Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dalka dibu ugu soo laabtay (Sawirro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho, August, 06, 2012——Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaaliga ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib shir uu uga qeyb galay magaaladaNairobi ee dalka Kenya kaaoo ay isugu yimaadeen Saxiixayaasha Roadmap-ka. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigii la socday ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Wasiiro, Xildhibaano,Saraakiil, Ururada Haweenka, Dhalinyaro, Fanaaniin iyo shacab kale oo aad u farabadan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka uu soo degay kadib saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka diyaaradda ee Aadan Cadde International Airport, Isagoona Sharaxaad kooban ka bixiyay Shirkii uu ku soo qaatay magaalada Nairobi iyo wixii looga hadlay.

“Marka hore waxaan la kulaney Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka ee Clinton waxeyna aad noogu mahadcelisay sida aan u meel mariney Hashiiskii Raodmap-ka, sidoo kale waxey noo sheegtay in dowladda Mareykanka ay mar waliba taageerayaan Shacabka Soomaaliyeed, waxeyna soo dhaweysay oo ay dowladda Soomaaliya u amaantay sameynta Dastuurka dalka. Waxaana inta badan ka wada hadalney Arrimaha Soomaaliya, Wuxuuna wada hadalkeenii noogu idlaaday si guul ah”.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in kulankii Saxiixayaasha ee Nairobi uu ku soo dhamaaday mid guul ah islamarkaana tilmaamay in ay sii wadayaan lagu hormarinayo Soomaaliya.

 

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033

Mogadishu, Somalia

Share

Tags:

6 Responses for “Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dalka dibu ugu soo laabtay (Sawirro)”

  1. QARAN-JECEL says:

    kan in muqdishu lagu soo dhaweeyo ma mudna oo waa qabiiliste, hadaan nahay reer muqdisho gacan ayaan isaga qabaneynaa isaga iyo doayga adeerkiisa ee faroole
    weligiinba qabyaalada ayaa u leedihiin ee aan aragno caanaha aad ka cabtaan

  2. Caddaawe says:

    Cabdiweli waa next president, ala sheekh waanu ka daalnay iyo maamul xumadooda. Sheekh beenaale danbe ma loo adkeysanayo, waanba sugu la’anahay ninka clean house sameyn lahaa haddii Alle idmo.

  3. Caddaawe says:

    Qaran ma jecle

    Miyaad mar kale isku qarxinaysaan asaga iyo Odoyaasha Soomaaliyeedba, ileen waad isku daydeen. You moorons are only good at pitiful assassinations.

  4. xoghaye says:

    qaran jecel hadalkaaga waanu soo dhawaynayaah laakiin reer xamar iska raadiska iska dhaaf

  5. adeer maanta wakhtiga lagu jiro waxaa u qalama inuu madaxwene noqdo dr.prof. c/wali maxamed cali gaas

  6. QARAN-JECEL says:

    To xoghaye

    reer xamar waxaan la yiraahdaa dadka dhulka xamar loogu yimid ee ma ahah dadka cad cad ee yemen, cumaan, iyo iiraan ka yimid, wax fahan waryaa, maskax ma lihid.

    soomaaliya waa dad madmadoow ee ma aha dad cadcad, hadaan kuu bal balaariyo xamar waa dhul [[[[[[[[[[[, sida gobolada kale ay qabaailo soomaali u leeyihiin, taas ku seexo oo ku soo toos,,,, ku farax ama ka nax waa arin adiga kuu taalo…
    qof kasta oo soomaali meeshuu rabo waa ku noolaan karaa…..

Leave a Reply