Rabshado Hargeysa ku dhex-maray Ciidanka Booliska iyo Qaxooti Itoobiyaan ah oo sababay dhaawac badan
Hargeysa(RBC):- Sagaal qof oo isugu jira 5 Askari oo Booliska Somaliland ka tirsan iyo 4 qof oo qaxooti Itoobiyaan ah oo Hargeysa ku sugan, ka dib markii iska-horimaad Xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa ku dhex-maray ciidanka ammaanka iyo dad qaxooti Itoobiyaan ah oo Oromo u badan.
Iska horimaadka Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa iyo qaxootiga dhex-maray, ayaa yimi ka dib markii ay Ciidammada Boolisku isku dayeen inay dadkaas oo muddo sagaal bilood ka badan degganaa Guri uu Xaafadda shacabka ku leeyahay nin reer Somaliland ah, kaasoo u kiraysnaa Hay’adda Qaxoontiga adduunka u qaabbilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR oo ugu talagashay gurigaan in lagu xannaaneeyo, isla markaana lagu quudiyo dadka xanuunsanaya ee qaxootiga ah, balse ay 10 bilood ka hor qaab muddaharaad ah u degeen illaa saddex boqol oo qoys oo qaxootiga Itoobiya ee Hargeysa deggan ah.
Dadka qaxootiga ah oo hore u diiday inay ka baxaan gurigaas, ayaa ciidanka Booliska ee maanta halkaa u tagay inay guriga ka saaraan kala horyimi Faashash iyo Budhadh, isla markaana waxay dhaawacyo u geysteen shan Askari oo ka tirsan Booliskii goobtaas tagay, halka Booliskuna ay dhaawacyo gaadhsiiyeen afar qof oo ka tirsan qaxoontiga Itoobiyaanka ah ee gurigaa muddada sannadka ku dhaw degganaa.
Sababta dadkan qaxoontiga ahi u degeen gurigaas, waxay ku sheegeen markii ugu horreysay dabayaaqadii sannadkii tagay ee 2011, inay UNHCR ka joojisay lacag gunno ah oo ay siin jirtay dadka qaxoontiga ah, taasoo xaddigeedu dhammaa 60$ (lixdan Doollar), ka dibna ay muddaharaadka ay ku degeen gurigan oo la odhan jiray xarunta quudinta qaxootiga oo ku dhaw Hay’adda qaxoontiga u qaabbilsan Qaramada Midoobay Xafiiskeeda Hargeysa, si ay hay’addaa culays ugu saaraan inay u soo celiso gunnada ay ka joojisay.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo bishii Janaayo ee sannadkan ka hadlay, ayaa sheegay inay qaxootigaasi si sharci-darro iyo xoog ah ku deggan yihiin gurigaas oo uu leeyahay muwaaddin u dhashay Somaliland, isaga oo xusay inay qaxoontigan Itoobiyaanka ahi doonayaan inay ku qasbaan hay’adda UNHCR inay qasab kaga dhoofiso Somaliland oo ay u dhoofiso Yurub iyo Maraykanka oo qaybo hore oo qaxootiga Itoobiya ka tirsanaa oo Somaliland ku sugnaa Hay’addani si baqtiyaa-nasiib ah ugu qaadday, ka dib markii ay dawladaha waddammada Yurub iyo Maraykanku ka aqbaleen inay qaxoonti ahaan u qaabbilaan dadka Itoobiyaanka ah ee ay ka soo qaadayaan waqooyiga Soomaaliya (Somaliland).
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.











eesh cala cadalad wale somaliland socotay mar haday sda caalamka qaxoontiigi mudaharadayan oo rabshado samaynayaan , xage ka dhicikartaa afrikba ??
viva somaliland4ver
Kkkkk meles waa bakhtiyey e xabashadi budh halala dhaco oo ha laga saara dhulka soomalida eyda eyda dhashay, maamulka somaliland waa ku taageersanahay saan ey wax u wadaan. Waxa ii muuqada sonali oo is raacday siyo soomali galbeed oo la xoreeyey somaalaay guul meel walbaa joogtaan
somaliland ma iyadaa far saari kari karta shacabka ethiopia ee ku nool gudaheeda waxay ka baqaysaa dawlada ethiopiyee. mardhawna waxad arki doontaan guryaha dawlada iyo kuwa shacabka iyagoo xoog ku qabsanaya markaasna u dacwooda UNHCR.KKKKKKK
walalki ka carare meelxun baa u danabaysa
HARGEYSA ETHOPIAN AYAA QABSADEY WALE HADDII AAN MANTA LAGA HORTAGIN WAD ARKI DOONTA AYAGA OO YIRAAHDA HARGEYSA ANAGAA LEH SIDII SOMALI GALBEED OO MANTA LAGA FURFURI LA YAHEY
meles bay awal ka cabsanayeeen haday guryaha ka saari lahaayeen.haday jaanis haleen
walee hadaad somali weyn diidaan gabigiinba itoobiyaa idinla wareegi.
hargeysa waxaa iska leh qoomiyada (oromada) magaca hargeysana waa (dacar)
awal baa soomaalida xoog ku qaadatay marka waa muhiim in aan soo ceshano kkkkkkkkkkk
@ Adam
dulmiga walaalkaa iyo dulmiga nin shisheeye keebaa xanuun badan?
@ moo
Somaliwayn waa maxay?
Farxan oo adigu ma oromad tahay magaca hargaysa asalkiisu waa hargo gays oo waxay ahayd tuulo hargaha loo iib keeno waxaana asal ahaan sameeyey tuulada reer jigjiga
Soomali wayn haynoo dambaysee duceeya in somaaliya oo ah dawlad UN AU laga aqoonsanyahay markaa dawlada jirta ha la hagaajisto inta kuwa aan la hayn nala horwado dad baa nagi khaldaya maga yada soomaaliwayn iyo inta afka soomaaliga ku hadasha iyo soomaalida geeska afrika iyadoo magacyadaasoo dhan loo isticmaalo in lagu tirtiro magac dalka soomaaliya marka dalka soomaliya soo kaco ayaynu soomaali wayn baadhaynaa