Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u diraya hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga dhamaan Muslimiinta Caalamka.,


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho, 18, Agust. 2012…..Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali ayaa caawa dhamaan muslimiinta Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed Hawada u marinaya hambalyo ku aadan farxada Ciidul Fitriga.

Ra’isul wasaaruhu wuxuu Hambalyo u diryaa dhamaanUmadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoona sheegay in Umadd kasta ay leedahay Ciid iyo munaasabado ay weeyneeyaan, hase yeeshee Ilaahay SWT waxaa uu Umaadda Islaamka u jideeyey laba Ciidood oo kala ah Ciidul Fitri iyo Ciida udxiyada, Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan waa u dabaal dagaan labadaas Ciidood.

Xikmada looga jeedo ayaa ah in muslimiintu isugu yimaadaan Salaadaha labaas ciidood si ay isu bartaan, isu xiriiriyaan, iyo in qaarkood qaarka kale u bogaadiyaan si ay isu jeclaadaan una midoobaan.

“Anigoo ka fa’iidaysanaya fursadaan Ciida waxaa ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay is cafiyaan isu tanaasulaan isna caawiyaan, waa in kuwa wax haysta ay farxada la qaybsadaan walaalahooda dhibaateysan ee aan waxba haysan.waxaa kaloo farxad ah in Ciidan ku soo begantay anagoo rajo wanaagsan ka qabna inaan maalmaha soo socda Soomaaliya yeelato dowladd rasmi ah taasina waxay noo tahay farxad labaad”.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaruhu Isagoo hadlkiisa soo gabagabaynaya waxaa uu sheegay inuu u rajaynayo shacabka Soomaaliyeed barwaaqo iyo horumar laga gaaro siyaasada , dhaqaale iyo Arrimaha bulshada, ilaahayna sanadkaan sanadkiisa ku gaarsiiyo nabad iyo baraare.

>>>>>Dhamaad<<<<


Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

Share

1 Response for “Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u diraya hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga dhamaan Muslimiinta Caalamka.,”

  1. gaas waan kaa qaadabay laakin xisaabtii lasheegay wali waa sideedii sababtaasi maxaytahay?

Leave a Reply