doolar ee hoos u sii dacay adeeryaalow laba nin oo qoorahood baraf ugu jiro yaanay bulshada oran puntland dhibaato dhaqaale kama jirto waxaan qabaa bulshada puntland %80 inay ku jiraan xaalad gunti giijis ah mana ahn in dalka dhaqaale la aan jirtee waxaa jira maamul xumo dhanka dhaqaalahaa iyo ku tagri fal lacagta dalkaa yaan runta la cararin maamulka hada jiraa aad ayuu u fiicnaa dhaqaala ahaan labadii sano ee hore laakiin sandkan aad ayuu u liitaa waana waajib saaran arinta sara u kaca canshuurah iyo hoos u dhaca dhaqaalaha in wax laga qabto hadii kale dhibaato bina aadanimo ayay noqon doontaa

  13. adanbile says:

    xaamid waa shego aad iyo aad u qiiro badan . qofka kastana dareensinkarta dhibka kajira . wadanka . waad ku mahadsantahay . inaad nala qaybsato. shekadaan. waxana sugnaaba waa qaybta la.baad,

  14. nuura. says:

    xaamid tamba waad qortay “Qeybtii 5aad Hayaanka Puntland & Habraaca Beelaha.” dadka ha udhuuban walakis . mucaarad weyn baad tahay oo ismodaya dadka iyo dowlada inaad isku tirto raba. oo caado qaate ah. mahana haboona in shekoyin been ah laga alif dadka iyo dalka. waxaas waa waxa wadankena ba,biyey , waxan ku soo jedinalaa inaad ka tobad keento. messages kan caatada ah iyo aad dadka u dabacayso . waana ramadaane.

Leave a Reply